Author: radiohalgan.com

Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caasimada u yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac ku yimid. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku casuumay shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu dhaco 20-kii bishaan, balse uu arrimo farsamo u baaqday, sida ay sheegtay Villa Somalia. Shirkan ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halka uu ka maquurtay sida muuqata hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo waayahan lasoo warinayay inay kala furteen madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxda dowlad-goboleedyada saddexda ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay wasiirka…

Read More

Beledweyne(Radiohalgan.com)- Madaxweynaha Hiiraan State Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow uu Waheliye Maamul qeybahiisa kala duwan  sida Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan State  ayaa Maanta lacag Faro badan ku warajiyay odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan. Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa ka Codsaday Lacaag diyo ah oo loo haystay hase ahaate Waxa ka bixiyay Madaxweyne Coloow. Sida Xogta ku heshay Radio halgan odayaasha ayaa taageero Buuxdo u muujiyaay Maamulka  Madaxweyne Coloow. Waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulan kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira ayaa uga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka, iyaga oo garab ka helaya taageerayaasha caalamiga ah. Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada QM ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu cirbtirayo kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah xasilloonida dalka, tan Gobolka iyo guud ahaan caalamka. Wasiirka ayaa…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Xasan Ibraahim Cabdulle guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow iyo taliyaha qeybta booliska gobolka Kor. Isaaq Cali Cabdulle ayaa kormeeray goobaha laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo wabiga shabeelle madama uu biloowday xilli roobeedkii Guga. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka iyo masuuliyiinta la socday ayaa booqday qoysaska ku jira Kaamamka ku yaalla Beledweyne si madaxda maamulka bulshada ula qeybsadaan sameynta ka dhalatay Roobab xalay ka da’ay Beledweyne. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa u ballan qaaday…

Read More

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 9 qof oo 6 ka mid ah ay carruur ahaayeen lagu dilay duqeyn ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmada Rafah ee Marinka Gaza. Duqeyntan oo qeyb ka ah weerarka ay Israil ku heyso magaalada go’doonsan ee Gaza muddo 7 bilood ah, ayay saraakiisha caafimaadka isbitaalka al-Najjar sheegeen, in dadka dhintay ay ku jireen Abdilfatah Subxi Ridwan iyo xaaskiisa Najla Axmed Cuweydah iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen iyo abtigood. Wararka kale ee naga soo gaaray dhulka la heysto Daanta Galbeed ayaa sheegaya, in Sabtidi shalay ay ciidamada Isra’il dileen…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Shangaani usoo jeediyay in ay kordhiyaan tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga Degmadaas iyo iskaashiga labada Dhinac. Yuusuf Madaale ayaa sheegay in ay indha-indhayn ku samaynayaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si loo qiimeeyo heerka nabadgalyada ka gaarsiisan yihiin si loo xoojiyo xasiloonida iyo kala dambaynta sida uu hadalka u dhigay. Mas’uuliyiinta Degmooyinka maamula ee Gobolka Banaadir ayuu Duqa Muqdisho ugu baaqay in xabka keliya lagu gaari karo amni uu yahay wadashaqaynta Hay’adaha Amniga iyo Shacabka oo si dhow ula socon kara xogta qofka xasilooni darrada ka shaqaynaya.…

Read More

Sayid Cali Macallin Daauud oo racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku ridday 6dii Maarso sanadkaan 2024 ayay Maxkamaddu racfaanku waydiisay sababta uu u diiday xukunkii ay ku ridday Maxkamadda derajada 1aad ee Gobolkaan. Waxa uu sheegay in uusan ku qancin xukunkaan https://youtu.be/FZtX4_cBfVI?si=PSz0znNzFJJglrnS Isla markaana lagu ‘been abuurtay’ sidaas awgeed uu qaatay go’aanka daba-socday xukunka oo ahaa in uu racfaan ka qaadan karo haddii uusan ku qancin xukunkaas. Sayid Cali oo su’aalo la waydiiyay ayaa dul istaagay sida uu kiiska ku dhacay isaga oo fadhiga maxkamadda kahor sheegay in uu ahaa ‘badbaadiyaha’ marwadiisa oo u dhimatay dhaawac kasoo…

Read More

Dalalka Turkiga iyo Masar ayaa ka wada shaqaynaya sidii xal waara loogu heli lahaa qalalaasaha Suudaan sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga. “Waxaan xoojineynaa kulamada iyo booqashooyinka labada dhinac ee Turkiga si aan u horumarino xiriirka iyo wadashaqeynta,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry oo uu weheliyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan. Turkiga iyo Masar ayaa ka wada shaqeynaya sidii xal waara loogu heli lahaa qalalaasaha muddada sanadka ah ka socday Suudaan, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Sabtidii. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan, ayaa sheegay in dalkiisu Qaahira kala shaqyanayo sidii colaada Sudan loogu…

Read More