Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Qaar ka mid ah xildhibaanada Kenya ee matala gobolka ay degaan Soomaalida ee Wuqooyi Bari, ayaa waxay dalbanayaan in baaritaan la sameeyo la xiriira “in sun lagu qubay qaybo ka mid ah deegaanada ay degan yihiin dadka ay matalaan xilliyo hore”. Dalabka xldhibaanada ayaa waxa uu imaanaya kadib markii uu baraha bulshada ku baahay hadal ka mid ah waraysi uu bixiyay wasiir hore oo Kenyan ah. Inkasta oo aysan BBC du si madaxbanaan u xaqiijin karin sheegashada masuulkaan hore, ayaa waraysi uu siiyay garyaqaan Kenyan ah oo lagu daabcay barta YouTube waxa uu ku sheegay “in xukumadii uu ka tirsanaa…
Safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku aaddan khatar dhanka ammaanka ah oo ay sheegtay in ay kusoo wajahantahay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay heshay xog ku saabsan hanjabaado loo jeedinayo goobo badan oo ku yaalla Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dhammaan duulimaadyada iyo dhaq-dhaqaaqa kale ee shaqaalaha Mareykanka gaar ahaan kuwa ka howlgala safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa la hakiyay maanta oo talaado ah. Qoraal lagu daabacay barta safaaradda ayaa lagu yiri, “Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog…
Guddiga caalamiga ah ee taageerada saxafiyiinta ee “CPJ” ayaa ugu baaqay xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan inay ka tanaasusho qorshaheeda xaddidaya ama mamnuucaya aaladda Facebook. Najibullah Haqqani, oo ah madaxa maaliyadda ee wasaaradda isgaarsiinta iyo tignoolajiyada ee xukuumadda Taliban ayaa wareysi uu siiyay taleefishin ku sheegay in uu sameeyay istaraatiijiyad lagu xadidayo ama lagu mamnuucayo isticmaalka Facebook ee dadka Afgaanistaan. Ururka caalamiga ah ee taageera saxafiyiinta ayaa sheegay in xayiraadda lagu soo rogay Facebook-ga ay sii carqaladayn doonto habka loo maareynayo xogta shacabka. Najibullah Haqqani ayaa wareysiga uu bixiyay uu bixiyay saddex maalmood ka hor ku sheegay in la soo gabagabeeyay…
Iska Hor-imaad Kooban ayaa ka dhacay Xaafada Buunda weyn ee Magaalada Baladweyne kaasi oo udhaxeeyay Burcad Moobeelo ku dhacayay Xaafada iyo Dadka Deegaanka. Allaha unaxariistee Waxaa Ku Geeriyooday Hooyo Lagu Magacaabo Leyla Xuseen oo haysatay Sadax Caruur ah. Dadka Dagan Xaafada ayaa wali Baadi goobayo Kooxahii dhaca ka geeysanayay Sadaxdii Habeen ee ugu Dambeeyay Xaafadaasi. https://youtu.be/iiIOKg_UIAM?si=eM-Qo8M-CtMvPxvI
Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Ayaa Shir Deg Deg ah ka leh Xaalada Magaalada Baladweyne, Shirkan Waxaa Looga Hadle haaya Xaaladaha Amaan ee Magaalada iyo Culeeysyada Xiligan Jiro oo ah dillal iyo waliba dhac Badan. Goordhow Filo Muuqaalka Odoyaasha
Nabadoon Gaabow Buule Xasan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Awdheegle ayaa Xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana la aaminsan yahay inay dishay kooxda Al-Shabaab. Isaga oo sooman maalintiisii 29-aad, daqiiqado ka hor inta aan la afun ayaa galu dilay xaafadda Siligga Americkaanka ee degmada Wadajir, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilay marxuumka. Gaabow Buule wuxuu ahaa nin oday ah oo markii lasoo tago masuuliyadda uu ka haayey Awdheegle nabadoon u ahaa beeshiisa, da’da 70 sano jir ayuu caawa ku geeriyooday. Ninkaan ayaa ka mid ahaa odayaashii gobolka Shabeellada Hoose ka bilaabay dagaalka Khawaarijta, wuxuu…
Beer aad u qurux badan oo leh Maqaayado waa weyn iyo Goobo Loo diyaariyay in ay Caruurta ku Ciyaaran Malmaha Ciida ayaa Laga Furay Duleedka Magaalada Baladweyne, waana Meel ku Wacan Nasiinada oo jawi Macaan lagu qaadanayo. Beertan waxaa Lagu Magacaaba Golden waxaana ay ku taalla Warshada Muyi saxo oo ku taalla Xaafada Kooshin Gaar ahaan laanta Ceeljaalle ee Magaalada Baladweyne.
Xalay saqdii dhexe Muqdisho xaafado kamid ah waxaa laga maqlay madaafiic culus oo ku dhaceysay xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir iyo aagga Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia. Dadka Muqdisho oo u diyaar-garoobayay xalay maalintii ugu dambeysay ee bisha barakeysan Ramaadaan ayaa waxay maqleen dhawaaqa jug culus oo ku dhaceysay isla Muqdisho meelo kamid ah. Madaafiicda ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku dhaceen degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, dhabarka dambe ee Madaxtooyada xaafado ku teedsan, waxaana jira khasaare ka dhashay weerarkan. Wararka laga helayo ayaa intaas kusii daraya inay jiraan khasaare dhaawacyo, inkasta oo illaa hadda aan la…
Beeraleyda qaadka ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in muddo 7 maalmood ah ay hakiyeen dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya. Go’aankan ayaa waxay ku sheegeen inay uga jawaabayaan caqabadaha soo wajaha beeralayda qaadka ee dalka Kenya, kuwaas oo tilmaamay inay walaac ka muujinayaan qiimaha lagu canshuuro qaadka ay u iibgeeyaan Soomaaliya. Beeralayda Qaadka ayaa dalbaday in wax laga qabto walaaca ay muujinayaan, iyagoo ugu baaqay masuuliyiinta Kenya in ay wax ka qabtaan cabashadooda. Waxay sheegeen lacag dhan 80,000 oo ah lacagta shilinka Kenya ah in looga qaado garoomada diyaaradaha. Bishii July 2022, Soomaaliya ayaa ogolaatay in dib loo bilaabo dhoofinta Miirowga…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan lugatoor ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr 06, April 08, 2024: kuna saabsan Cafis Maxaabiis Fadliga bisha Ramadaan darteed. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka. Markuu Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad Markuu Arkay:- Talo soo jeedinta Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland Puntland. Markuu Tix geliyey:- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul-Fidriga. Wuxuu Cafis u fidiyey Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 50 Maxbuus oo ku kala jira Xabsiyada kala duwan ee Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu saxiixo Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne…