Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Qaar kamid ah wadamada Islaamka oo baadi goob u galay aragtida bisha soonfur ayaa ugu dambeyn shaaciyay in maalinta berito oo talaado ah ah la dhameystirayo 30ka bisha Ramadaan ayna ciida tahay maalinta Arbacada. Maxkamada sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa go’aamisay in beri oo Talaado ah la dhameystirayo bisha Ramadaan, waxa ayna Maxkamada sheegtay in maalinta ciida ay noqoneyso arbacada oo bisha Abriil tahay 10. “Laguma arag bisha Shawaal Sacuudiga. Sidaa darteed Ciidul Fitriga ayaa la ciidayaa Arbacada, 10-ka Abriil 2024. Ilaahay ha inoo ogolaado inaan ka faa’iidaysanno bishan barakeysan waqtiyada ka haray si aan ugu gudanno waxa uu raalli…
Dowlada Mareykanka ayaa digniin ka bixisay weeraro argagxiso oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah Mareykanka ayaa sheegay inuu helay xog sheegeysa in weeraro Argagixiso ay ka dhici karaan Muqdisho, gaar ahaana goobaha kala ah, dekedda, koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeedka ah iyo shacabka. Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda berri oo Talaado ah 9 April, mana jirto cid ka bixi karta ama…
Dhawaqa jug culus oo lagu sheegay madaafiic ayaa la maqlay goor dhoweyd, kuwaasoo lagu garaacay agagaarka iyo gudaha Madaxtooyada Soomaaliya, oo ay degan yihiin madaxda sare ee DFS. Lama oga illaa hadda halka laga soo tuuray Madaafiicdaas iyo hadii ay jiraan khasaare nafeed oo ka dhashay, laamaha amaanka DF ayaana weli ka hadlin. Warar kale ayaa sheegaya in qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga ah ee iman lahaa garoonka Muqdisho maalinta beri ah ay dib u dhaceen, sababo xagga ammaanka, iyadoo aysan wali dawladdu shaacin. Arrimahan ayaa ku soo aadaya xili Mareykanka uu saacado ka hor soo saaray digniin heerkeedu…
Beledweyne(Radiohalgan.com)-wararka aan ka heleeno magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Meelshiiyaad hubeysan warar ku qadeen Barkontarool ah eey lahayn Maamulka Hirshabelle Kastam laggu qaaddo lacag shaancuur ah kunna yaal Buunda-weyn ee Magaalada Beledweyne ayoow ka dhacay dagaal mudo gaban socaday. Dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay Rasaastii Fureen Maleeshiyo hubeysan iyo Hirshabelle is weydarsanayeen Hospital-ka dhexe ayaa loo qaaday Shacab-ka ay galaafatay Rasaasta aan loo meel dayin. Ugu Danbeentii Magaalada Beledweyne ayaa malimahii Lasoo Dhacafay ka dhacyeen Dilal dhac iyo waliba Dagaal ka fool ka fool ah. Magaalada Beledweyne ayaa noqotay Magaalada ugu ayaan ka…
Agaasimaha cusub ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta tegay xarumaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA. Agaasimaha cusub ee NISA ayaa maanta soo kormeeray xarumaha hay’adda, iyada oo la fillayo in maalinta berri uu si rasmi ah xilka ula wareego. Agaasimaha xilka ka degaya Mahad Salaad ayaa agaasimaha cusub soo tusiyay xarumaha kala duwan ee hay’adda ay leedahay oo qaarkood ka socday howl maalmeedka sugidda amniga. Sidoo kale waxay u kuur-galeen shaqooyinka ka socda xarumaha hay’adda, iyaga oo la kulmay saraakiisha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee hay’adda. Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maalinta berri ah la…
