Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Maamulka Tigrey ee ka arrimiya waqooyiga dalka Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dagaalka sukeeye ee ka socda dalka Sudan , kaa oo u dhaxeeya ciidanka milatariga iyo ciidanka kale ee gurmadka deg dega ee RSF. Taliska ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga Sudan ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigrey in ay qeyb ka yihiin dagaalka ayna garab siinayaan ciidanka milatariga, waxa ayna RSF sheegeen in ay hayaan caddeymo muujinaya in TPLF qeyb ka yihiin dagaalka. War kasoo baxay maamulka Tigrey ayaana lagu beeniyay eedeynta uga timid ciidamada RSF, waxa ayna sheegeen ciidamada daacada u ah TPLF…
Ilaa markii ay UK ku dhawaaqday in ay muhaajiriinta geyneyso Rwanda waxaa bilwoday dad hore dalka u joogay oo sugayay in codsigooda la aqbalo ay ka baxaan iyagoo aaday wamada kale ay filayaan in laga aqbalayo. Ireland ayaa ka mid ah dalalka ay galeen muhaajiriinta ka baxay UK oo ka baqayay in la geeyo Rwanda. Cali ma ahan magaciisa saxd ah. Waa wiil Soomaali ah oo UK u yimid inuu ka helo magangalyo. Waxaa uu ka mid ahaa muhaajriinta la dajiyay guryaha ay dowladda u qorsheysay. Wuxuu BBC uga warramay xaaladiisa markii uu ku sugnaa UK. “UK ayaan labo sano…
Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka jawaabay eedeyn looga jeediyey baraha bulshada ayaa isagoo careysan shir jaraa’id ku qabtay goobtii lagu aasay Dhamme Sayid-cali Cabdi oo ahaa sarkaal ka tirsan militeriga, isla markaana dhowaan lagu dilay Muqdisho, kadib is rasaaseyn ka dhacday gurigiisa oo Boondheere ku yaallay. Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay in cod sir ah uu ka duubay in dibadda jira oo soo wacay, kaas oo kula dooday sababta uu uga aamusan yahay dilka Sayid-cali, isagoo sheegay inuu ugu jawaabay “Waryaa waa nagala dhima jiraye orod buuqa igala tag.” Xaadoole ayaa sheegay in hadalkaas in laga duubaayo uusan ku tala gelin,…
Taliska ciidanka Booliska Somaliland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dil argagax leh oo xalay ka dhacay degmada Maxamed Mooge oo ka tirsan Caasimada maamulkaasi ee magaalada Hargeysa. Dilka ayaa waxaa loo gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Aadan Cabdullahi oo 18 sano jir ahaa, sida uu shaaciyay taliska Booliska Somaliland. Booliska oo tallaabo deg-deg ah qaaday, kadib dhacdadaasi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo haysto falkaas oo lagu magacaabo Jimcaale Maxamed Maxamuud oo isna 17 sano jir ah, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Booliska. Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha…
Ciidamada Nabad-sugidda maamulka Koonfur Galbeed oo maalmahan dambe howlgallo culus ka waday magaaalada Baydhabo iyo duleedkeeda ayaa gacanta kusoo dhigay Al-Shabaab-kii ugu badnaa oo soo galay gacantooda. Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan oo u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu soo qabtay 12 ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Xubnaha lasoo qabtay ayaa isugu jiro koox ka tirsan Jabhadda iyo kuwa kale oo qaabilsanaa uruurinta lacaga Zakawaatka, sida lagu sheegay qoraalka. Koonfur Galbeed ayaa baahisay sawirrada 12 xubnood ee soo galay gacanteeda, waxayna isugu jiraan odayaal iyo dhalinyaro, kuwaas oo dhammaantood lagu soo qabtay howlgalka. Hoos ka akhriso…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab maanta ka kacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo ay kuu guuleysteen inay damiyaan ciidanka dab-damiska Somaliland oo faah-faahiyay sida ay wax u dhaceen. Dabka ayaa ka kacay suuqa hoose ee degmada 26 June, wuxuuna ka kacay mehrad ganacsi oo ku taalla halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka Dab-damiska. “Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Dab ka kacay meherad ku taala suuqa hoose ee degmada 26 june oo lagu magacaabo ZamZam Solar Tech” ayaa lagu yiri qoraalka. Ciidamada Dab-damiska oo qaaday howlgal deg-deg ah ayaa isla markiiba damiyay dabkaas, kahor…
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa maanta dalab culus u gudbisay Qaramada Midoobay, kaas oo ay ku dalbatay joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM). Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaalia u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay haatan horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka. Sidoo kale waxa ay wasaaraddu sheegtay inay…
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ka duceeyay Marti soon Maanta loogu sameeyay Magaaladda Buulo-Burte. https://youtu.be/_XDn77Fejlw?si=WnOorM4sQv9yTqd4
Nabadoonka beesha Galadi Hassan Yacquub “Haddii Aad Adigu Geeri diyaar u tahay anaguna diyaar ayaan unahay” https://youtu.be/kwlCbOw9irY?si=XyMdT1njpa7tvhGK
Waa leyga been abuurtay Sawirkii shalay ku baahay baraha Bulshada”Nabdoon Cilmi Gudoomiye” Hoos ka daawo Muuqaalka Nabadoon Cilmi Gudoomiye https://youtu.be/ZlIZ21dmYWQ?si=HW78OSDLOdA3N4Ug