Author: radiohalgan.com

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Hiiraan. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaana adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in dalka oo dhan laga sifeeyo cadawga Khawaarijta ah. Dhankooda, Xildhibaanada BF, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada oo Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku…

Read More

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirka maalgashiga qurbe-joogta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, gaar ahaan waaxda Jaaliyaddaha Qurbe-joogta. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galay madax ka kala socotay Haya’addaha dowladda, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyay madasha  ayaa sheegay in qurbe-joogtu kaalin xooggan ka geysteen maalgashiga dalka, koboca nolosha bulshada iyo difaaca dalkaba. Sidoo kale wasiirka ayaa is barbar-dhig ku sameeyay qurbe-joogta iyo dadka gudaha ku sugan, gaar ahaan kaalintood ku aadan wax qabadka iyo dowladnimada.…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta wareegto soo saaray ayaa sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis isla socoda. Muuse Biixi ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland, Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan, isaga oo xilkaas u magacaabay Gaashaanle Sare Cabdi Cali Xayd Raage. Wareegtada ayaa u qornayd sidatan:- Wareegto Madaxweyne 11.05.2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida, kuna magacaabay Gudoomiye cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan; Guddoomiyihii Maxkmadda Sare…

Read More

Brazil ayaa ku dhawaaqday safkeeda Copa America xagaagan, iyadoo wadar ahaan lix ka mid ah lagu daray La Liga. Marka laga reebo shan kaliya, dhammaan 23-ka ciyaaryahan ee Dorival Junior waxay ka yimaadeen La Liga, Premier League iyo Serie A ee Brazil. Kooxda Real Madrid ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyadoo Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes ay hogaaminayaan xulka Qaranka Brazil. Xiddiga Barcelona Vitor Roque ayaa saftay kulankiisii ugu horeysay sanadkii hore, laakiin waa laga saaray. Saaxiibkii Raphinha ayaa lagu soo daray, ka dib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee qeybtii labaad ee xilli ciyaareedka. Koobkan oo ka dhacaya dalka…

Read More

Real Madrid ayaa Kylian Mbappe ka dhigi doonta xiddiga ugu mushaharka badan marka uu kooxda ku soo biiro bisha dambe. Kabtanka France ayaa talaabo u qaaday Los Blancos ka dib markii uu xaqiijiyay inuu doonayo inuu ka tago Paris Saint-Germain marka uu qandaraaskiisu dhaco. Mabappe ayaa go’ansaday in uuna heshiis cusub u saxiixiin PSG sidaas darteed waxa uu kooxda uga tagi Doonaa qaab xor ah isaga Oo ku biiraya Real Madrid. Wali ma jirto xaqiijin dhabar ah oo la Xaqiijiyay in uu ku biirayo kooxda Real Madrid. Laakiin wargayska RMC Sport ayaa Sheegaya in ay Real Madrid wadahadalo kula jirto…

Read More

Kieran Tierney ayaa aaminsan in uu horay u ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Arsenal isaga oo isku diyaarinaya in uu ka tago kooxda Arsenal xagaagan. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Scotland ayaa doortay inuu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiro La Real bilowgii xilli ciyaareedka 2023/24 iyadoo fursadaha kooxdiisii hore Aad u yarayd. Sawirku isma bedelin Tierney waqtigii uu ku sugnaa San Sebastian iyadoo Gunners ay u dagaalamaysay horyaalka Premier League. Sociedad ayaan si toos ah ula wareegi doonin xiddiga taas Oo shaki ku abuurtay Mustaqbalkiisa. Tierney ayaa Ka Hadlay Mustaqbalkiisa kooxda Arsenal isaga Oo sheegay in uu isaga…

Read More