Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ee gobolka Banaadir ayaa xalay soo xiray Hanad C/raxmaan Maxamed oo loo yaqaano (Waa Gariiray), kaas oo kamid ah dhalinyarada isticmaala baraha bulshada. Qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Hanad Waa Gariiray ay soo xireen ciidanka, iyaga oo gudanayo waajibaadkooda ilaalinta sharciga. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhiga Boliiska Hodan oo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray Hanad C/raxmaan Maxamed(Waa Gariiray)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska. Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu baraha bulshada ku faafin jiray muuqaallo anshax darro…
Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa xalay ka qabsoomtay munaasabad heer sare ah oo lagu maamusay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ku guuleystay Billadda Qalinka ah ee tartanka orodka 5000 mitir ee ciyaaraha guud ee Qaramada Afrika. Madaxweynaha Xasan Sheekh oo dhiiri-galinaya Orodyahan Cabdullaahi Jaamac ayaa sidoo kale ku maamuusay Billadda ugu sarreysa ciyaaraha dalka oo uu ku mutay guusha taariikhiga ah ee uu usoo hooyay dalkiisa. Madaxweynaha ayaa uu ku ammaanay Orodyahanka sida kartida, wadaniyadda iyo kalsoonida leh ee uu fagaarayaasha caalamiga ah ugu matalay dalkiisa, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay. “Cabdullaahi Jaamac waxa uu ka mid…
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho naadir ah ku tegay dalka ay deriska yihiin ee Ciraaq, ayada oo biyaha, shidaalka iyo amniga gobolka ay yihiin ajendayaasha ugu weyn. Erdogan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey 21 madaafiic salaan ah oo laga riday garoonka diyaaradaha caalamiga ee Baghdad, halkaasi oo uu ku qaabilay ra’iisul wasaare Mohamed Shia al-Sudani. Hoggaamiyaha Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa inuu magaalada Baghdad kulamo kula yeesho Sudani iyo madaxweyne Abdel Latif Rashid, kahor inta aanu booqan saraakiisha Arbil, oo ah caasimadda gobolka is-maamulka woqooyi ee Kurdistan. “Ciraaq iyo Turkey waxay wadaagaan taariikh waxayna leeyihiin isu ekaansho,…
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa lasoo gaabiyay howl-galka shaqo ee ay u joogtay Soomaaliya. Sida uu shaaciyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Lainga ayaa gaba-gabeynaysa hawsheeda bisha May ee sanadkaan, taasi oo loo magacaabay bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka. Marwo Catriona Laing ayaa sidoo kale soo saartay farriin kooban oo sagootis ah, taasi oo ay ku sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabto in Soomaaliya ay guuleysan doonto, islamarkaana ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya. “Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,…
Muranada dhulalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay noqdeen kuwo aan la kala reebi karin marwalba oo uu xafiiska joogo madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya. Dhulka xaafada dab-demiska oo ah dhul ay lahaan jirtay waaxdii dab-demiska ayaa noqday dhulkii ugu dambeeyay ee murankiisa uu banaanka yimaado, laakiin dhulkani ma ahan midkii koowaad ee dooddiisa iyo hadal-hayntiisu ay banaanka timaado tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib ugu soo laabtay xafiiska 15-kii May 2022. Waxaa intii lagu jiray muddo xileedka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh lagu kala baxay dhulkii Bangaariyadda, midkii Bangala, midkii Howlaha Guud iyo qeyb kamid ah dhul…
Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caasimada u yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac ku yimid. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku casuumay shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu dhaco 20-kii bishaan, balse uu arrimo farsamo u baaqday, sida ay sheegtay Villa Somalia. Shirkan ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halka uu ka maquurtay sida muuqata hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo waayahan lasoo warinayay inay kala furteen madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxda dowlad-goboleedyada saddexda ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay wasiirka…
Mid ka mid ah Beelaha Xawaadle oo kulan aaya ka tashi ah ku yeeshay Gobalka Hiiraan. https://youtu.be/ZL-iEo7d0Xk?si=VSLZV-Yfd8Oy47HV
Beledweyne(Radiohalgan.com)- Madaxweynaha Hiiraan State Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow uu Waheliye Maamul qeybahiisa kala duwan sida Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan State ayaa Maanta lacag Faro badan ku warajiyay odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan. Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa ka Codsaday Lacaag diyo ah oo loo haystay hase ahaate Waxa ka bixiyay Madaxweyne Coloow. Sida Xogta ku heshay Radio halgan odayaasha ayaa taageero Buuxdo u muujiyaay Maamulka Madaxweyne Coloow. Waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulan kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira ayaa uga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka, iyaga oo garab ka helaya taageerayaasha caalamiga ah. Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada QM ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu cirbtirayo kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah xasilloonida dalka, tan Gobolka iyo guud ahaan caalamka. Wasiirka ayaa…
Wasiir kuxigeenka Ahna kusimaha Wasiir Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa baaq udiray heeyada Faaw Wabiga Shabelle ayeey kajirtaa Xaalad Cakiran waxaana laga cabsi qabaa inuu sameeyo Fatahaad Xoogan. https://youtu.be/gEzX4iCdeNE?si=tdgd3n4EDldv0FEn