What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Nin u dhashay dalka Kenya oo lagu waday in lagu fuliyo qisaas dil ah dalka Sacuudiga Isniintii , ayaa daqiiqadihii ugu dambeyay dib loo dhigay, kadib olole ballaaran oo uu laga sameeyay baraha bulshada. Stephen Munyakho, oo ah wiil uu dhalay saxafiga ruug-caddaaga ah ee Dorothy Kweyu, ayaa sannadkii 2011-kii lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii uu dagaal dhimasho sababay uu la galay nin ay wada shaqeynayeen oo ku sugnaa Sacuudiga. Sida laga soo xigtay “ololaha dib usoo celiyo Stevo”, oo ay maamulaan taageerayaasha Munyakho, labada shaqaale “waxa ay soo gaareen dhaawacyo mindi ah” laakiin kaliya Munyakho ayaa ka…
Ciidamada PMPF ee ka howlgala deegaanada Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah ee Puntland. Ciidanka ayaa soo bandhigay nin iyo qaraxyo la sheegay inay u diyaarsanaayeen iyo gaari miineysan oo la aaminsan yahay inuu u diyaariyey inuu isku qarxiyo. Cutubyada sida gaar ka ah u tababaran ee Ciidamada PMPF Puntland ayaa ninkaan ku qabtay hawlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka PMPF ee Puntland ayaa lagu sheegay in ninkaas uu damacsanaa dhagar weyn, balse ay ka hor…
Masuuliyiin sar-sare oo ka kala socota Mareykanka iyo Shiinaha ayaa qorshaynaya inay ku kulmaan dalka Switzerland, maalinimada Salaasada. Kulamadan ayaa salka ku haya si ay uga wada-hadlaan walaaca isa-soo taraya ee ku saabsan Garaadka Macmalka ah ama Artificial Intelligence, ee muddooyinkii dambe sida weyn ugu faafeysa dunida. Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in wada-hadalada ka dhacaya magaalada Geneva in aanay fursad u siin doonin in Shiinuhu uu saamayn ku yeesho siyaasadaha lagu hagayo farsamada casriga ah. Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in qodobada miiska yaalla ee laga wada-hadlayo inay ugu muhiimsan yihiin, sidii ay labada dal uga wada xaajoon lahaayeen, hababka hoos…
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la wareegay dal hal dastuur leh. 𝐋𝐚𝐛𝐨 𝐬𝐚𝐧𝐨 𝐤𝐚𝐝𝐝𝐢𝐛, dalku wuxuu leeyahay labo Dastuur. 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 waxay haysataa kii sharciga ahaa ee heshiiska lagu wada ahaa (2012). Dawladda Federaalku waxay leedahay dastuur cusub oo Madaxweynuhu saxiixay, oo lagu muransanyahay (2024). 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 iyadana keedii bay haysataa oo wada hadalladii god dheer bay kasii hoobanayaan. Madaxweyne Xasan wuxuu dalka ka abuuray qalalaase dastuur iyo khilaaf ay Soomaalidu ka soo gudubtay 2012kii. Wuxuuna dalka dib ugu celinayaa marxaladdii wada hadalladii dastuurka ee shirarkii 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞 𝟏 𝐢𝐲𝐨 𝟐. Taariikhda dalka, laga soo bilaabo 𝟏𝟗𝟔𝟎 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟒, Xasan Sheekh waa Madaxwynihii ugu horeeyey ee…
Waxaa maanta la filayaa in uu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirkan oo lagu balansanaa inuu furmo bishii hore ayaa arrimo farsamo darteed dib ugu dhacay, waxaana maanta lagu wadaa inuu ka furmo Villa Somalia. Sanad kahor, bishii May 2023 ayay ahayd markii golaha ay soo saareen war-murtiyeed ay ku heshiiyeen oo ahaa; 1- in la qabto doorasho qof iyo cod oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed, 2- in bisha June ee sanadkan 2024 ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah golaha deegaanka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, 3- dhammeystirka dastuurka iyo…
