Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Hirshabeelle Iyo Saraakiisha ATMIS Oo Shir Ka Yeeshay Amaanka Baladweyne. https://youtu.be/Wo7-zzy4zXc?si=MKizt3tID0Un__X2
Daawo: Munaasabadda xuska 81-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo lagu qabtay Beledweyne. https://youtu.be/z3fRtylnJGc?si=zRR88MmWiDO3yL63
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa fariin hambalyo iyo dhiirogelin ah u diray dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada Hirshabeelle iyadoo 15-May ay ku asteysan tahay maalin u gaar ah dhallinyaradeenna. Sannadihii u dambeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa door weyn ku lahaa kobaca dhaqaallaha, Waxbarrashada iyo Siyaasadda waxana ay aad ula jaanqaadeyn nidaamka dunida ay u guurtay ee Tiknoolajiyadda. “Kaalin firfircoon oo muuqato ayay dhallinyarada ku leeyihiin horumar kasta oo dalkooda ah. Maalintan waxa ay kusoo aaday iyadoo loo diyaar-garoobayo wejiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta markale waxaa nala gudboon heeryada inaan iska tuurno.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle…
Abukaate Xalane: “Aniga qof kii i amaana iyo kii i caaya labadaba Abukaatahoodaan ahay, markay dulmane noqdaan ayaan difaacayaa”. https://youtu.be/41Hh5KNHR88?si=xyKfGoqaCYWpDsDt
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad galay ayaa waxaa goordhow la filayaa inuu ku biiro Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye. Inkasta oo Firdhiye uusan xubin ka aheyn madasha shirkan oo u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa uu shirka ka jeedin doona warbixin la xiriirta deegaannada SSC. SSC-Khaatumo oo kal horey ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay aqoonsi KMG ah ayaa dhisatay xukuumad, waxaana uu Mr. Firdhiye la wadaagi doona madaxda shirka xaaladda deegaanadaasi iyo isbedeladdii u dambeeyay ee dhacay. Firdhiye ayaa tan iyo markii uu shalay soo gaaray…
Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay gobolka Gedo, kaas oo gaystay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay inuu ka dhacay inta u dhexeysa Beledxaawo iyo Doolow, waxaana lala eegtay gaari ay la socdeen dad shacab ah. Gaariga ayaa qarxay xilli uu marayay halka loo yaqaano Cinjirta, kaas oo gebi ahaan burburay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Ugu yaraan 2 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxaan, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goojoogayaal ah oo ku sugan halkaasi. Dadka dhaawacmay oo…
12 bilood ee lasoo dhaafay shaqaalihii ugu badnaa ee dowladda Soomaaliya ayaa goostay kadib markii la siiyay Fiisooyin shaqo iyo kuwa dalxiis. Waxay iska dhiibeen Yurub iyo Mareykanka. Waxaana la xaqiijiyay in shaqaalahan ay badi ka baxsadeen wasaaradaha xukuumadda federaalka, bangiga dhexe, xafiiska guddoonka baarlamaanka, hoggaanka ciidamada, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’addaha sida gaarka ah u taagan ee dowladda Soomaaliya. Inkasta oo marwalba ay jiri-jireen dad ka baxsada dowladda Soomaaliya markii shaqo ama aqoon kroorsi loogu diro Yurub iyo Mareykanka, haddana dadka aan arrintaan wax ka weydiinay ee dowladda Soomaaliya ka tirsan waxay sheegeen in 24 bilood ee lasoo dhaafay…
Ku tiirsanaanta Villa Somalia ee nidaamka Abu Dhabi waa gaba-gabo, laakiin taliska madaxweyne Xasan Sheekh weli ma rabo inuu xaqiiqada u bareero, wuxuu naawilayaa rejo dambe. Tan iyo markii Imaaraadka ay joojiyeen lacagihii kabka ahaa ee ciidanka dowladda, lana baxeen diyaaradahoodii Drones-ka ahaa ee ay kaga qeyb qaadanayeen la-dagaalanka argagixisada, waxaa muuqaneysa in lagu jiro marxaladii kala guurka labada dal. Xasan Sheekh oo Imaaraadka saaxiib la ahaa kal xukunkiisi hore ayaa gacan fiican ka helin intii uu mucaaradka ahaa iyo intii uu ku jiray geedigiisi dib u doorashada. Waxaana laga dharagsanaa sida uu Saciid Cabdullaahi Deni u ahaa musharaxa dhabta…
Hay’adda Tayo-dhowrka Qaranka ayaa maanta dekadda Muqdisho ku qabatay Bur qoyan oo gaaraya dhowr kunteenar. Burkan ayaa la doonayey in loo iib geeyo suuqyada magaalada Muqdisho kaasoo halis ku ah nolosha iyo deegaanka. Hay’adda Tayo-dhowrka Qaranka ayaa kordhisay baaritaannada joogtada ee Dekedaha, Garoomada iyo bar-xuduudaha dalka iyada oo hubineysa badeecadaha kala duwan ee dalka soo gala. Talaabooyinkan ayaa looga gol leeyahay si bulshada looga badbaadiyo cudurrada halista ah ee laga qaado badeecadaha taariikh ahaan dhacsan iyo kuwa tayadooda ay hooseyso. Dhowaan ayey aheyd markii dekeda Muqdisho lagu qabtay bur fara badan oo laga keenay dalka Turkiga kaasoo ahaa mid dhacay
Madaxweynihii hore ee dalka Gabon, Cali Bongo iyo labadiisa wiil ayaa xaalad adag ku wajahaya xabsi ay ku xiran yihiin, waxa ayna go’aansadeen in ay cuntada ka soomaan si xaaladooda wax looga qabto. Qareennada iyo qoyska Madaxweynihii hore ee dalka Gabon ayaa sheegay in tacadi iyo jirdil loo geesto Madaxweynaha iyo wiilashiisa laguna dhax ciqaabo xabsiga, waxa ayna xuseen in hadda ku jiraan bannaan-bax cunto kasoo mid ah. Madaxweynihii hore ee dalka Gabon ayaa af-gembi milatari xilka looga tuuray wax yar kaddib markii uu ku guuleestay doorasho lagu murmay oo dhacday bishii Agoosto ee sanandkii hore 2023. Milatariga talada dalka…
