Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS. Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, waxaana dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed. Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa dhaariyey Wasiirradaan…
Dalal badan oo ku yaalla bariga dhexe ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay hawadooda, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday Israa’iil, waxaana la hakiyey duulimaadyo badan, halka kuwii hawada kusoo jirayna loo leexiyey meelo kale. Israa’iil ayaa xilli dambe oo Sabtida ah sheegtay inay xidhay hawadeeda, iyada oo la hakiyey duulimaadyadii iman jiray garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv. Jordan iyo Ciraaq ayaa iyaguna xidhay hawadooda, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi. Diyaaradda United Airlines ee laga leeyahay Maraykanka ayaa hakisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Tel Aviv Sabtidii, ka dib markii ay Israa’iil xidhatay hawadeeda. Sidoo kale diyaaraddan…
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka dhawaajiyey in badi madaxda dalka, shaqaalaha dowladda, Siyaasiyiinta, Shaqaalaha dowladda iyo dadka Hormuudka u ah dalka ay ku ciideen magaalooyinka Nairobi, Istanbul, Makka, Qahira iyo Dubai. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka uu arrintaan kaga hadlayey ayuu ku yiri, “Ku dhowaad 90% madaxda xilalka haya iyo kuwa sugayaba ee dalka, siyaasiyiin iyo shaqaale rayad ah, dalka dibaddiisa ayey ku ciideen. Nairobi, Istanbul, Makka, Qahira iyo Dubai ayaa la isku qaybiyey.” Warsame ayaa sheegay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ay noqotay Muqdisho labaad, isaga oo yiri, “Nairobi waxay noqotay Muqdisho labaad. Dawladda oo keliya ma aha ee…
Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa u goodisay Dalalka qaarkood xadka la wadaaga ee heshiiska horay ula galay Israaiil waxaana ay uga digtay in ay magangalyo siiyaan dhinacyada damacsan in ay ku duullaan Tehran. Iiraan ayaa sheegtay in ay ka qaadayso tallaabo culus oo ay ka shalaayi doonaan balse xalka keliya ay ku kala badbaadi karaan ay tahay in ay gacmaha ka laabtaan dagaalka ay ku beegsatay Israaiil kana fogaadaan martigelinta Isbahaysiga uu hormuudka u yahay Maraykanka. Tehran ayaa muddo ku goodinaysay in ay jawaab ka bixin doonto saraakiil sare oo marar kala fog ay Israaiil ku beegsatay Dalalka Ciraaq,…
XAALADDA BELEDWEYNE Maalmahan waxa Beledweyne laga sheegayaa xalaad ami iyo mid bulsho oo aad iyo aad u hooseysa. Beledweyne waxa ka jira maamulo is-magacaabay iyo kuwa sharci ahaan u jira balse aan laga rabin Beledweyne. Beledweyne xogtu waxay sheegeysaa in ay ka jirto in kabadan 16 isbaaro oo lagu dhibo dadka safarka ah iyo kuwa reer Hiiraan intaba. Qolo kasta lacag ayay ka qaadayaan gaadiidka. Bal is weydii buubuurka u socda in ka badan 1500km sida Hargeysa, Boosaaso iwm, haddii in ka yar 50km 16 isbaaro mid kastaa lacag aan caqliga galeyn ka rabto oo dad iyo deegaan midna ku…
Kooxaha ku tartamaya horyaalka premier League ee Arsenal, Man City iyo Liverpool ayaa bilaaban doona kulamada todobaadkan. 3-da kooxood ayaa ku tartamaysa horyaalka premier League iyaga oo kaliya hal dhibic kala sareeya. Kooxaha 3-da ah ayaa kulamada Premier League soo galaya iyaga oo soo ciyaaray tartamada yurub xilli ciyaareedkan. Ka hor kulamada premier League waxa is bar-bar dhig lagu sameeyay natiijooyinka ay helaan kadib marka ay ciyaaraan tartamada yurub. Arsenal ayaa ciyaartay 8 kulan premier League kadib kulamada yurub waxa ay badisay 6 kulan waxana ay bar-baro gashay 2 kulan halka aan wax kulan ah laga badin. Dhinaca kale Liverpool…
Tababaraha kooxda CHELSEA Mauricio Pochettino ayaa la kulmay dhirbaaxo kale oo dhaawac ah iyada oo uu shaki ku jiro taam ahaanshaha Enzo Fernandez iyo Axel Disasi kulanka premier League ee ay la ciyaari doonaan Everton. Labada ciyaaryahan ayaa hadda maraya baadhitaan caafimaad sida ay xaqiijisay kooxdu. Pochettino ayaa diiday inuu si faahfaahsan u sheego markii uu ka hadlayay labada dhaawac intii lagu jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor Everton Jimcihii. Si kastaba ha ahaatee waxa uu sheegay in aanu dhaawac weyn ahayn. Tababaraha Chelsea ayaa yiri: “Waan arki doonaa, waxaa lagu hayaa qiimeyn, waxay ka cabanayaan dhaawacyo kala duwan”. Dhaawaca…
Manchester United ayaa laga yaabaa inay weyso ilaa 10 ciyaartoy oo kooxda koowaad ah kulanka ay la ciyaarayso kooxda Bournemouth kulan ka dhici doona garoonka Vitality Stadium. Red Devils ayaa xaqiijisay in Raphael Varane uu garoomada ka maqnaan doono dhowr isbuuc ka dib dhaawac muruqa ah, halka Jonny Evans uu ku maqan yahay “arrin muruqa ah oo waqti gaaban ah”. labada ciyaaryahanna ayaa dhaawac kula biiray Lisandro Martinez (kubka), Victor Lindelof (muruqa). Luke Shaw (muruqa), Tyrell Malacia (jilibka) iyo Anthony Martial (gumaarka) qolka daaweynta. Ten Hag ayaa doonaya in ay kooxdiisu gaadho guulo ka caawisa in ay sii wado tartanka…
Waxa la galay todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka horyaalka premier League. Khabiirka kubada cagta Robbie Savage ayaa doortay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan. Robbie Savage ayaa xiddiga Man City ee Phil Foden u doortay xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka premier League. “Way adagtahay in la dhaafo qaab ciyaareedka Martin Odegaard iyo hogaamintiisa laakiin Foden ayaa ahaa mid cajiib ah xilli ciyaareedkan”. “Man City kuma jirto qaab ciyaareed fiican laakiin Foden ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay. Foden ayaa dhaliyay 19 gool halka uu caawiye ka noqday 10 kale tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Halyeeyga Premier League Robbie Savage ayaa doortay shaxda ugu fiican horyaalka Premier League. Waxa la galayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Robbie Savage ayaa soo doortay shax laga sameeyay 11-ka xiddig ee ugu fiican horyaalka. Kooxda Hogaaminaysa horyalka premier League ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig. Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig. Kooxaha Aston Villa, Tottenham iyo Chelsea ayaa shaxda ku leh min hal xiddig. Share this: