Author: radiohalgan.com

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa jawaab ka bixisay hadal-heynta ka dhalatay jawaano ay dhawaan gaysay gobolka Gedo, kuwaas oo qaarkood la geeyay degmada Doolow, si looga hortago fatahaad mar kale ku dhufato halkaasi. Arrinta hadal-heynta dhalisay ayaa ah in jawaano kooban la geeya Doolow, gaar ahaan afaafka hore ee wabiga Jubba, taas oo dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen. Maxamuud Macallin oo ah guddoomiyaha ha’yadan ayaa jawaab ka bixiyay arrintaasi, wuxuuna sheegay inuu arkay sawirrada laga soo qaaday goobta ee hadal-heynta dhaliyay, wuxuuna sheegay in shaqadu billow ay ahayd, laakin ay dad leh…

Read More

Muqdisho(Radiohalgan.com)-Ugaas Yusuf Ugaas Hassan Ugaas Khaliif ayaa magaalada Muqdisho kulan qado iyo wada-tashi la qaatay Ugaasyada iyo Wabarada reer Hiiraan. Wuxuu ahaa kulankaas ayaa ku soo idlaaday isfahan iyo Guul. Dhanka kale Shacabka reer Hiiraan ayaa aad iyo aad ugu faraxay Sawiirka Ugaasyada Reer Hiiraan oo Meel Wada tagan. Hase ahaate waa muhiim Midowga Ugaasyada iyo Shacabka Reer Hiiraan si uu Gobolka Hiiraan u guuleeysto.

Read More

Guddoomiyaha gobolka ayaa Odayaasha dhaqanka kala hadlay muhiimadda aay lee dahay Dib-u-Heshiisiinta wada jirka iyo in laga shaqeeyo nabadda. Kulanka waxaa ku sugnaa Taliye ku xigeenkii hore ee qeybta Booliska gobolka gobolka Hiiraan Kor. Cali Cabdi Mahad-Alle. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa si habsi leh u wada howlaha maamulka ee gobolka waxuuna laba jibaaray wada shaqeynta Odayaasha dhaqanka.

Read More

 Warar aan ka helayno deegaanka miyiga ah ee u dhaxeeya Hulkujir iyo Qalaanqale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo dagaal qaraar oo u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed Khasaare dhimasho iyo dhaawac badan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalkan waxaana la isku adeegsanaya gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan. Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay Ku dhawaad 14 kale oo labada dhinac ka tirsana waa ku dhaawacmeen Dagaalkan . Khadka Talefanka iyo internetka oo aan si fiican u shaqaynayn degaanadaas ilaa shalay ayaa adag in la helo xog dhamaystiran Dhaawacyada labadaan maleeshiyo beeleed…

Read More

Raysal wasaaraha Ireland Simon Harris, ayaa ka codsaday wasiirka cadaaladda dalkaas inuu golaha wasiirada hor keeno sharci dadka magan galya doonka ah ee horay ugu yimi UK dib loogu celin karo dalkaas. Wasiirka cadaaladda Ireland Helen McEntee, ayaa sheegay in boqolkiiba siddeetan dadkii dhawaan dalkaasi galay ay ka yimaadeen UK iyagoo ka soo gudbay Xadka UK iyo Ireland. Ra’iisul wasaaare ku xigeenka Ireland, Micheál Martin, ayaa sheegay in siyaasadda UK ee Rwanda ay durba saameyn ku yeelatay Ireland. Sharciga ay UK, ku doonayso inay qaxootiga ku gayso dalka Rwanda ayaa sharci noqday khamiistii ka dib markii barlamaanka UK oggolaadeen xeerkii…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto xiriirkooda iyo wadashaqeyntooda Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, oo ah cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA). Sarkaal Mareykan ah ayaa  u sheegay Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadanayso dhammaan eedeymaha musuqmaasuqa. Saraakiisha  Ciidanka Danab ayaa lagu eedeeyay u weecinta raashiinka suuqa madow taasoo lid ku ah heshiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Mareykanka. “Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago  dhacdooyinka saamayn kara kaalmada mustaqbalka,” ayuu yidhi sarkaalku, isaga oo aan si toos ah uga hadlin…

Read More

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay Alshabaab ka sifaysay keymaha ay ku dhuumaalaysan jireen ee Booni, taas oo keentay in ay yaraadaan weeraradii argagixisanimo ee gobolka xeebta. “Argagixisadu waxay u adkeysan weyday awoodda hay’adaha amniga oo qaarkood ku qasbay inay dib ugu cararaan Soomaaliya oo ay naftooda u baqayaan,” ayaa lagu yiri war qoraal oo ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee Kenya. Hay’adaha Amniga ee Kenya ayaa waxay sheegeen inay ku guulaysteen inay ka takhalusaan Shabaabkii ku dhiiraday inay ku sii dhuuntaan kaynta, si loo nabadeeyo gobolka xeebta ah ee Lamu iyo nawaaxigeeda oo ay ku jirto Garissa. Hawlgallada…

Read More

Fadeexad weyn ayay dhex taalla wasaaradda gaashaandhiga ee Soomaaliya. Gaadiid lagu sido raashin ay lahaayeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo la beecinayo ayaa bartamaha caasimadda lagu qabtay dhawaan, taas oo dhalisay in dowladda Mareykanka ay joojiso bixinta raashinkii ciidanka Danab. Guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo fara-geliyay dhacdadan ceebaysay ciidankii dowladda iyo wasaaradda gaashaandhiga. Qoraal ay shalay soo saareen iyaga oo ka duulaya qirashadii wasaaradda gaashaandhiga ee xatooyadii garaamka ciidanka Danab, ayuu guddiga difaaca ee baarlamaanka waxa uu sheegay inay ayaan-darro weyn tahay xatooyadda lagu sameeyay raashinkii ciidanka, waxayna ku tilmaameen mid dhabar jab iyo…

Read More