Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu munaasibada Ciidul Fidrida awgeed wareegto Madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Cafis Madaxweyne Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tix-galiyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/125/2024, kuna taariikhaysan 03/04/2024; Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/159/2024, kuna taariikhaysan 02/04/2024; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidul fidrida awgeed maxaabiista dembiyada fudud…
Artinkan ayaa yimid kadib kulan muhiim ah oo ay maanta wadayeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiinta Safaaradda UK ee Muqdisho, Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiir kuxigeenka UK ee Soomaaliya Mudane Sam Thomas, kulanka oo saaco qaatay kadib ayaa Safiir Sam waxa uu shaaciyay in uu u xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda XFS in Dowladda UK ay cafisay dhammaan daybihii ay ku leheyd Dowladda Soomaaliya 100%. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Cige oo war qoraal ah soo saaray ayaa ku tilmaamay tallaabo guul…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle Mudane Abdirahman Dahir Guure (Karoore) Waxaaan hambalyo ku aaddan bilashada bisha shawaal iyo maalmaha ciidda ee farxadda leh la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Hirshabeelle. Ciid wanaagsan. Waxaaan hambalyo ku aaddan bilashada bisha shawaal iyo maalmaha ciidda ee farxadda leh la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Hirshabeelle. Ilaahey ha innaga aqbalo amcaashii wanaagsaneed ee aan soo qabannay, soonkaan kiisa xigana ha innagu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad. تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.
Update: Nin Isaaq ah ayaa laggu dillay Beledweyne waxaanna dillay Maleeshiyo hubeysan Nin-ka la dillay Waa isaaq Garxajis Habar-yonis reer Ceynaanshe, dadkiisa halla gaarsiiyo . Waxii Warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com Liban Qoono
MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO DHAMBAAL FARXAD AH OO KU AADAN CIIDUL-FITRIGA U DIRAY SHACABKA HIRSHABEELLE Madiina, 9-April-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan shacabka Hirshabeelle munaasabada ciidul-fitriga Mudane Cali Guudlaawe oo baryihii dambe ugu sugnaa dalka Sacuudiga si uu u guto acmaasha Cimrada ayaa ugu duceeyay bulshada Hirshabeelle wadajir iyo midnimo. “Dhammaan bulshada Hirshabeelle CIID WANAAGSAN. Maamullada goballada iyo degmooyinka waxaan farayaa in la dhowro amniga goobaha ay dadka salaada ku dukanayaan kuna dalxiisayaan.” Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa u rajeeyay sannadkaan sannadkiisa inay shacabka Hirshabeelle ku gaaraan barwaaqo-sooran idim Alle. DHAMMAAD Wixii faah-faahin…
Madaxweynaha Dowladda Hiiraan State Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow ayaa munaasabadda Ciidul Fidriga Aawgiis cafis u fidiyay Maxaabiista ku xeran xabsiyada dowladda Hiiraan State. Xeer Madaxweyne 15/2024 Madaxweynaha Dowladda Hiiraan State Cabduqaadir Xuseen Coloow Markuu arkay: Qodobka 6aad ee Axdiga Dowladda Hiiraan State Markuu arkay: Qodobka 14aad ee Axdiga Dowladda Hiiraan State Markuu arkay: Qodobka 144aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed Markuu arkay : Soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Markuu arkay : Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Cadddaalada Markuu tixgeliyey: Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Farxadda Ciiddul Fidriga Wuxuu xeeriyey In laga bilaabo maanta oo Taariikhdu tahay 09-04-2024 uu…
Guddoomiyaha Xisbiga Daldhis Abdirahman Adow ayaa Ciidul Fidri u diray Shacuubta Muslimiinta gaar ahaan Ummadda Soomaliyeed. Guddoomiyaha ayaa qodoba kale oo muhiim ah kaga hadlay munaasabadan. https://youtu.be/xrhWiTQ_zhQ?si=4–HC_xPIVQlkQRR
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore ee hay’adda , Mudane Mahad Maxamed Salaad, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka. https://youtu.be/xPcRG1tMERI?si=ERtJWVNPLVxBRFUl Ugu horreyn madaxweyne Xasan oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee NISA Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla. Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha iyo askarta Nabad-sugidda inay si dhow ula shaqeeyaan agaasimaha cusub, Cabdullaahi…
Kooxda Real Madrid waa boqorada Tartanka UEFA Champions League. Waxay heystaan 14 koob oo Yurub ah iyaga oo ah kooxda ugu guulaysiga badan tartanka. Si kastaba ha ahaatee, Los Blancos ayaa lagu ceebaystay Semi-final-ka tartanka xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay dooneysaa inay ka aarsato sidii xun ee looga reebay tartanka. Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababta ay Real Madrid ugu guulaystan karto Champions League. 1.Jude Bellingham: Waxa ay ahayd mid fudud in la aamino in uu Jude Bellingham qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigi doona Real Madrid laakiin dad yar ayaa filayay in uu u ciyaari doono…
Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis afka ah ka gaartay tababaraha kooxda Spotting Lisbon ee horyaalka Ruben Amorim si ay ugu badalaan Klopp kaas Oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan. Xabi Alonso ayaa markii hore u muuqday in uu yahay badalka ugu macquulsan ilaa uu xiddigii hore ee khadka dhexe ku dhawaaqay in uu sii joogi doono Bayer Leverkusen ugu yaraan sanad kale. Taas ayaa tan iyo markaas keentay in saraakiisha Liverpool ay raadiyaan inay helaan beddel kale, sida Amorim. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u muuqataa in kooxda ka dhisan Merseyside ay go’aansatay inay hore…