Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah xildhibaannada baarlamaanka, gaar ahaan kuwa laga soo doortay maamulkaas. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay kalsoonidii kala noqdeen xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Puntland, isagoo sheegay in hadda kadib aysan metali karin maamul goboleedka Puntland. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xildhibaannada laga soo doortay deegaannada Puntland ay mucaarad ku noqdeen maamulkii ay kasoo jeedeen, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu si cad…
Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka carooday sababta looga reebay shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu marti qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka. Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatuma oo qoraal kooban soo saaray ayaa su’aal ka keenay sababta maamulkooda looga tegay, wuxuuna sheegay in taasi ay muujineyso in weli aan la aqoonsan SSC-Khaatumo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in danahooda lagu xirayo Somaliland oo weli maqan, sida uu hadalka u dhigay. “In nala aqoonsadaa moodaayay, tolow ma Somaliland baa geed ugu xidhanahay oo lanala sugayaa?#8221; ayuu yiri Garaad Mukhtaar…
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow Xog-haya ururka kubadda cagta Hassan Bille Hirshabelle ayaa soo xeray tartanka Ramadaan Cup oo ka socday muddo bil ah garoonka Jeyga ee dhaca Xaafadda Xaawo-Taako ee Beledweyne. Tartankaasi oo aay ka qeyb galeen 20 koox waxaa qabtay Tababaraha Xaawo-Taako Axmed Daahar (Kaba-Dorog). Cayaarta Finalka oo aay isku arkeen kooxaha Waaberi iyo Milaano ayaa bar-bar dhac ku dhammaatay waxaana Rigoorayaal Koobka ku qaatay kooxda Waaberi. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa markii uu koobka guddoonsiiyay kooxda Waaberi u hambalyeeya, waxuu u mahadceliyay…
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banginga Adduunka oo socon doona muddo hal toddobaad ah. Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay. Kulankaan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka Soomaaliya, caawinaada IMF iyo helidda maal-galin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kaddib.…
Kooxda dalalka la iskugu yiraahdo G7 ayaa diyaarinaya cunaqabatayn cusub oo lagu soo rogayo barnaamijka gantaalada Iran, Aqalka Cad ayaa sheegay, ka dib kulan madaxcda dalalkaas ku yeesheen khadka tooska ah si ay ugala tashadaan jawaabta diblumaasiyadeed ee weerarkii Iran kuv qaaday Israel. “Dunida inteeda badan maanta waxay garab taagan tahay Israa’iil,” ayuu yiri afhayeenka amniga qaranka John Kirby ayaa u sheegay suxufiyiinta. G7 wuxuu ka kooban yahay Mareykanka, Japan, Jarmalka, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, Kanada iyo Talyaaniga. Midowga Yurub wuxuu kaloo ka qayb qaataa la tashigiisa. Hogaamiyayaasha G7 ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka tooska ah ee Iran ee aan…
Afar (4) dhibaato oo ay wajahayaan ciidanka xoogga dalka iyo niyad jab xoogleh oo ay wajahayaan ciidamadu – Maxaa sababay indhaha in laga daboosho arrimahaan?. Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ku jira dagaal daba-dheeraaday oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaas oo qaatay sanado badan. Shaki kuma jiro in Milateriga Soomaaliya oo heysta taageero caalami ah iyo mid gudaha ah ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay la galeen kooxda Al-shabaab, loogana qabsaday magaalooyin waa weyn oo ay muddo dheer gacanta ku heysay kooxdu. Laakiin waxaa dhankooda soo gaaray khasaare culus, waana mid kamid ah dabeecadaha dagaalka lagu yaqaano.…
Israa’iil ayaa u muuqata inay go’aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday dalkan Yuhuudda ah. Milateriga Israa’iil oo u muuqda inay iska indho-tirayaan baaqyada uga imanaya hoggaamiyayaasha caalamka ayaa sheegay Isniintii, in Tehran ay la kulmi doonto jawaab la xidhiidha, weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil ee ay ku rideen 350 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay ka soo rideen gudaha dalkooda. Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi ayaa sheegay in weerarka Israa’iil “jawaab ka…
Mareykanka ayaa ku booriyey Israa’iil inay is xakamayso, islamarkaana ay ka fogaato inay xaaladda ka dhex taagan iyaga iyo Iran ay uga sii darto. Soo jeedinta Mareykanka ayaa imaneysa xilli ay xukuumadda Israa’iil ay sheegtay inay qaadayso tallaabo aargudasho oo ay uga jawaabayso weerarkii ay Iran ku qaaday dalkeeda. “Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo iyo in aan ilaalino danahayaga gobolka,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken. Mr. Blinken ayaa hadalkaan sheegay xilli uu la kulmayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ciraaq Maxammed Cali…
Dowladda Kenya ayaa markale isku dayeysa inay xal u hesho xiisada labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Horey waxay Kenya iskugu deyday inay xal gaaraan wufuud laba dhinac ah oo ay iskugu keentay Nairobi. Laakiin sidan aan horey u baahinay kulankaasi waa lagu kala booday, kadib markii ay Itoobiya diiday in nuqulka koowaad lagu cadeeyo inay ka laabteen is-afgaradkii ay la galeen Somailand. Markale Kenya waxay hal abuurtay qorshe cusub oo ay dalalka gobolka ku wadaagayaan kheyraadka baddaha, iyada oo meesha laga saarayo arrimaha ciidamada, lana dhowrayo madax-banaanida dal walba. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii la kulmay dhiggiisa…
Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya waxay marwalba ahaan jirtay halka uu ka bilowdo abaabulka ka dhanka ah nidaamka waqtigaasi jira ee Soomaaliya. Si gaar ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ee 2012, 2017 iyo 2022 waxaa isbeddelka laga jiheeyay magaalada Nairobi, halkaasi oo ay badi deegaan ku yihiin siyaasiyiinta xil sugayaasha ah ee Soomaaliya. Toddobaadkii hore madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir beeleed siyaasadeed uga qeyb-galay Nairobi. Xubno mucaarad ah oo markii hore ka ganbanayay inay Nairobi shaqo ka bilaaban ayaa hadda laga soo xigtay inuu madaxweynaha siiyay fursad ay dibadda uga bilaabi karaan shirar iyo abaabul ka dhan ah…