Author: radiohalgan.com

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa goordhaw xukun dil ah ku riday Sayid-Cali Macalin Daa’uud,  oo maxkamadda ku heshay in isagu ka dambeeyay geerida iyo gubitaanka xaaskiisii Luul Cabdicasiis. Guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka ayaana aqriyay dhammaan eedeymaha lagu soo eedeeyay Sayid-cali Macalin Daa’uud iyo caddeymaha lagu helay, waxa uuna ku dhawaaqay in uu ku riday Sayid-cali xukun dil ah. Ehelada Luul Cabdicasiis oo goobjoog ka ahaa maxkamadda ayaana si weyn usoo dhaweeyay xukunka dilka ah ay maxkamadda ku riday Sayid-cali, waxa ayna sheegeen in si caddaalad ah xukun u dhacay. Geesta kale ehelada Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa si weyn uga naxay xukunka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May awgeed waxa uu Ubax dhigay Taallada SYL oo lagu xasuusto dhalinyaradii gobanimo u dirirka ahayd ee SYL. Wasiirro katirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka booliska, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda Ubax dhigga xuska 15-ka May, oo ah maalinta aas-aaska dhalinyaradii gobanimo doonka SYL ee dhexda u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad jeediyay ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed dalkan usoo halgameen ayna hormuud u ahaayeen xuriyadda maanta la heesto. Sannad kasta maanta…

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka  Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne. Kulankan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ee Hirshabelle, Guddoomiyaha gobalka Hiiraan, saaraakiisha booliiska, nabad-sugida iyo kuwa midowga Afrika ee ATMIS. Waxaa diirrada la saaray kulanka intii uu socday sidii wadajir loogu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada iyadoo masuuliyiinta ay mowqif adag ka istaageen dhowrista muwaadiniinta. “Waa masuuliyad na saaran sugida amniga, kulankan waxa uu ahaa dhammaan dhinacyada howshaas ay ka dhaxeyso mid ay u wada dhan yihiin.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay…

Read More

Ururka Xisbullaahi Lubnaan ayaa waxay sheegeen inay shalay soo rideen Balloon ama Buufin nooca Sirdoonka oo ay Israel lahayd , si ay wax ugu basaasaan. Balloonkaasi ayaa loogu talagalay inuu sahmiyo dalka Lubnaan, gaar ahaan Fariisimada Kooxda Xisbullaahi Lubnaan. Hadal ka soo baxay Kooxda Xisbullaahi ayaa lagu sheegay inau qaadeen dhowr Duqeyn oo lala beegsaday Saldhiga laga soo ganay Balloonka iyo Qalabka Kontoroolka ama Hagida Balloonada. Qoraalka waxaa lagu xusay in si buuxda loo burburiyey Qalabka iyo in la xaqiijiyey inay waxyeello dhimasho iyo dhaawac soo gaareen dadkii ka shaqeynayey Saldhiga Ballooniska. Wararka waxay sheegayaan in Balloonka laga soo ganay…

Read More

Ergayga xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha  Deeganka ee Macawiisleyda Soomaaliya.Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta hoyga uu magaalada Baladweyne ka degan yahay Ugaaska beelaha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ugu tagay hambalyo iyo salaan. Gudoomiyahii hore Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Alle uga baryey Ugaaska in uu u fududeeyo mas’uuliyadda-dhaqan ee loogu caano Shubay loona duubay isaga oo  Ugaaska u balan-qaaday inuu ku garab taagan yahay arrimaha mudnaanta u leh dhaqanka iyo beesha. Ugaas Yuusuf ayaa dhankiisa mudane Cali Jeyte kaga mahad-celiyay booqashada uu ugu tagay.

Read More

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka qabsoomay shir looga hadlay amniga 5 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, kaas oo ay isugu yimaadeen maamullada degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga. Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, waxaana wehlinayay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabad Sugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary. Mas’uuliyiintan ayaa ku shiray xarunta Degmada Dharkenley, waxaana looga hadlayay amniga degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Kaxda, Dayniile iyo Deegaanka Garasbaaley, waxaana saraakiisha iyo guddoomiyeyaasha ay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyay ee degmooyinkaasi. Sidoo kale…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe,  kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab. Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaanka Cali Hayle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana lala eegtay gaari ciidan oo ay lahayd kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale duqeynta labaad deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana lala eegtay gaari booyad ah, sida lagu sheegay qoraalka. Sidoo kale waxaa isla goobtaas lagu dilay maleeshiyaad ilaalo ka hayay gaariga booyadda ah ee ma qarxiyay. Taliska Ciidanka XDS…

Read More

Senator Fatima Payman katirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Dalka Australia ayaa weerar toos ah ku qaadday Israaiil iyada oo sheegtay in ay xasuuq ka dhan ah bani aadamnimada ay ka gaysteen ciidankeeda dhulka Falastiin. Haweeneydaan asal ahaan kasoo jeeda Dalka Afgaanistaan ayaa sheegtay in dunida ay ku daawanayso waxa ay Israaiil samaynayso taasi baddelkeeda loo baahan yahay in meel looga soo wada jeysto si wadajir ah loogana hortago aafada ku socota dunida. Fatima ayaa intaas ku dartay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah maadaama waxa dhaca ay yihiin dhacdooyin si toos ah loo daawan karo lana heli karo xogaha…

Read More

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in ay go’aan ka gaarto kiiska Sayid Cali Macallin Daauud oo ku eedeysan in uu gubay Marwadiisa Luul Cabdicasiis oo ugu dambayn dhaawaca soo gaaray u geeriyootay. Sayid Cali oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu xukuntay Dil toogasho ah ayaa racfaan usoo qaatay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ee maanta laga sugayo go’aanka ugu dambeeya kaddib markii uu sheegay in uu ku qanci waayay xukunkii lagu riday. Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa fadhiyo kala duwan oo lagu dhagaystay eedda Xafiiska Xeer ilaalinta, Difaaca qaraannada Sayid Cali, Dhaqaatir iyo Marqaatiyaal…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ku sugan Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Dileita Mohamed Dileita. Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa iska xog-waraysan doonna xiriirka ku qotoma wadashaqaynta labada dhinac iyo is dhaafsiga aqoon kororsiga sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan. Guddiga loo xilsaaray xoojinta xiriirka iyo walaaltinimada ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya & Jabuuti ayaa kulamo ay wada qaateen uga arrinsadeen sidii loo kordhin lahaa fadhiyada dhexdooda iyo kan guddoonkooda. Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u magacaabay Guddiyo ka shaqeeya xoojinta xiriirka…

Read More