Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Kadib kulankii ay todobaadkii hore madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya William Ruto ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa waxaa isa soo taraya tuhunka laga muujinayo kulankaasi oo la sheegay in lagu soo qaaday arrimo ku aadan kiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya. War ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Somalia ee ku saabsan saldhigga ciidamada Badda Itoobiya ka doonayaan Somaliland. Intaas kadib dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warkaasi, waxayna sheegtay in aan laga wada xoojin arrimo ku saabsan…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal ka dhacay gudaha magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Booliiska magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay israsaaseyn dhexmartay ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda hubeysan ee Fano. Wararka ayaa sheegay in mid kamid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxdaasi, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Booliska. Sidoo kale laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadka maanta ka dhacay gudaha magaalada Addis Ababa, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka. Dhacdadan ayaa Jimcihi ka…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe diyaarad nooca wax basaasa ah lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Diyaaraddan oo Drone ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka, xilli ay dul heehaabeysay hawada sare ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddan labadii habeen ee lasoo dhaafay lagu arkayay aagga Dhuusamareeb, balse ugu dambeyn xalay gacanta lagu dhigay. Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay inay ku guuleysteen qabashada diyaaraddan oo loo maleynayo inay u basaaseysay kooxda Al-Shabaab oo weli dagaallo ka wadda halkaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi…
Haweeney maalqabeen ah oo u dhalatay dalka Vietnam ayaa lagu riday xukun dil ah, kaddib markii haweeneydan lagu helay in ay ku kacday musuq maasuq aad u weyn ay ku lunsatay lacag aad u fara badan. Truong My Lan oo ah haweeney ganacsato ah oo ka shaqeysa beeca dhismooyinka ayaa maxkamad kutaalla magaalada magaalada Ho Chi Minh ku heshay in ay ka dambeysay lunsashada lacag gaareysa 40-bilyan oo dollar. Lacagtan ayaana la sheegay in si farsameysan loogu dhacay bangiga Saigon muddo toban sanno ah, waxaana la sheegay in haweeneydan aheyd maskaxdii ka dambeysay in lacagtaasi tirada badan la xado. Haweeneydan…
Hoos ka daawo Muuqaalka Guddoomiyaha https://youtu.be/qCsUWgqoPrw?si=4ktZHMJzYWhkeXW_ Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Salaad Wehliye oo Khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ka jeediyay Masjidka Al-Nuur ee magaalada Beledweyne. https://youtu.be/fg-bz1yuS5g?si=zubldUJvTwUaW4e6
Radiohalgan.com Guddoomiyihii hore Amniga Gobolka Banaadir Cali yare Cali ayaa Yiri markii uu madaxweyne Daarood ah kursiga fadhiyana mowlaca macalin Nuur halagu shiro Balse markii ay iyagu madaxweyne yihiin magaalo shisheeye Cajiib!! Madaxweyne Xasan Shiikh hortiis, taariikhda soomaaliya ma dhicin in madaxweyne kursiga fadhiya uu dal shisheeye u aado la kulanka beeshiisa. Hadde xasuusnoow mar ay Feb 2023 beesha Xawaadle oo madaxweynaha abtiyaashiis ah Nairobi shir ku yeesheen Jimcaddii xigtay madaxweynuhu masaajidka ayuu shirkaas ka weeraray, laakiin sannad kadib, isla madaxweynihii ayaa Nairobi diyaarad u qaatay si uu beeshiisa ula soo kulmo.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Dowladda Hirshabelle Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha gobolka ayaa xusay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna. “Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo maamulka gobolka Hiiraan waxaan Hambalyo leeyahay dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guuta 5-aad qeybta 27- aad ee xoogga dalka oo qabatay shaqo muuqata waxaan rajeyn in aay…
Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Dhallinyarada Hirshabelle Cabdirisaaq Al-Cadaala oo soo xeray Tartanka Ramadaan Cup oo aay qaaday kooxda Buula-xaableey https://youtu.be/vfLj_LcnSeI?si=DiFHFY7hatSmYFyd Daawo: Hadal-jeedinta Guddiga Tartanka Ramadaan Cup oo galabta lasoo gaba gabeeyay xilli Koobka aay qaaday Fc. Buula-xaableey. https://youtu.be/PvGMs_-3I7s?si=qdyJAQFPRTbHf7iN Daawo: Kooxda Buula-Xaableey oo qaaday Koobta Ramadaan Cup oo lagu qabtay garoonka Buula-Xaableey ee Beledweyne. https://youtu.be/MVnqV2tDmjw?si=jZM7Ms2v_ez7O0qc
Soomaaliya waxay fara-gelin joogta ah kala kulmeysay dalalka deriskeeda ah iyo kuwa Khaliifka, tan iyo markii dib loo hirgeliyay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya sanadkii 2000. Cilaaqaad marka hore duruufo dhaqaale iyo kuwo amni loo soo maro ayaa ugu dambeyn waxa uu dhalaa in dalka lagu sii kala qeybiyo, iyada oo la cayilinaayo maamul goboleedyada ka jira dalka. Khamiistii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa jawaab carro leh ka bixisay tallaabo ay Itoobiya heshiis iyo maqaam gaar ah ku siisay Puntland. Waxaana dalka laga saaray Safiirkii Itoobiya, iyada oo la amray in la xiro labada qunsuliyad ee Itoobiya ku laheyd Garoowe iyo…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna. Sidoo kale waxa uu sheegay iyada oo ahmiyada laga duulayo ay xukuumadda Dan-Qaran qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida, gaar ahaan xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo suurta-gelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka…