Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Gudoomiyaha Gobolka Hiraan ee mamulka hiraan state mudane cabdirashiid cabdicasiis cilmi ilkace ayaa xaruunta mamulka gobolka kulan kula qaatay odiyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beelweynta Yabar Madaxweyne Ee Magaalada Baladweyne kuwaas oo si buuxda u tageray nidaamka dowlada hiiraan state ee uu hogamiyo madaxweyne cabdiqadir xuseen coloow. https://youtu.be/-AqM-JHMhpk?si=I_dPIWb5vSNoY7dr Guddoomiyaha gobolks Hiiraan mudane Cabdirashiid Cabdicasiis Cilmi ayaa uga mahadceliyay Odayaasha dhaqanka doorka aay ka qaateen Nabadda Midnimada iyo Horumarka Gobolka Hiiraan waxuuna ugu baaqay in aay dadaalkooda laba jibaaraan. Gudooomiye Ilkacase tan iyo markii xilka loo magacaabay waxuu dar-dar galshay howlaha maamulka Nabadda iyo is dhaxgalka bulshada, waxuuna si dhow ula shaqeeyaa…
Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta gobolka Mudug ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Siidoow Cali Ibraahim (Anas) oo sheegay in mar soo noqday guddoomiyaha deegaanka Jowle ee gobolka Mudug ayaa xiriir lasoo sameeyay iskuna soo dhiibay ciidanka huwanta ah ee jooga degmada Xarardheere. Ninkan oo hadda kamid ahaa saraakiisha hoggaamineysay ciidanka Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Baraag Cali-gaduud ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu kasoo baxo Al Shabaab, kaddib dhibaatooyin uu sheegay uu la kulmay . Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan…
Shirkaasi waxaa ka qey galay guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle Taliyaha qeybta booliska gobolka Kor. Isaaq Cali Cabdulle iyo xubno kale oo maamulka kamid ah. Sidii loogu gurman lahaa qoysaska fatahaadda Wabiga sameynta ku yeelatay qiimeynta fatahaad hor leh oo laga cabsi qabo iyo arrimaha amniga ayaa shirkaasi lagu falanqeeyay. Guddoomiyaha gobolka ayaa warbixin ka dhageestay xubno maamulka kamid ah oo loo xilsaaray la socoshada qatarta Fatahaadda sida looga hortagi karo iyo haddii aay timaado qorshaha qoysaska barakaco gurmad lagu gaarsiin karo.
Wafdiga Wabarka Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khalif kusoo dhaweeyay Dhaqan iyo Waxgard kala duwan, Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Mudane Cabdi Xuuf, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Co, Isaaq Cali Cabdulle iyo Masuliyiin kale. Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, ayaa Magaalada baladweyne u tagay kaqeybgalka munaasabada Caleymsaarka ugaas Yuusuf ugaas Xasan ugaas Rooble, waxaan wafdiga sido kale qeyb ka ahaay Xildhibaan Cabdiwaaxid Wadadyare oo katirsan baarlamaanka Hirshabelle.
SAWIRO-Beelweynta Cabdalle Samatalis Ayaa Manta Martiqaad Heerkiisu Sareeyo U Sameysay Ugaaska Guud Ee Xawaadle Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Malmahaan Ku Sugan Degmada Buuloburte Ee Gobolka Hiiraan.
Dowlada Hirshabelle oo deeq gargaar ah gaarsiiyey ilaa kun Qoys oo ka soo barakacay Tuulada Iji Xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Wasiirka Maaliyada D/G/Hirshabelle Cabdiraxiin Ciise Cadow Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Maxamuud Maxamed Nuur iyo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Sh/dhexe Muuse Shitaawe ayaa Deeq raashiin ah u qeybiyay Qoysaskii ka soo barakacay dagaal Beeleedyo ka dhacay Tuulada Iji ee Gobolka Shabellaha Dhexe isla markaana ku sugan Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Deeqdaan raashiinka ah ayaa waxaa ka faaideystay kun Qoys oo kamid ah danyartii kaso barakacay Tuulada IJi
Tallaabada ayaa lagu macneeyay inay ka dambeyso sababo la xiriira walaaca Washington ee duullaanka ay Israa’iil qorsheyneyso in ay ku qaaddo magaalada Rafax ee Marinka Gaza. Mareykanka ayaa marar badan si cad u sheegay in uusan taageersaneyn weerarka ay rabto in ay si toos ah ugu qaado Rafax, oo ah magaalada ay hadda ku nool yihiin boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo intooda badan horay uga soo cararay deegaannada kale ee Gaza ee ay Israa’iil burburisay, kuna dishay in ka badan 34 kun oo rayid ah. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka oo codsaday inaanan la magac-dhabin ayaa sheegay…
Daafaca kooxda Bayern Munich ee Matthijs de Ligt ayaa sheegay wixii uu Garsoorihii dhex-dhexaadinayay. Kulankii Bayern Munich Iyo Real Madrid ayaa dhaliyay muran badan kadib khaladaad dhinaca garsooraha Iyo VAR-ta. “Ma doonayo in aan sheego in Real Madrid ay mar walba Caawin ka helaan Garsooorayaasha laakiin maanta Garsoorayaasha ayaa sameeyay farqiga”ayuu Yidhi de Ligt. “Garsooruhu axa uu ii sheegay ‘Waan ka xumahay khalad ayaan sameeyay”ayuu ii raaciyay. Waxaas waa ceeb”ayuu hadalkiisa ku oo xidhay.
Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh oo waali ah ka gaadhay Bayern Munich iyaga oo iska xaadiriyay final-ka champions League. Kulanka ayaa ku bilowday si dagan iyada oo koox walba dhinaceeda isku ilaalinayso isla markaas ayna ku deg-degayn weerarka. Labada kooxood ayaa helay fursado waxana ay koox walba doonaysay in ay ku hor marto goolka 1-aad ee ciyaarta. Labada kooxood ayaa ku kala nastay bar-baro 0/0 ah qaybta hore ee ciyaarta inkasta oo ay sameyeen fursado fiican. Qaybta dambe ayay Bayern Munich si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal. Daqiiqadii 68-aad ayay Bayern…
Horyaalka La Liga ayaa haatanba lagu kala baxay iyada oo Real Madrid ku guulaystay horyaalka La Liga. Waxa jira xiddigo badan oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga. Waxa la soo saaray shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka horyaalka La Liga iyada oo la qiimeeyay qaab ciyaareedka kooxaha. Kooxda Real Madrid ee ku guulaystay horyaalka ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig. Waxa ku xigta kooxda Girona oo shaxda ku leh 3 xiddig kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen. Kooxaha Atletico Madrid, Real Sociedad iyo Betis ayaa…