Author: radiohalgan.com

Hantidhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa heshiis soconaya 5 sano la galay haweeneyda Hantidhowrka ka ah Dalka Sweden, heshiiskaas ayaa ku qotoma Wada-shaqaynta labada Xafiis, taageero is dhaafsiga & waaya-aragnimada. Sidoo kale xafiiska Hantidhowrka qaranka ayaa intaas ku daray in xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayaynta baarista waxqabadka (Performance Audit) oo kamid ah baarista uu dhigayo sharciga Hantidhowrka ay Sweden ka gacansiin doonto. Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa arrintaan u cuksaday sharciga waxaana uu intaas ku daray in ujeedka ugu wayn uu yahay sare u qaadista khibradda xafiiskaan iyo xoojinta waaxda baarista waxqabadka sida…

Read More

Waxaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo in ka badan 200 oo ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaas oo u qafaalnaa Kooxaha lacagaha badan ka sameeyay madax-furashada tahriibayaasha ee loo yaqaan Magafayaasha Liibiya ku sugan. Dadkaan ayaa u badan dhallinyaro kuwaas oo ku doodaya in sababta ay u marayaan halistaas wayn ay tahay in ay raadinayaan nolol uga wanaagsan tan dalalkooda ayaa lagu xirtay Dalka Liibiya si ehelkooda madax-furasho looga qaato. Mas’uuliyiin katirsan Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ayaa sheegay in xabsiyada Dalkaas laga sii daayay dad badan oo oo Soomaali & Itoobiya isugu jiray kuwaas oo haatan la qorshaynayo…

Read More

Israaiil ayaa baxsad u ah weerar ay ku qaaddo Magaalada Rafax kaddib markii Xukuumadda Netanyahu ay go’aan culus ku gaartay fulinta howlgal ay ku sheegtay in uu yahay mid cir iyo dhul ah oo ciidamada Yuhuuddu isu diyaariyeen. In Muddo ah ayay Israaiil waxa ay u baxsad u ahayd in ay weerar ku qaado Magaalada Rafax oo duqaymo meelo fog-fog ah ay ka fulisay taasi oo dhalisay khasaara dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray qaar kamid ah guryaha Dadka rayidka ah. Intaas waxaa Israaiil u dheer cabsi gelin ay isku dayday in ku samayso Dadka kasoo barakacay deegaannadii ay Yuhuudda…

Read More

Garsooraha u dhashay Dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo Daniele Orsato ee xalay dhexdhexaadinayay kulankii Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ay ku hartay kuna soo baxday Naadiga reer Jarmal ee Borussia Dortmund (BVB) waxa uu u ahaa kulankiisii ugu dambeeyay ee garsooridda waayihiisa Horyaalka Qaaradda Yurub ee Uefa Champions Leuge. Orsato oo haatan jira 48 sano waxa uu raacayaa dhabbihii ay mareen garsooreyaal isaga baxay am aka fadhiistay kubadda cagta oo xitaa ay kamid yihiin kuwo ay dhalashada Dalka Talyaaniga ay wadaagaan kuwaas oo xiligaan xilal kala duwan ka haya Hay’adda Cayaaraha ee Uefa halka qaar kale ay falanqeeyeyaal isu baddeleen. Keliya…

Read More

Lataliyaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Hir-shaballe Dr Maxamed Daad ayaa yiri Ma saxbaa xilka-qaadista afarta (4)wasiir ee dowlada  Hirshabeele? Tastuurka Dowlad goboleedyadda wuxuu qorayaa in xilalka waaweyn sidda wasiiradda iyo Taliyesha Ciidamadda uu sameyn karo isku shaandheyn iyo xil-qaadis uu sameyn karo Madaxweynaha Maamul goboleed kaliya. Madaxweyne x/Xigeenka dowlada Hirshabeele  maanta wuxuu soo qoray Inuu xilkii kaqaaday Afar wasiir balse xikqaadistaas Ma ahan mid waafaqsan sharciga dowladnimadda, waana warqad baalmarsan Tastuurka Dowlad Hir-shaballe Sidda aan lasoco ama aan warqadan dusheeda sare kusoo qoray xilka wasiirada iyo taliyeyaasha Ciidamadda Maamulada dalka waxaa xil kaqaadi karo ama Magacaabi karo Madaxwene Cali…

Read More

Sida aad la socotaan mar kasta oo Roob yar ka da’o Beledweyne diyaaradaha waa istaagaan. Dowladda Federaalka iyo Maamulka midna kuma guuleysan in xal loo helo.xaaladda Ayraboorka. Waxan go’aansanay in aan DHABAHA DIYAARADDA (run way) aan dhisno si baahida shacabka loo daboolo. Qof kasta oo reer Hiiraan ah iyo shacabka Soomaaliyeed intaba waxa laga codsanayaa in aad ka qeyb qaadataan. Waxan mar dhaw soo bandhigi doonaa qarashka lagama maarmaanka ah insha Allaah. Qof kasto oo fikir wax nagu kordhin kara haya waan soo dhaweynayaa. ==== Dad Dalka U Siman ====

Read More

Muxyadin Maxamed oo loo garan og yahay Muxyadin Show kana mid ah Wariyayaasha sida madaxa banaan uga howlgala Dowlad degaanka Soomaalida ayay Maxkamadda Gobolka Faafan ee Jigjiga ku xukuntay 2 sano oo xarig, kaddib markii lagu eedeeyay gudbinta hadallo naceyb oo bulshada iska horkeenaya iyo been abuur. Haddaba Ururka Saxafiyiinta ee Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadlay xukunka ku dhacay Wariye Muxyadin Show ayaa sheegay in xukunkaasi uusan ahayn mid sax ah oo cadaaladda waafaqsan, iyagoo sheegay in xukunkaasi aysan ku qanacsanayn oo hadda ay dib u eegis ama Racfaan ay ka qaateen xukunkaas, sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha…

Read More

Ugu yaraan 107 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa laga soo daayay magaalo ku taal koonfurta bari ee Liibiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Liibiya. Walid Alorafi, oo ah afhayeenka waaxda dambi barista ee (CID) ee Benghazi, ayaa sheegay in muhaajiriinta, lagu hayay ilaa todobo bilood ay doonayeen inay aadaan Yurub. Muhaajiriinta ayaa ka kala yimid dalal kala duwan oo ka hooseeya saxaraha Afrika, balse inta badan waxay ka yimaadeen Soomaaliya sida uu sheegay Alorafi. “Waxaan xalay weerar ku qaadnay goob ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla bartamaha magaalada Kufra, waxaanan helnay…

Read More

Hay’adda Maareynta iyo Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa soo saartay digniino hor leh ku aadan in maalmaha soo socda qaar ka mid ah gobolada dalka ka da’i doonaan roobab ay ka dhalan karaan daadad iyo fatahaado. War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda SODMA ayaa lagu sheegay in tobanka cisho ee soo socota roobabka filayo iney da’aan gobolada kala Hiiraan, Gedo, Jubbooyinka iyo Shabeelaha Dhaxe iney saameyn xoogan oo dhanka nolosha ah ku yeelan karaan dadka iyo duunyada kunool goboladaasi. “Tobanka casho ee soo socota ee 07-da illaa 16-ka bisha May 2024-ka waxaa aad u sareeya suurta-galnimada in ay…

Read More