Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Jubbaland ayaa subaxnimadii hore ee saaka fashiliyay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Warka ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri, “Ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ayaa fashiliyey weerar ay doonayeen kooxda Khawaarijta ah inay ku qaadaan deegaanka Barsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada Qaranka waxaa u suurta-gashay inay ka hor tagaan weerarkii Khaawarijta oo xogtiisa la sii hayey, waxaana socda weli socda howlgal looga dilay dhagarqabayaal badan, kuwaas oo meedadkooda ay goobta saadsan yihiin.” Weerarka ay kooxdan…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga awgeed kulan dhiirigelin ah la qaatay qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida ayaa ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalka, ilaalinta gobanimada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed. Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ku booriyay in ay laba jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah…
Hogaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh ayaa u xaqiijiyay warbaahinta carabta in saddex kamid ah wiilashiisa looga dilay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday Qasa. Waxay daba socotaa warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Xamaas ee Gaza oo sheegaysa in saddex wiil – Hazem, Amir, iyo Muhammad Ismail Haniyeh – iyo dhowr ka mid ah caruurta uu awoowaha u yahay ay ku dhinteen duqeynta ka dhacday xerada qaxootiga ee xeebta ee galbeedka magaalada Gaza. Madaxa siyaasadda Xamaas oo fadhigiisu yahay dalka Qatar, ayaa Aljazeera ku sheegay wareysi uu khadka taleefoonka ku siiyay in wiilashiisa ay ku hareen Gaza intii uu socday dagaalka.…
Madaxweynaha Mamulka Hiraan State Oo Shacabka Reer Baladweyne Salaada Ciida Kula Tukaday Barxada Madaxtoyada Hiiraan State Ee Baladweyne https://youtu.be/Fr5lvRn035k?si=Re3IMpGHLZ-iPWr2
Gudoomiye Ilkacase Waxaan Gacan Bir Ah Ku Qaban Donaa Dadka Qaska Iyo Fowdada ka Wado Baladweyne https://youtu.be/riFtRut5DeY?si=bqCw_FZrEYqQPA-f Hoos ka daawo Muuqaalka https://youtu.be/vxBTrn83DYI?si=m5A2q1CNIxPIf6I4
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa guddi baaris ah u magacaabay dhacdooyin ka dhacay magaalada Beledweyne si dadkii ka dambeeyay Cadaaladda loo hor geeyo.
Beledweyne(Radiohalgan.com)-Waraarkii ugu Dambeeyay ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan Kacdoon bulshada oo dadka ree Beledweyne sameeyeen goordhow ayeey cagta mariyeen dhowr Isbaaro (Jidgooyo) oo aay dhigteen maleeshiyaad hubeysan oo aay abaabuleen koox qas wadayaal ah oo Beledweyne ku sugan. Culimo Odayaal iyo qeybaha bulshada ayaa hoggaaminayay kacdoonkaasi waxa aayna Dab qabsiiyeen dhowr dhismo oo Isbaaro u aheyd kooxdaasi dadka Masaafurka ah ku dhibaan dilaan isla markaana ku dhacaa Beledweyne. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii uu maanta Masjidka Al-Nuur ee Beledweyne ee Beledweyne uu khudbad ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye uu bulshada ugu baaqay in aay…
Daawo:- Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo Salaada Ciida kaddib haddal kooban u jeediyay shacabka Hirshabeelle. Hoos ka daawo Muuqaalka Madaxweyne Ku-Xigeenka Hir-shaballe Yuusuf Dabageed https://youtu.be/TY8xJ2ZU_Zo?si=rPKjpoHd4Te0gqzc
Cabdi Xiish” Anaga Hiiraan State ah qeyb ayaan ka Nahay Dhibaatada ka Jirto Baladweyne.” Hoos ka daawo Guddoomiyahii hore Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan https://youtu.be/ewmF5piDAf0?si=5pjQbD3xTIYb_2jT
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasabadda maalinta koowaad ee farxada Ciida Soonfureed Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah Caruurta Aabayaashood ay ku geeriyoodeen dagaalada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab. Wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ciidamadii naftooda ku waayay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed in baal dahabi ah ku jiraan, islamarkaana dowladdiisa ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta ah ee Aabayaashood u dhinteen difaaca Qaranka. “Dowladdoodu marnaba hilmaami mayso ubadka iyo ehelladooda sharafta badan, ayagana waxaan Alle u weydiinaya dhamaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu…