What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Samafalle Abdiaziz Muudey oo maanta ka hadlay duubka ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ugaas Rooble oo ka dhacay Magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan https://youtu.be/T4UMO3e2VjU?si=L80O4BZ0HwwdNU2o
Dhageyso:- Rugcada hore Cilmi Faarax Nuur Webi, oo xilal hore uga soo qabtay dawladihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Duubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan https://youtu.be/_hALwiqNJyU?si=BuVOrBpcn6Qh79gT
Gudoomiyaha Degmada Halgan iyo shacabkii ka qeeyb galay Caana-shubka Ugaaska ayaa u Hambalyey Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan https://youtu.be/Pamm0_QBeKw?si=oxwD1qRIeyAAQtvW
Wafdi uu Hogaaminayo Ugaas Yuusuf oo Goordhow soo Gaaray Magaalada Baladweyne. https://youtu.be/9PBZcuYiDno?si=cNv4EPKU18nXcYMc
Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa laba jeer ku laabtay gobolka Hiiraan, tan iyo markii loo magacaabay hoggaanka cusub ee hay’adda NISA. Sababta ugu weyn ee safaradiisa ayaa lagu sheegay mid uu ku raadinayo inuu reerkiisa ku qanciyo inay dib u bilaaban gulufkii ka dhanka ahaa argagixisada. Reer Hiiraan, gaar ahaan beesha uu ka dhashay Taliye Sanbaloolshe ayaa haysta diiwan ammaan mudan marka laga hadlayo sida ay ula dirireen argagixisada, ugana saareen inta badan deegaanadooda. Tan iyo markii uu dagaalka dhaafay waxaa batay jabka iyo ciidamada kasoo baxaya furimaha. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh…
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Lafta-gareen iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dibu-heshiisiinta XFS Cali Cali Xoosh iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka iyo qeybaha kala duwan bulshada. Socdaalka Lafta-gareen ayaa wuxuu u daaran yahay ka qeyb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho ee…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu hambalyo ugu diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta lagu caano shubay deegaanka Dahara Ugaas ee hoos-taga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Ugaaska in uu u fududeeyo masuuliyadda-dhaqan ee loo duubay, waxa uuna tilmaamay mudnaanta ay siinayso dowladdu arrimaha dhaqanka, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kula dardaarmayaa Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan in uu sii ambaqaado kaalinta soo jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay Ugaaska,…
As salaamu caleykum wrwb. Waxaan tahniyad & bogaadin u dirayaayaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hiiraan & beesha Xawaadle munaasabadda duubista & caleemo saarka Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta ka dhacday deegaanka Daharo Ugaas ee gobolka Hiiraan. https://twitter.com/AbdulnuurSheikh/status/1789905611821342946?t=W3WoukBA1il6iDDFZmFsYw&s=19
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa dhambaal hambalyo iyo duco ah u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo noqday Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle. Dahara Ugaas oo hoostagta degmada Halgan ayaa maanta lagu caano-shubbay Ugaas Yuusuf iyadoo xariirta loogu xiray deegaanka Ceeldheere. Duubka Ugaas Yuusuf waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Hirshabeelle. “Maanta dhacdo dhaqan oo weyn ayaa ka dhacday degmada Halgan. Ugu horreyn hambalyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, Alle waxaa ka rajeynayaa inuu kula garab-galo hoggaanka dhaqan ee maanta laguu idmaday.” Ugu dambeyn Madadweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen…
Guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow ayaa maanta dalka Japan uga qeyb galay
Guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow ayaa maanta dalka Japan uga qeyb galay Tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan Horumarinta Maamulka Dowladaha Hoose ee Dib-u-dhiska dalka. Tababarkaasi oo socon doono muddo labo isbuuc ah waxaa loo qabtay qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Maamul Goboledyada iyo Gobolka Banaadir guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa shirkaasi dhanka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan ku matalaya. Mudada uu socdo aqoon kororsigu waxaan lagu baran doonaa cahiro ku saabsan Horumarinta Dowladaha Hoose, Dhismaha bulshada oo ku salaysan wada shaqaynta dawladda iyo bulshada, sidoo kale guddoomiyaha degmada Beledweyne Cumar Calasoow iyo madaxda la socota ayaa booqan…