Author: radiohalgan.com

Xildhibaan Tim Loughton oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska ayaa sheegay in laga musaafuriyay dalka Jabuuti sababo la xiriira xiriirka dhow ee dalka ku yaalla bariga Afrika uu la leeyahay Shiinaha. Ka dib musaafurintiisa ayaa waxa uu xildhibaanka yiri: “Jabuuti si wax ku ool ah ayey u tahay waddan Shiinaha ka tirsan – waxa Shiinuhu rabo, sababtoo ah Jabuuti in xildhibaan dhib badan oo Shiinuhu cunaqabatayn ku soo rogay uu albaabkooda yimaado waxay ahayd wax aanay doonayn inay ka kaftamaan.” “Tani waxay ahayd tusaale kale oo ku saabsan sida teendhooyinka Dawladda Shuuciga ah ee Shiinaha ay ugu fidayaan meelaha…

Read More

Waxay lahayd hammi iyo hiigsi nololeed, Najma Rashiid Cabdiqaadir, waxay ahayd gabar muddo kooban ka hor Gaarisa ka dhamaysay dugsiga sare, mustaqbalkeeduna u ahaa mid riyooyin badan leh. Najmo, waxay timi Nairobi bilo uun ka hor si ay u raadsato fursad shaqo iyadoo ku noolayd guri ay habaryarteed leedahay. Qoyskeeda ayay najmo uga tmid si ay u hesho fursad shaqo si ay u garab istaagto. Ruqiyo Kedsane Caraale, oo ah hooyada Najmo Rashiid, allaha u raxmadee oo BBC-du la hadashay ma awoodin inay nala hadasho, waxayna si dareen leh u sheegtay inay ku qanacday waxaa Alle qadaray. Waxay ku jirtay…

Read More

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ka jira Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay la kulmaysay weerarro qaraxyo ah iyo dilal toos ah oo lala beegsaday xarumaha iyo shaqaalaheeda. Dhacdadii ugu dambeysay ayay shirkaddu ku wayday lix ka mid ah shaqaalaheeda oo ku geeriyooday qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen oo marayey deegaanka Garasbaaley oo ka tirsan Muqdisho. War kooban oo ay shirkaddu soo saartay waxay sheegtay in qaraxan uu ka mid yahay qarayxo ka horreeyay oo lagu weeraray shaqaalaheeda iyo xarumaheeda oo 19-kii bishii Maarso oo la weeraray xaruntooda Daallo oo ku taalla degmada Howlwadaag…

Read More

Waxaa socda baadi-goobka Dad la sheegay in ay la rogmatay doon ay saarnaayeen oo marayay inta u dhaxaya Madoga & Gaarisa waxaana lagu qiyaasay in ay kor u dhaafayaan 30 ruux sida ay muujinayso xog laga soo xigtay saraakiil katirsan xubnaha ku howlan howlgalkaan. Doomo nooca yar yar ee dheeraaya ayaa lagu baadi-goobayaa si loo helo rag ama ruux Dadkaas la raadinayo iyada oo xubno badan oo ehelkooda ah ay sidoo kale qayb ka yihiin gurmadkaas socda sidaasi waxaa laga soo xigtay ilo kala duwan. Biyaha oo aad u badan ayaa la sheegay in aanay suuragal noqon Karin in dabaal…

Read More

Om Fahad oo saameyn ku lahayd baraha bulshada ee Ciraaq ayaa lagu toogtay bannaanka gurigeeda oo ku yaalla magaalada Baqdaad, sida ay sheegtay warbaahintu. Weerarka ayaa ka dhacay xaafada Zayne ee bariga magaalada caasimadda ah Jimcihii. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in “Haweeney caan ka ahayd baraha bulshada” ay dileen kooxo aan la garanayn. Waxa ay intaa ku dartay in la sameeyay “koox gaar ah” si ay u baaraan xaaladaha ku xeeran dhimashadeeda. Om Fahad oo magaceeda saxda ah lagu sheegay Ghufran Sawadi, ayaa waxaa la sheegay in uu rasaas ku furay gaari…

Read More

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo khudbad ka jeediyay madal la isugu keenay siyaasiyiin & madax-dhaqameedka beelo kasoo kala jeeda Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ka digay in dib loo abuuro xiisad cusub. Qaybdiid ayaa labada Dowlad-Goboleed ee Puntland iyo Galmudug usoo jeediyay in ay Mas’uuliyad gaar ah iska saaraan marka ay wada-xaajood galayaan dhaqanka labada dhinac si qodobada loo arko in aanay xal ahayn meesha looga saaro. Ka mas’uul ahaan waxa uu intaas ku daray in uu garab taagan yahay in si nabad ah oo walaaltinimo ku dheehan tahay ay u wada noolaadaan beelahaan walaalaha ah ee xad-wadaagga ah…

Read More

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka hadlay Qaraxii shalay lala eegtay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud, kuwaas oo gaaraya tiradooda illa lix xubnood. Wasiir Fartaag oo qoraal soo dhigay barta Twitter ee hadda loo yaqaan X ayaa sheegay in weerarkaan uu taabtay quluubta shacabka Soomaaliyeed, waxa ugu baaqay laamaha amniga in ay si degdeg ah uga howlgalaan dhacdadaan, si ay baaritaan ugu sameeyaan. Warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in galinkii dambe ee shalay lix qof oo ka tirsan shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud lagu diley qarax ka dhacay deegaanka…

Read More

Muqdisho, Abriil 29, 2024; Kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayey doorka warbaahinta hey’adaha dowladdu ay ka qaadan karaan hirgelinta Hannaanka casriyeynta Dowladdnimada iyo sidii farriimaha dowladda looga dhigi lahaa kuwo waxtar leh oo isku xira, bulshada iyo dowladda, ayaa ku qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka ka shaqeeya warbaahinta hey’adaha dowladda in ay noqdaan dad aqoon leh oo xog-ogool u ah arrimaha ka jira dalka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dheeraaday doorka ay warbaahintu ku leedahay dowlad-dhiska iyo dagaalka…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya iska hor imaad hubeysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaa ka dhashay khasaare u badan dhaawac. Is-rasaaseynta ayaa timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay weerar ku qaadeen guriga sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka isgoyska Boondheere, halkaas oo uu ka dhacay dagaal toos ah, markii ay isku dhaceen labada dhinac. Sarkaalka la weeraray ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Sayid-Cali, wuxuuna ka tirsan yahay ciidanka lagu soo tababaray Eritrea ee hadda ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab…

Read More

Warbixin dheer oo uu qoray Machadka daraasaadka siyaasadda Emirates Policy Center ayaa waxaa looga hadlay heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu hadda bilowday dhaqan-galkiisa. Maqaalkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ciwaan looga dhigay ‘Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya: Go’aan qaadasho laga baaraan dagay, mise tallaabo loo qaaday meel aan la aqoon’. Sidoo kale waxaa lagu soo koobay saddex faa’iido waa weyn oo Turkigu ka helayo heshiiska difaac ee uu haatan la galay dowladda federaalka, kaas oo kusoo aaday, kadib heshiiskii muranka badan dhaliyay ee Addis Ababa ku dhexmaray Somaliland iyo dowladda Itoobiya.…

Read More