Author: radiohalgan.com

12kii Abriil sanadkii 1960dii maanta oo kale ayaa laa aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka, sanad weliba marka la gaaro xiligaan waxaa la qabtaa munaasabado lagu maamuusayo dabbaaldegga waxaana ka qaybgala Madaxda sare Dalka, Hoggaankooda & marti kale oo la casuumo. 64-sano ayaa maanta laga joogaa markii la aasaasay ciidanka Xoogga Dalka, hambalyo iyo bogaadin ayaa loo diray ciidamadaan oo sanadkaan howlgallo kala duwan oo xooggan kawada deegaanno katirsan Gobollada Dalka. Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha ciidanka Xoogga qaybahooda kala duwan ayaa hambalyadaan si gaar ah ugu diray Militariga Soomaaliya. Sidee ayaa lagu aasaasay ciidanka Xoogga Dalka 64-sano kahor…

Read More

Bariga Dhexe waxaa isu bira-tumanaya Dalal in muddo ah uruursanayay hubkooda casriga iyaga oo kaashanaya khibradda dhinaca sirdoonka ah ee dhanba dhanka kale uu ka helayo si uu awood ahaan u sii jiro. Israaiil ayaa dhowr jeer samaysay weerarro gaadmo ah oo ay ku dishay saraakiil katirsan Maamulka gacanta ku haya awoodda maamuleed ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo loo arko mid kamid ah halista ugu wayn bariga Dhexe ee Yuhuuddu wajahayso. Tehran waxa ay si cad u sheegtay in weerarrada lagu beegsaday saraakiisheeda lagu fuliyay diyaaradaha casriga ah ee Maraykanka sidaas awgeed ay ka aargudan doonto cid weliba…

Read More

Boqollaal Kun oo carruur ah oo ku nool dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ay ku maqan tahay waxyeello ka soo gaartey sharoobbo lagula tacaalo qufaca oo dalka caan ka ah, ka dib markii halisteeda la ogaadey. Guddiga la socoshada daawooyinka iyo walxaha sunta ah ee Kenya ayaa Khamiistii diginin ka soo saaray qaybinta, iibinta iyo isticmaalka sharoobada qufaca Benylin Pediatrics oo carruurta loo qoro, waxayse ka gaabiyeen in ay daawada dib ugu yeeraan. Go’aanka Kenya ku hakisey daawadan ayaa yimid ka dib markii baaritaan uu sameeyey shaybaar ku yaal Nayjeeriya lagu ogaadey in sharoobada Benylin Pediatricsay ku badan…

Read More

Sida ay ogaatay Radiohalgan.com wada-tashi ah ayaa magaalada Nairobi uga bilowday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Ujeedka shirka ayaa ah sidii looga tashan lahaa arrimaha dastuurka, xoojinta la-dagaalanka argagixisada iyo sidii is-faham looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu la kulmo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka, sida ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda qorshaha wax ka bedelka dastuurka ayaa jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu Nairobi kula kulmo siyaasiyiinta diidan…

Read More

Ruushka, Jarmalka iyo Britain ayaa ku booriyay dalalka Bariga Dhexe inay is xakameeyaan, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran. Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil weerar cirka ah oo 1-di bishaan April lagu bartilmaameedsaday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya. Weerarkaas ayaa lagu dilay Jeneral daraja sare ka hayay ciidanka qalabka sida ee Iran iyo lix kale oo dhammaantood ahaa saraakiil ka tirsan millatariga Iran. Israa’iil weli ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarka, laakin hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbad uu Arbacadi jeediyay ku yiri: “Israel waa in la ciqaabaa…

Read More

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa shaaciyay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD. Ujeedka Kenya ee heshiiskan ayaa lagu sheegay si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya. Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn ayaa 1-dii January is-afgaradka la gaartay Somaliland, kaasi oo Somaliland ay ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso…

Read More

Sida ay ogaatay warbaahinta waxa aan shaqeyn go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku amartay in lagu xiro qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe. Amarka xirista qunsuliyadaha Itoobiya ayaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya waxay soo saareen 4-tii bishaan, ayada oo uu ku ekaa Khamiistii shalay, welina dhaqan-gal ma noqon amarkaasi. Labada qunsuliyadood ayaa si caadi ah u shaqeynaya haatan, ayada oo aysan jirin wax saameyn ah oo uu ku yeeshay amarka kasoo baxay dowladda fedaraalka Soomaaliya, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen illo-wareedyo muhiim ah. Go’aanka dowladda federaalka ayaa waxaa horey gaashanka ugu daruuray Somaliland iyo Puntland oo…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu ku dhaweeyay dhiggiisa William Ruto. Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wada-hadallo ka bilaabi doonaan isaga iyo madaxweynaha waddanka Kenya. Afhayeenka madaxtooyada Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inuu casuumaad hal maalin ka helay dhiggiisa dalkaasi, si ay uga xog wareystaan xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ujeedka socdaalkan uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe aya ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe. Ilyaas Lugatoor ayaa mar kale ku celiyay in Puntland aysan aqbali doonin wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay horay u ansixiyeen xildhibaannada labada Gole. “Haddii la beddelo wixii heshiis lagu ahaa waxa ay keeneysaa, Soomaali inay kala tegto, markii ay arrintaas soo baxday Puntland waxa ay qaadatay in aysan ictiraaf siin dastuurkaas la beddelay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland. Sidoo kale wuxuu eedeyn culus u…

Read More