Author: radiohalgan.com

Real Madrid ayaa ku dhow inay ku guuleysato horyaalka Spain xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay El Clasico kaga badisay Barcelona (3-2). Real Madrid ayaa horyaalka La Liga ku hogaaminaysa 81 dhibcood, halka Barcelona ay ku jirto kaalinta 2-aad iyaga oo leh 70 dhibcood. Los Blancos ayaa 11 dhibcood oo cadaan ah ka horaysa Barcelona iyada oo 6 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka La Liga. Real Madrid ayaa u baahan in ay badiso laba kulan hal kulanna bar-baro gasho si ay si Rasmi ah ugu guulaysato horyaalka La Liga taas oo la macno ah in ay u baahantahay 7…

Read More

Tababaraha Kooxda Barcelona Xavi ayaa lagu soo waramayaa inuu badali karo go’aankii uu go’aansaday in uu kaga tago kooxda Barcelona kadib 4 bilood oo uu ku adkaysanayay in uuna badali doonin go’aankiisa. Barcelona ayaa Real Madrid u lumisay horyaalka La Liga kadib markii ay guuldaro 3/2 ah kala kulantay kooxda Los Blancos. Xavi oo shaaciyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka si ay kooxdu u yeelato tababare cusub. Laakiin Xavi ayaa laga yaabaa in uu haatan badalo go’aankii uu ku go’aansaday in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan. Xavi ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in…

Read More

Chris Sutton ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisa ku aadan hanashada horyaalka ee kooxaha Arsenal iyo chelsea kaas oo ka tirsan premier League. Hogaamiyayaasha haatan ee Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawaynaya kooxda Mauricio Pochettino iyaga oo doonaya in ay sii dheeraystaan hogaanka premier League. Gunners ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah premier League kadib markii ay 2/0 ku garaaceen Wolves. Kooxda Arsenal ayaa haatan la dhibco ah kooxda Liverpool laakiin kaga horayso farqiga goolasha. Weeraryahankii hore ee Premier League Sutton ayaa sheegay in uu yahay kulan halis u Ah Arsenal kuwaas oo ku raad jooga…

Read More

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in maamulka Milan ay qaateen go’aankii ugu dambeeyay ee mustaqbalka tababare Stefano Pioli kaas oo ay go’aansadeen in ay shaqada ka caydhiyaan tababaraha reer Italy Stefano Pioli ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Ac Milan sabab la xidhiidha natiijooyinka xun ee kooxda kuwaas oo ku dhamaystay kaalinta 2-aad ee ku dhamaystay. Kooxda Inter Milan ayaa ku guuleysatay horyaalka dalka Talyaaniga ciyaartii derby-ga ahayd ee Milan, kaddib markii ay labo gool iyo hal kaga adkaatay kooxda ay xafiiltamaan. Fabrizio Romano ayaa bogiisa rasmiga ah ee shabakada xidhiidhka bulshada ee “X” ku muujiyay in inkasta…

Read More

Saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in xiddiga reer Brazil ee Thiago Silva uu ka tagi doono kooxdiisa chelsea kadib dhamaadka xili ciyaareed kaan. Thiago Silva, oo 39 jir ah, ayaa u soo dhaqaaqay Chelsea xagaagii 2020, isagoo beeca xorta ah kaga yimid Paris Saint-Germain. Inkasta oo uu da’ wayn noqday xiddiga reer Brazil ayaa wali ah mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda chelsea isaga oo uga mahad celinaya heerkiisa joogtada ah. Fabrizio Romano ayaa sheegay in Thiago Silva uu ka tagi doono Chelsea ka dib markii uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga. Suxufiga caanka ah ayaa intaa…

Read More

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Sool ee maamulka Khaatumo State ayaa xabsiga dhigay haweeney lagu eedeeyay in ay baraha bulshada taageero weyn ugu muujisay maamulka Somaliland. Booliiska Khaatumo ayaana xiray Yaasmiin Maxamed Diiriye oo ay ku eedeeyeen in ay taageertay maamulka Somaliland iyada oo joogta deegaannada Khaatumo, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in calanka maamulkaasi baraha bulshada kusoo bandhigtay. War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Sool ayaa lagu sheegay in ay ku daba jiraan ayna soo qabanayaan dad kale ay ku eedeeyeen in ay caadeesteen in ay baraha bulshada ka taageeraan maamulka Somaliland ay dagaalka kula jiraan. Booliiska Khaatumo State…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah shir-guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadaan Xoghayaha Joogtada iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda oo diiradda lagu saaray isbedello istiraatiijiyadeed oo ujeedkeedu yahay hagaajinta iyo dardargelinta shaqada. Intii lagu guda-jiray kulanka, Waxa uu Wasiir Fiqi faray fulinta qorsheyaal hiigsi leh oo dib loogu habeynayo arkiifiyada iyo adeegyada qunsuliyadeed, iyadoo ujeeddadu tahay casriyaynta iyo ka dhigidda “degital” nambar iyo tixraac leh. Waxa uu caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka labo geesoodka iyo midka dhinacyada badan, isaga oo qeexay istiraatiiyado lagu xoojinayo xiriirada siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho, iyadoo la…

Read More

Qatar ayaa maanta sheegtay in hoggaanka siyaasadeed ee Xamas ay ku sii nagaan doonaan Doha inta joogitaankoodu uu faa’iido u leeyahay dadaallada dhex-dhexaadinta ee looga dan leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza. Hadalkan ayaa yimid kadib markii warbaahinta qaar ay ku warrameen in Xamas laga yaabo ama la weydiisan doono iany ka tagaan saldhigooda Qatar. “Ilaa iyo inta joogitaankooda halkan Doha, sida aan had iyo jeer sheegno, uu waxtar u leeyahay dadaalkan dhex-dhexaadinta ah, way sii joogi doonaan halkan,” waxaa sidaas shir jaraa’id ku sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majed al-Ansari. Waxa uu intaas ku daray in Qatar…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Dagaalka oo ka dhacay dhanka bari ee magaalada ayaa wuxuu u dhexeeyay rag hubeysan oo isku qabtay dhul ku yaalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Inta la xaqiijiyay waxaa is rasaaseynta dhex martay labada dhinac ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli is horfadhiya, waxaana soconayo dadaallo ay wadaan madaxda Puntland iyo waxgaradka Garoowe, si looga hortago xiisaddaasi. Sidoo kale ciidamada ammaanka…

Read More