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qorsheynayso duullaankii ugu weyna ee ay ku qaado Laascaanood, si ay dib ugu soo celiso gacanteeda, xilli ay hadda ka taliso SSC-Khaatumo. Milateriga Somaliland oo ku goodiyay inuu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay gobolka Sool, ayaa sheegay in uu xataa dhaafi doono Laascaanood, taasi oo ka dhigan in xukuumadda Muuse Biixi ee muddo xileedkeedu dhamaaday ay duullaanka ku raadineyso dhibco ay doorasho ku gasho. Taliyaha Millateriga Somaliland oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu meesha ka saaray in awooddii ciidanka Somaliland ay wiiqmatay kadib markii looga adkaaday dagaalka Laascaanood, isagoo sheegay in…
Walaaca ku saabsan dambiyada rabshadaha wata ayey maskaxda ku heyn doonaan dadka reer Koonfur Afrika marka ay u dareerayaan doorashada dabayaaqada bishan, iyadoo siyaasiyiintu ay ballanqaadyo kala duwan u sameeyeen sidii wax looga qaban lahaa. Iyadoo heerarka dilku uu sarreeyo muddo 20 sano ah, BBC Africa Eye waxay jiidaha kula jirtay bulshooyinka dagaalka ku jira. “Ilaahoow, ilaahow,” qof ayaa ku qaylinaya iyada oo nin booliis ah oo la toogtay uu dhulka yaallo. Waa Diepsloot oo ah magaalo ku taalla duleedka Johannesburg ee xudunta ganacsiga Koonfur Afrika iyo habeen jimco ah. “Tani waa dhacdo joogto ah,” ayuu yiri Abel Rapelego. 41-jirkan…
Waxaan Hambalyo u Dirayaa Ugaas Yuusuf, Ugaas Xasan, Ugaas Khaliif, Ugaas Rooble, oo Noqday ugaskii 21-aad ee Beelweynta Xawaadle oo ka mid ah Beelaha Somaaliyeed oo maanta lagu caano shubay deegaanka Daharo ugaas Duleedka Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Dadka Soomaaliyeed waxa ay leeyhihiin dhaqan asal soo jireen ah, waxana dhaqanku yahay tiirka kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee isku haya bulshada Soomaaliyeed iyo Dowladnimada Waxaana Alle ugu Baryayaa in Ugaas Yuusuf uu ku ceeb Asturo Masuuliyada Dhaqan ee Maanta Loo duubay.
Waxaan u hambalyeynayaa Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, oo maanta lagu caano-shubay munaasabad ka dhacday deegaanka Daaro Ugaas ee Gobolka Hiiraan. Waxaan bogaadinayaa dhammaan waxgaradka, cuqaasha, ganacsatada, culimada, dhallinyarada iyo haweenka beesha Xawaadle kaalinta mugga leh ee naf iyo maalba loo huray ee ay ku bixiyeen dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaana u rajeynayaa in guulo hor leh ay kasoo hoyaan halganka dalka, dadka iyo diinta lagu difaacayo. Waxaan ugu duceynayaa Ugaas Yuusuf in Allaah ugu kaalmeeyo hoggaaminta beesha, kuna guuleeyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Beesha Xawaadle iyo daris wanaagga ku dhisan nabadda ee…
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo noqonaya Ugaaskii 21-aad ee beesha Xawaadle ayaa maanta lagu caano-shubay deegaanka Daharro Ugaas oo ka tirsan magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan. Ugaas Yuusuf ayaa badalaya aabbihii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Muqdisho ku geeriyeeday bishii Febraayo 2021. Haddaba maxa ay tahay sheekada ay la gaarka tahay deegaanka Daharo Ugaas? XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL Deegaanka Daharro Ugaas, ayaa u dhexeeya magaalooyinka Beledweyne iyo Buule-berde. Deegaankan ayaa taariikh ahaan ku caan baxay in lagu aaso ugaasyadii beeshaasu ay lahayd marka ay dhintaan sababtaa darted ayayna taariikh gaara ugu leedahay. XAYEYSIIN Dhanka kale, deegaankan ayaa ku…