Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saaray warsaxaafadeed laguna faafiyey Bogga Facebooka ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo bartiisa gaarka ah ayuu baaq ugu diray madaxda dowlad gobaleedyada dalka, isaga oo uga digay in aysan siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dowlad gobaleedyada uga digay afar qodob in aysan siyaasadeyn kuwaas oo kala ah;  midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha labada jeer loo doortay xafiiska ugu sarreeya ee dalka ayaa warsaxaafadeedka uu soo saaray ku sheegay in uu ku guuleystay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika. Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumaddiisa dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda…

Read More

Saddex nin ayaa loo xiray dhimashada shan muhjairiin tahriibayaal ah oo Talaadadii ku dhintay Kannaalka Ingriiska, sida ay sheegtay hay’adda dambiyada qaranka ee UK ee NCA. Raggan ayaa la sheegay in lagu eedeeyay in ay fududeyeen soo galootiga sharci darrada ah iyo in ay si sharci darro ah ku galeen dalka Ingiriiska. Shan qof oo ay ku jirto gabar toddobo sano jir ah ayaa ku dhintay shil ay ku galeen doonida oo ka gudubyeysay Kannaalka. Doontan ayaa waxaa la socday 112 ruux, xilliga uu shilkaas dhacayay. Booliska ayaa u aqoonsaday laba nin oo u dhashay dalka Sudan , da’dooduna tahay…

Read More

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb. Catriona Laing. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka dhageystay warbixin ku aadan howlaha UN-ka ee deegaanada Dowladda Hirshabeelle. Waxa kale oo ay sheegtay inay u diyaar-garoobeen cabsida Elnino ee ku aadan xilliga roobka Gu-ga oo iminka ka curtay degmooyinka Dowladda Hirshabeelle. “Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hay’addaha Qaramada Midoobe, waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir uga wada shaqeyno howlaha hor-tebinta inoo leh.” Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Amb. Catriona Laing oo dhawaan dalka ka tagi doonto.

Read More

(Beledweyne)Radiohalgan.com- Gudoomiye kuxigeenkii hore Arrimaha Bulshada Degmada jalalqasi ee Gobolka Hiiraan   Abuukar Maxamed Cali Gaabow ayaa si buuxada cudur daar iyo raaligalin u siiyay Gudoomiyahii hore Gobolka Hiiraan Cabdulaahi  85ks Maalin Sufurow, kadib markii u qeyb ka ahaay Abuukar Gaabow dadkii u ka shaqey wayay Gudoomiye Sufurow, Abuukar Maxamed Cali Gaabow oo bartiisa Facebook qoraal kooban soo dhigay ayaa cafis iyo Raaligalin siiyay Gudoomiye Sufurow asigoo telefoonka ka wacay una cudur daaray kana  codsay inu cafiya madaama u qeyb ka ahaay dadkii  lugaha ku dhagay Markii xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan haayay. Mudane Gaabow ayaa Gancastada iyo Qurba-joog ka codsay inay…

Read More

Dowladda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaadday in ay dalkeeda u furtay Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u aada dalkaas, kuwaas oo u sahashay in warqadda dalka ku galka ee loo yaqaan Fiisaha ay ka dalban karaan safaaradda Muqdisho. Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda dowladda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay, “Hadda waxaa suurtogal ah in si toos ah safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho looga codsado fiisaha gelitaanka koorsooyinka tacliinta sare ee sanad dugsiyeedka 2024/2025.” Warkaan ka soo baxay Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu baahiyey barta Twitter-ka ee hadda loo yaqaan X, waxaana lagu xusay in fursaddaan oo kaliya ay u furan tahay…

Read More

Duqa Magaalada Beledweyne Mudane Abdullahi Salaad ayaa yiri kuur galo xaalada magaalada waxa Ka iibsaday Hal Marduuf oo qaad ah Shacabka dowladnimada aad u doonaayo Duqa Magaalada Beledweyne ayaa yiri Maanta wax,aan socod dheer ku dhex maray Magaalada Beledweyne qeeybo kamida si aan ugu kuur galo xaalada magaalada waxaana si wanaagsan isku wareeysanay dadka shacabka ah ee aan isku arkeeynay socodka dheer Waxaan soo arkay shacab dowladnimada aad u doonaayo oo diyaar u ah ineey dalkooda hagaajiyaan waxaana balan qaadayaa haduu allaah idmo inaan dowladnimada aay doonayaan aan kala shaqeeyo inshaa allaah Abdullahi Salaad Duqa Magaalada Beledweyne

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalaada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xariga ka jaray xarunta howlgalka deg deg ah ee Caafimaadka dadweynaha. Xarunta oo laga hirgeliyay degmada Xamar weyne ayaa ah mid la socon doonta dhaq dhaqaaqyada xaaladaha Caafimaad ee ka jira gobolka banaadir iyo ururinta xogaha. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalaada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada Caafimaad iyo badqabka bulshada. “Waxaan rajeynaya in agaasinka Caafimaadka uu xooga saari doono arrimaha Faya_dhowrka si loo ilaaliyo badqabka Bulshada, waxaa la ogaaday dad badan oo qaba…

Read More