Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
29 Juun 2025 waxay noqotay maalin qaran oo taariikhi ah u ah shacabka iyo maamulka Hirshabelle. Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa saaka si rasmi ah u gaarsiiyey Hirshabelle barwaaqo la sugayey muddo dheer,mashruucyo horumarineed oo muhiim ah. Degmada Warshiiq waxaa laga hirgelinayaa Xarunta Hagidda Dayax-Gacmeedka Geeska Afrika, taasoo noqon doonta tiir cilmiyeed iyo tiknoolojiyadeed u adeegta dalka iyo gobolka oo dhan. Sidoo kale, waxaa la bilaabay dhismaha Dekad Caalami ah iyo Garoon Diyaaradeed oo Heer Caalami ah, kuwaasoo fure u noqon doona ganacsiga, isgaarsiinta iyo horumarka guud ee Hirshabelle. Mashruucyadan waa guul weyn oo uu…
Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan Isra’iil ayaa wajahaysa culays dhaqaale oo weyn kadib dagaalkii 12-ka maalmood socday ee ay la gashay Iran. Warbixinno la helay ayaa muujinaya in Isra’iil maalintii ku bixinaysay dagaalka ilaa $593 milyan, taasoo kharashka guud ee dagaalka ka dhigaysa ku dhowaad $20 bilyan. Kharashaadkaasi badan waxay si weyn u saameeyeen miisaaniyadda dalka, iyadoo laga cabsi qabo in adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta bulshada loo leexiyo si loo daboolo baahida ciidamada. Dowladda ayaa sidoo kale laga yaabaa inay kordhiso cashuuraha ama deymo cusub qaadato si ay u daboosho khasaaraha.…
Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu maanta socdaal rasmi ah ku tago dalka Qatar, kadib markii uu ka helay madaxda dalkaas. Inkasta oo aan weli si rasmi ah looga hadal ujeeddada safarka, hadana ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo wafdi oo uu hoggaaminayo ay maanta u ambabixi doonaan caasimadda Qatar ee Doha. Safarkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiimad gaar ah u leh xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Qatar. Sida la sheegay, Wafdiga Cirro ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee dowladda Qatar, kuwaas oo diiradda lagu saari doono…
Taliyaha Ciidamada Lugta Uganda, Jeneraal Kayanja Muhanga iyo Saraakiil uu hoggaaminayo oo safar ku yimid Soomaaliya ayaa qiimeyn u tagey deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose. Taliyaha ayaa la kulmay Saraakiisha ciidanka Uganda ee hoos yimaada howlgalka AUSSOM, isaga oo kala hadlay dagaalka AS iyo guulaha ay ka gaareen la wareegida deegaanka Sabiib iyo Caanoole. Ciidamada Uganda ayaa toddobo askari uga geeriyootay dagaal xooggan oo ka dhacay bannaanka deegaanka Sabiib iyo Caanoole, iyaga oo ka barbar dagaalamay Militeriga Soomaaliya. Taliye Kayanja Muhanga ayaa ku amaanay ciidamada sida geesinimada leh ee ay uga qeyb qaateen dagaalka AS, isagoo xusay…
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo gudaha magaalada. Dagaalka ayaa salka ku haya muran la xiriira dhismaha saldhig Boolis oo laga wado magaalada, kaas oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan ka taagnaa. Maleeshiyaad ka soo horjeeda dhismaha saldhigga iyo ciidamada amniga oo taageero ka helaya dad kale oo u ololeyneysa dhismaha saldhigga ayaa haatan ku dagaalamaya gudaha magaalada. Khasaaraha dagaalka ayaa weli aan si rasmi ah loo xaqiijin karin, hase yeeshee wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ay jiraan khasaare nafeed iyo mid hantiyeed. Xaaladda magaalada ayaa aad…
