Author: radiohalgan.com

Gobena Hola oo ah odeydhaqmeedkii safarka ku tagay Somaliland bilowgii sanadkaan, ayaa waxa uu sheegay in geerida wiilkiisa oo ka tirsanaa jabhadda OLA ee Oromada uu ka ogaaday baraha bulshada. Todobaad ka hor ayaa wiilka uu dhalay odey dhaqmeedkaan oo ka tirsanaa Jabhadda, ayaa maamulka goblka Oromadu waxay sheegeen in ay talaabo ka qaadeen “ka dib markii uu bilaabay in uu beegsado dad shacab ah”. Kadib markii uu soo shaac baxay warkaas ayaa waxaa aad hadal hayn u dhaliyay dhimashada wiilka odey dhaqmeedkaan oo ah odey laga haybeysto oo meeqaam sare ka jooga nidaamka dhaqanka ee Oromada. Odeygaan oo lagu…

Read More

Magaalada Burcoyar oo ku taalla gobolka Sanaag, ayaa waxaa dagaal ku dhex maray laba kooxood oo isku haysta dahab laga helay buur ku taalla deegaanka. Saaka ayaa dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmara labada dhinac halkaas ka dhacay, balse markii dambe ayuu dagaalka joogsaday markii uu bilowday roob halkaas ka da’ay. Ilaa lix qof ayaa ku dhaawacmay dagaalkaas oo socday laba maalmood. Balse dagaal isla dhacdadaan ka bilowday oo dhacay bishii soonka ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah dadka deegaanka, sida uu BBC da u sheegay gudoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag ee Somalliland, Jaamac Maxamuud Warsame. Saddex ka mid…

Read More

In ka badan 100 arday ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii booliiska ay ku daateen gudaha jaamacadda Columbia ee ay dhigayeen dibadbaxayaal taageersan Falastiiniyiinta oo ku taal magaalada New York. Guddoomiyaha Jaamacadda ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen kadib digniinno isdaba joog ah, waxayna noqotay lagama maarmaan si loo xaqiijiyo xasiloonida jaamacadda. Mid ka mid ah dadka caanka ah ee ka soo qeyb galay mudaaharaadka ayaa aheyd gabar ay dhashay xildhibaanadda reer Minnesota ee Ilhaan Cumar, taasi oo hadda laga joojiyay waxbarashada jaamacadda. Mudaaharaadyada ka socda xarumaha jamaacadaha Maraykanka ayaa socday tan iyo markii dagaalka Israa’iil iyo Gaza uu…

Read More

Booqashada hadda ee Turkiga uu ku gaaray madaxa siyaasadda ururka Xamas Ismaaciil Haniya ma ahayn bilow wada tashi ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Xamaas, iyadoo ay wararku sheegayaan in kulamo hore oo Doxa ku dhex maray Haniyeh iyo ergada Erdogan. Waa booqashadii ugu horeysay ee Haniyah uu ku tago dalka Turkiga tan iyo 7-dii October, waxaana ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah, iyadoo doorka Turkiga uu yeelanayo muhiimad gaar a.h Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani, ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Qadar dib u qiimayn ku samayn doonto doorkeeda dhexdhexaadinta…

Read More

Kulanka ayaa isugu jiray isbarasho iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howlaha shaqo ee isku-duwayaasha bulshada gobolka Hiiraan ayaa guddoomiyaha gobalka Hiiraan waxuu amaanay wax qabadka isku-duwayaasha gobolka Hiiraan, waxuuna dhanka kale faray in aay dar-dar geliyaan howsha shaqo oo aay hayaan. Isku duwayaasha kulanka ka qeyb galay ayaa dhankooda amaanay sida dar-darta leh ee howlaha maamulka uu ku wado guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad wehliye, waxa aayne ballan qaadeen in laba jibaari doonaan shaqada aay hayaan. Waxaa xusid mudan in madasha kulankaasi ku sugnaayeen Taliyaha qeybta booliska gobolka Kor. Isaaq Cali Cabdulle iyo madaxda Dhallinyarada iyo Haweenka gobolka Hiiraan.

Read More

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhabbaha keliya ee wadahadal lagu gaari karo uu yahay in Itoobiya ay meesha ka saarto sheegashadeeda ah in ay heshiis la gashay Somaliland (Gobollada Waqooyi). Dowladda ayaa tilmaamtay in heshiis beenaadkaas uu abuuray falcelin badan oo kasoo laabatay Dowlado, Ururro iyo dhinacyo kale oo dhammaan garab istaag xooggan u muujiyay Soomaaliya maadaama Itoobiya ay qaadday tallaab sharci darro ah. “Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaari karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso…

Read More

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Türk ayaa ku baaqay in waddamada ku lugta lahaa ay qaadaan tillaabooyin la taaban karo oo magdhow lagu diinayo, dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee la addoonsaday ama addoonsi ahaan looga ganacsaday. Hadalkaan ayuu Jimcihi ka sheegay, gaba gabadi kulan afar maalin xarunta Qaramada Midoobay uga socday Madasha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Dadka Afrikaanka ah ee loo soo gaabiyo (PFPAD). Volker, ayaa codkiisa ku biiray baaqyo iyo cadaadis isa soo taraya oo loogu baaqayo dalalki reer Yurub ee addoonsi ahaan uga ganacsaday dadka madow ee asal ahaan kasoo jeeday…

Read More

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimada Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa shir Gudoominayay Shirka Amniga caasimada iyo sidii Kor loogu qadilahaa bilicda caasimada, Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Hay’ada NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) Taliyaasha Boliiska iyo Nabad sugida Ee Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Dagmooyinka Gobalka Banaadir,Saraakiisha fadhiyada madaxa Banaan Taliyaasha Qeybaha Boliiska iyo Nabad sugida iyo Taliyaasha Saldhigayada Gobolka, U jeedka Shirka ayaa ahaa daadajinta amniga caasimada iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo bilaabi lahaa islaxisaabtan dhab ah oo laxiriira amniga Guud ee Caasimada iyo nawaaxigeeda, Shirkan ayaa daba…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyeen Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo Agaasimaha Guud Caydaruus Macallin Xasan ayaa maanta kullamo kala duwan oo horudhac ah, isuguna jira kormeer, xog wareysi, la socoshada howlaha iyo isbarasho ah la qaatay hoggaannada Hay’adaha hoostaga Wasaaradda ee NIRA , SoDMA iyo NCRI. Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diinwaagelinta Qaranka(NIRA) Cabdiweli Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka(NCRI)  Safiyo  Maxamed Xasan ayaa si gaargaar ah uga warbixiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee…

Read More

Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta oo ah 20ka Abriil 2024 ay ku ballansanaayeen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si ay uga hadlaan arrimo dhowr ah. Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu soosaaray ayaa lagu sheegay in ‘Arrimo Farsamo’ darteed oo aan faah-faahin dheeraad ah laga bixin uu shirkaas dib ugu dhacay muddo kooban. Madaxda Dowlad-Goboleedyada oo intooda badan ka ka maqan Caasimadda ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan Shirkaan oo diiradda lagu saarayo arrimaha Dastuurka, Amniga & Siyaasadda.…

Read More