Author: radiohalgan.com

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada maamul gobaleedka Puntland ayaa soo bandhigtay Kartooman ay ku jiraan Baco oo ay Wasaaraddu ku sheegtay in ay halis ku yihiin deegaanka iyo bulshada ku dhaqan deegaannada maamulkaas. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Booliska maamulka Puntland ay, “qabteen baco tiro badan oo lagu soo raray baabuur candha-meydle ah, bacaha oo halis ku ah Deegaanka iyo bulshadaba,” Sida lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda. Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay deegaanka Laacdhere ku qabteen gaari siday Baco, iyada oo soo bandhigeen xilli uu goobjoog ka ahaa Wasiirka…

Read More

Qaban-qaabada Soo dhaweeynta Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa Manta Laga Dareemayaa Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, Masuuliyiinta Maamulka degmada iyo Odoyaal dhaqameed, dhalinyaro iyo Haween ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Degmadaasi. Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa Hogaaminayo Wafdi iskugu jiro Xildhibaano iyo Madax dhaqameed kuwaas oo hada ku sugan Garoonka diyaaradaha Ugaas Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Ugaaska ayaa lagu wadaa in halkaasi uu kulamo kula qaato Waxgaradka Degmada Buulo Burde, kuwaas oo kala hadli doono xaaladaha Gobolka ka jiro iyo Sidii Odoyaasha ay door weyn uga qaadan lahaayeen Xalkooda. Intaasi kadib Ugaaska iyo Wafdiga…

Read More

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa mar kale diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii is-faham ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Wasiirradu waxay isugu yimaadeen shir loogu diyaar-garoobayo kal-fadhiga shan iyo tobnaad ee Shir-madaxeedka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay caasimadda Gambia ee Banjul, intii u dhaxaysay May 2 – 3, iyadoo hal-ku-dhigga shirkaas uu ahaa “Xoojinta Midnimada iyo Wadajirka iyada oo loo marayo wada-xaajood waara. Horumarin. Sida lagu sheegay war-murtiyeedkii ka soo baxay kulanka, wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in laga caawiyo agab iyo farsamo labadaba si loo…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Kulankan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxayna labada taliye iyo madaxweynaha yeesheen wada-hadallo gaar ah. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, oo ay ku jiraan amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga Al-Shabaab iyo horumarinta xasilloonida gobolka. Ibrahim Kalin ayaa…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaluya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta Daahfuray Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka. https://youtu.be/FmrfnfPzmvA?si=erMRn9cO_CQAPPv5 Xamza ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynuhu ay ku soo doortaan hoggaankooda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin in markale dib loogu laabto Teendhada Afisyoone oo lagu qabtay doorashooyinkii horay uga dhacay dalka. “Annaga ma qarineyno beenna…

Read More

Nin seef ku hubeysnaa ayaa maanta weerar khasaaro geestay ka fuliyay meel ku dhow saldhiga laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara ee deegaanka Hainault ee kuyaalla waqooyi bari ee magaaladda London. War kasoo baxay booliiska magaalada London ayaa lagu sheegay in ninka seefta watay uu dhaawacyo kala duwan gaarsiiyay shan qof oo labo kamid ah ahaayeen askar, halka saddexda qof kalana ay shacab ahaayeen. Ciidamada booliiska ayaana ku guuleestay in ay si deg deg ah gacanta ugu dhigaan ninkii weerarka geestay oo 36-sanno jir ahaa, booliiska ayaana weerarkan ku tilmaamay in uusan aheyn mid argagaxiso. Duqa magaalada London Sadiq Khan…

Read More

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shir ay qabatay Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya kaas oo Muqdisho ka socda saddex maalin ku tilmaamay in uu yahay mid burburinaya hawsha Qaranka. Shirkaan oo Muqdisho ka furmay todobaadkaan gudihiis gaar ahaan maalinta Axadda ayaa ciwaankiisa ahaa hannaanka Federaaleynta Asluubta Soomaaliyeed, iyada oo u jeedka shirka Wasaaradda ku sheegtay faham qaadashada Farsamada qaab dhismeedka nidaamka hannaanka federaleynta Asluubta Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa heshiis ku saabsan hagaajinta iyo hirgalinta lagama maarmaanka u ah hannaanka federaaleynta Soomaaliyeed. Qabashada shirkaan ayaa waxaa qaadacay Taliyaha Ciidanka…

Read More

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel  David Haskell. Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka ,isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgalka. Wafdigaan uu hoggaaminaya Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel  David Haskell ayaa ku soo aadaya xilli fadeexad ka dhalatay ciidanka sida gaarka ah u tababara ee Danab kuwaas uu tababaro Mareykanka ka dib markii la leexsaday Saadkooda. Wasaaradda Gaashaandhigga…

Read More

Agaasimaha Nabadsugida dalka Turkiga ee (MIT) Ibrahim Kalin ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyada oo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Wafdiga Agaasimaha ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyey saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda, iyada oo markii dambe laga soo galbiyey garoonka Aada Cadde. Socdaalka Agaasimaha ayaa daaran yahay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay qeyb ka tahay la dagaalanka Al-Shabaa, oo uu Turkiga si weyn ugu taageerayo dowladda Soomaaliya. Agaasime Ibrahim Kalin oo markii ugu horreysay yimid magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu kulamo…

Read More

Magaalada Detroit, Dearborn, waa magaalo ay si weyn ugu badan yihiin dadka ajaanibta ee carabta ah kuwaas oo si weyna ugu faafiyey magaaladan dhaqanka iyo cunooyinka laga isticmaalo Bariga Dhexe. Dhaqanka magaaladan ayaan ka jiran meelo badan oo Maraykanka ah, waxaa fursad gaar ah la siiyaa dadka socotada ama safarka ah si ay wax u cunaan iyagoo helaya cunooyinka carbeed. Goob lagu gado macmacaanka Shatila, ee Dearborn, Michigan, waxaa galab Axad dad si saf ah u taagan ayaa isugu soo baxay hareeraha dukaamada oo danaynaya macmanaanaka Baklava, nooc macmacaanka reer Masar caanka ku yihiin ka mid ah iyo nooc kale…

Read More