Dhowr iyo toban qof ayaa indho-beelay ka dib markii ay isku dayeen in ay iska daaweeyaan cudurka daafka oo ka dillaacay dalka Mozambique. Sida laga soo xigtey Dr. Sândia Sumbane ka tirsan qaybta indhaha Isbitaalka Dhexe ee magaalada Nampula oo ku taal waqooyiga Mozambique, dadkaan ayaa eersaday kaadi iyo gaas ay ku fool dhaqdeen si ayula tacaalaan daaf faro-kulul ku hayayey. Dr. Sumbane oo uu soo xigtey Telefishin madaxbannaan oo la yiraado STV, dadka daafka qabay ayaa indhahoodi ku waayey talooyin aan cilmi ku dhisneyn oo ay ka qaateen Dad caamo ah, halkii ay raadsan lahaayeen dhakhaatiir daaweynta indha aqoon…
Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo laf-dhabar ay u yihiin dhinacyada Dhaqaalaha, Difaaca, Garab istaagga Soomaaliya, Tamarta iyo kuwo kale sida ku xusan warmurtiyeedka kasoo baxay kulankaas. Halkaan ka aqriso warmurtiyeedka oo Villa Somalia daabacday: 1-Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga; Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Sucuudiga waxay adkeeyeen kobcinta isdhaafsiga dhaqaalaha iyo maalgashiga, gaar ahaan Beeraha, Xoolaha, Khayraadka Badda, Dekadaha iyo isu-socodka, iyagoo bogaadiyey kororka ku yimid isdhaafsiga ganacsiga Labada dal oo sannadkii 2022-kii oo ka batay 105% inta uu joogay sannadkii 2021-kii. 2-Difaaca iyo Amniga; Dowladda Boqortooyada Sucuudigu waxay muujisay in ay garab taagan tahay…
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dignin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha ka Kalluumeysta biyaha Soomaaliya. Digniintaan ayaa ku qotonta u hoggaansanaanta sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qodobka 31aad ee qeexaya hababka Kalluumeysi ee la ogol yahay. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda. Sidoo kale warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu xusay in aan la ogaleyn nuucyada Kalluumeysi ee ka hor imaanaya sharciga, “Iyada la xiganayo qodobkan ayaa Wasaaraddu si adag u sheegtay in aan la ogoleyn dhammaan nuucyada ama hababka Kalluumeysi ee ka hor imaanaya sharciga, haddii ay…
Dadka ka shaqeeya goobaha lagu raad-raaco cilmi falaga ayaa sii saadaaliyay qorrax madoobaad isniinta maanta ah ka lagu arkayo Dalalka Xad-wadaagga ah ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika ee kala ah Maraykanka, Kanada iyo Maksiko. Malaayiin qof oo ku kala nool saddexdaas Dal ayaa haatan sii billaabay in ay raadsadaan qalabka caafimaad ahaan loo ogol yahay in lagu eego marka uu dayaxa ama caddeeda madoobaan si looga fogaado waxyeellada ka dhalan karta haddii si caadi ah loo fiiriyo. Dadka ku nool marinka qorraxdu ku socoto ayaa la sheegay in fursad wayn u heli doonnaan cad-ceeda oo is baddeshay isla markaana wareegga…
Dacwad ka dhan ah Dowladda Jarmalka ayaa maanta ka furmaysa Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga isla markaana hoostagta Qaramada Midoobay loona soo gaabiyo ICJ taas oo ku saabsan xasuuqa Israaiil ay u gaysatay Falastiin iyo taageerrada ay siiso Berlin dhiggeeda Tel Aviv. Dacwaddaan waxaa gudbiyay Dalka Nicaragua ee dhaca Bartamaha Ameerika, waxa uu Jarmalka ku haystaa in uu kamid yahay Dalalka Israaiil siinaya taageerrada ugu badan ee ku dhiirragelinaya in ay sii wado xasuuqa ka dhanka ah aadanaha ee ay ka gaysteen Dhulka Falastiin. Jarmalka waxa uu musiibadaan faraha la galay kaddib markii uu joojiyay kaalmadii dhaqaale ee la siinayay Hay’adda…