Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Hoggaamiye sare oo ka tirsan mucaaradka Itoobiya kana soo jeeda gobolka Oromia ayaa meydkiisa la helay Arbacadii, isaga oo la toogtay, saacado kadib markii ay xireen ciidamada dowladda, waxaa sidaas sheegay xisbigiisa. Bate Urgessa, oo ka tirsanaa xisbiga Jabhadda Xoreynta Oromia (OLF), ayaa bishii tagtay lagu sii daayey damaanad kadib markii lala xiray saxafi u dhashay Faransiiska Antoine Galindo. 41-jirkan ayaa waxaa mar kale goor dambe oo Talaadadii ah xiray “ciidamo hubaysan oo kuwa dowladda ah,” isagoo ku sugan hoteel ku yaalla magaalada Meki, oo 150 km u jirta koonfurta caasimadda Addis Ababa, waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka OLF…
Marka hore dowladda waxa laga rabaa in ay markasta weerar ahaato ee aysan difaac ahaanin. Shabaab waxa lagu cuuryaamin karaa in aan fursad lasiin oo markasta labaacsado Marka 2-aad digniinaha dowladaha shisheeye soo sarayaan dalka ayay cuuryaaminayaan dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaan sidaas darteed, waa in dowladdu ay ka bixiso jawaab macno leh, waayo haddii ay aamusto waxay noqoneysaa in amnigeeda iyo mustaqablkeeda ay dowlado shisheeye u hayaan waana nasiib darro dalkana waa cuuryaamineysaa. Waa wax laga naxo in duulaamiyaddii dalka hakad galaan fariin dal kale katimid darteed. Waa sax in fariimaha dhab loo qaato, balse kuma habboona sida dowladdu…
Halyeeyga kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta champions League xilli ciyaareedkan. Waxa la ciyaaray kulamadii lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh. Kulamadii lugta hore ayay bar-baro galeen kooxaha Man City iyo Real Madrid halka ay Arsenal iyo Bayern Munich bar-baro ku heshiiyeen. Dhinaca kale Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa badiyay kulamadii ay ciyaareen iyaga oo hal lug la galay wareega xiga ee tartanka. Kadib dhamaadka kulamadii wareega 8 dhamaadka lugta hore Thierry Henry ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta tartanka. “Kaliya waxaan daneeyaa Arsenal sababtoo…
Tababaraha Kooxda PSG ee Luis Enrique Ayaa digniin u diray kooxda PSG kadib guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Barcelona. Luis Enrique Ayaa Barcelona u digay lugta 2-aad ee tartanka champions League ee ka dhici dooa barcelona todobaadka dambe. “Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo Barcelona kulanka ay la ciyaareen [PSG], waxaan ka gaari karaynay natiijo ka duwan tii hore, laakiin hadda waxaan ku fikireynaa inaan kusoo laabano lugta labaad” ayuu Luis Enrique u sheegay warbaahinta. “Wax shaki ah kama qabo awoodayada aan ku soo laaban karno lugta labaad, waxaan u ciyaareynaa si la mid ah meel ka baxsan guriga sida aan…
Dhaawacyada Man United ayaa u muuqda kuwo aan joogsan doonin iyada oo kooxda Red Devils soo gaadhay dhaawac cusub kadib bar-barihii 2/2 ee ay la galeen Liverpool. Xiddiga Marcus Rashford ayaa dhaawac looga saaray kulankii Liverpool ka hor inta aan ciyaarta dhaawac looga saarin Scott McTominay. Dhaawacyadaas ayaa imanaya xilli ay kooxda dhaawac uga maqan yihiin xidigo ay ka mid yihiin Lisandro Martinez, Raphael Varane iyo Victor Lindelof. Erik ten Hag ayaa laga yaabaa inay ka maqnaadaan tiro ciyaartoy ah oo muhiim ah kulanka adag ee soo socda ee Bournemouth ee todobaadka dambe. Tyrell Malacia Luke Shaw Lisandro Martinez Victor…
Bilan Cusmaan oo ku nool dalka Sweden ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadalhayn ka dhalisay guud ahaan baraha bulshada gaar ahaanna dalkaas, ka dib hadal uu sheegay nin isaguna dalkaas kasoo jeeda. Gabadhan oo wariye ah, asalkeeduna Soomaali yahay, ayaa ka ol’oleysa arrimaha islaam nacaybka iyo kooxaha midigta fog ee dalkaas iyada oo qortay maqaallo badan oo ay kaga hadlayso arrimahaas. Nin sida la sheegay isaguna wariye ah dalkaasna u dhashay ayey is barteen kaas oo Bilan qudheedu sheegtay in ay laba sano xiriir la lahayd, balse wuxuu sheegay in uu soo bandhigi doono caddeymo muujinaya “waxa dhabta ah ee Islaamku…
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu munaasabaddii xil wareejinta ee taliyaha xilka ka dagay ee Hay’adda NISA iyo kan cusub uu ka sheegay in uu aad u mahdiyay shaqada hay’adda labadii sano ee la soo dhaafay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku amaanay taliyaha xilka ka dagay, Mahad Maxamed Salaad shaqadii uu qabtay, balse wuxuu intaas ku daray in isaga iyo Mahad ay yihiin saaxiibbo muddo is garanayay oo soo wada maray halgan nololeed. “Xan ma ahan horta, aniga saaxiibkeey waaye” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo khudbanayay isaga oo dhoola caddeyna. “Dhawr iyo toban sano ayaan isla soo noolayn oo isla soo…
Xarunta Caalamiga ah ee Badaha ICC (IMB) ayaa ku warrameysa in koror walaac leh uu ka jiray burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan. Saddexdii bilood ee ugu horreysay 2024 ayaa waxaa kordhay dhacdooyinka burcad-badeednimada ka dhanka ah maraakiibta guud ahaan dunida, iyadoo 33 dhacdo la diwaan-geliyay, marka loo eego 27 dhacdo oo isla muddadan la diwaan-geliyay sanadkii ka horreeyay ee 2023. Dhacdooyinka lasoo weriyay waxaa ka mid ah, burcad-badeed koray 24 markab, isku dayay inay weeraraan lix, afduubteen labo, rasaasna ku riday hal. Rabshadda ka dhanka ah shaqaalaha maraakiibta ayaa sidoo kale isa soo tareysa, iyadoo 35…
Booliska ayaa adkeeyay ammaanka maagalada caasimadda ee Muqdisho, iyadoo ay jirto diginin amni xilli shacabka magaalada ay ku jiraan u dabbaaldagga ciidda, kadib markii ay soo dhamaatay bisha barakaysan ee Ramadan. Hadalka Booliska Soomaaliya ayaa imaanaya 48 saac ka dib markii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay sheegtay inay heshay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport. Walaaca dhanka ammaanka ah ayaa keenay in dowladda Mareykanka ay soo saarto digniino, taasoo keentay in la hakiyo qaar ka mid ah duulimaadyadii caalamiga ahaa…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Kenya ka dib Casuumad uu ka helay dhigiisa dalkaas, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi. Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi oo faahfaahin ka bixiyey safar uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in socdaalka madaxweynaha uu daaran yahay sidii loo adkeen lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal. Kulanka labada Madaxweyne ayaa inta uu socda waxa ay uga wada hadli doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo adkeen lahaa ganacsiga ka dhaxeeya labada dal,…