Dowladda Qadar ayaa casuumaad u fidisay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyaga oo leh kulamo looga hadlayo iskaashiga labada dal iyo amniga badda cas. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu sheegay in kulamada looga hadli doono danaha labada dal, xaaladda gobolka iyo amniga Badda cas. “Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa muhiimadaha istaraatiijiga ah ee la wadaago, oo ay ku jiraan amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, dadaallada nabad-dhisidda gobolka ee Geeska Afrika, iskaashiga dhaqaalaha iyo kaabayaasha, iyo iskaashiga qoto dheer ee maalgashiga, tamarta, waxbarashada, iyo horumar waara” ayaa lagu yir War-saxaafadeedka. Falanqeeysha Siyaasadda tilmaamaya in…
Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay ay ku qaadeen saddex xarumood oo nukliyeer ah oo Iran leedahay. 1. Kaabeyaasha muhiimka ah ee tamarta nukliyeerka: Xarumihii la beegsaday ma aysan gaarin burbur weyn; waxyeellada jirta waxay u muuqataa mid aad u yar ama aan waxba ka beddelin awoodda Iran ee dhinaca nukliyeerka. 2. Horumarinta hubka nukliyeerka: Shaqada lagu kobcinayo qalabka nukliyeerka – taas oo hadda si cad loogu tilmaami karo diyaarinta hub nukliyeer ah – weli shaqadeedu si caadi ah ayay u socotaa. 3. Taageerada dibadda: Waddamo badan ayaa diyaar u…
mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan Qasaarajase Lama oga Mareykanka waxaa uu waaberigii saakay u adeegsaday Duqeynta Xaruumaha iiran Gantaalaha ay qaadaan Diyaaradaha B2 ee looyaqaan GBU-57A kuwaa oo la aaminsan yahay inay Dhulka Hoos tiisa wax ka dilaaan Howlgalkaan waaxaa la qorsheeyay Habeenadii Jimcada iyo Khamiista waxaana dib loogu dhigay adeegsiga Gantaalo aan weli la arag oo Iiraan ay ku garaacday Isr…l Mareykanka Qorshaha xiga ee Iiraan waaa khaarajinta Hogaamiye Ayatollah Khumeyni Ilaaa iyo Hada Trump iyo N#tenyahu arinta ay iska indhotirayaan waa Jawaabta Iiraan ka Imaan doonta Falanqeyaasha ayaana aaminsan In Trump iyo N#tenyahu ay rumeysanyihiin hadii Ayaatillahi…
Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay talaabooyin deg deg ah. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan maanta ku dhawaaqay in warshadaha gaashaandhigga dalkiisa ay noqon doonaan kuwo si buuxda iskood u madax-bannaan, isagoo xusay in Turkigu uu isagu soo saari doono diyaaradaha dagaalka, taangiyada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo markabyo dagaal (frigates), xilli ay Israel iyo Iran isdhaafsanayeen weerarro maalintii lixaad ah. “Waxaan sare u qaadnay heerka wax-soo-saarka gudaha iyo kan qaran ee difaaca oo markii hore ahaa 20%, iminkana gaarsiinnay 80%,” ayuu yiri Erdogan isaga oo khudbad ka jeedinayey kulanka kooxda xisbiga AKP ee baarlamaanka. …
DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub: Wakaaladaha wararka ee Iran ayaa goordhow baahiyay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (الحرس الثوري الإيراني), taasoo si cad u muujineysa in mowjad cusub oo gantaallo ah ay ku rideen Israa’iil, iyadoo la adeegsanayo hub culus iyo qorshe dagaal oo sii socon doona. “Waxaan isticmaalnay gantaallada waaweyn ee Sijjil, kuwaas oo ah gantaallo fogaan-dheer, waxaana u adeegsannay mowjaddii 12-aad ee weerarada ka dhanka ah Israa’iil.” “Waxaan burburinnay nidaamyadii difaaca cirka ee Israa’iil, waxaana hadda furan hawada dhulka Falastiin ee la haysto, taasoo…
		