What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, Wabarka Guud Beesha Baadacadde, ayaa Salaan ugu tagay ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khalif hoygiisa u ka deganyahay Magaalada baladweyne https://youtu.be/eenD1W3qO9s?si=uVSG1v4phvEG1Olz Waxaan Maanta Hambalya iyo Salaan ugu Tagnay Aniga iyo Wafdigii ila socday Walaalkeey Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo shalay Lagu soo Caana shubay Waxaan Leeyahay Xilka Allaha kugu Asturo .
Xiddiga kooxda chelsea ee Cole Palmer ayaa ku jira qaab ciyaareed heer sare ah isaga oo dhaliyay saddexley kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ka badisay Man United. Ma ahan markii ugu horaysay ee uu wacdaro dhigo xilli ciyaareedkan maadama uu Palmer yahay xiddiga riixaya kooxda chelsea xilli ciyaareedkan oo dhan. Xiddiga 21 jirka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo muujiyay in uu u qalmo lacagtii laga soo bixiyay. Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 sabab oo uu u yahay saxiixa ugu fiican xilli ciyaareedka. Jabinta Rikoodhada: Qaab ciyaareedka…
Manchester United ayaa ku dhawaaqday in Raphael Varane uu ka tagi doono kooxda dhamaadka xili ciyaareedkan xilli la filayo in xagaaga is badal eyn ka dhoco Old Trafford. Varane ayaa United kaga soo biiray Real Madrid xagaagii 2021, wuxuuna ka tagi doonaa Old Trafford marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka June. Mid ka mid ah daafacyada ugu fiican kubada agta ayaa ka caawiyay United inay ku guuleysato Carabao Cup xilli ciyaareedkii hore. Xiddiga ayaa la dhibaatoonaya haawacyo xilli ciyaareedkan waxana uu tartan kula jiraa wakhtiga si uu taam ugu noqdo kulanka Final-ka FA Cup-ka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Man City.…
Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa soo saaray shaxdiisa ugu fiican ee horyaalka Premier League. Waxa la galay todobaadkii ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League iyada oo xiddigo badan qaab ciyaareed cajiib ah. Halyeeyga Jamie Carragher Ayaa soo doortay xiddigaha sida fiican u ciyaaray premier League xilli ciyaareedkan. Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo shaxda ku leh 4 xiddig. Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City ayaa dhinaceeda shaxda ku leh 3 xiddig. Kooxaha Chelsea, Aston Villa, Liverpool Iyo Everton ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.
Kooxda Real Madrid ayaa si dhaw ula socota xiddiga kooxda Liverpool ee Trent Alexander Arnold ka Hor inta ayna u dhaqaaqin Saxiixiisa. Arintan ayaa imanaysa inkasta Oo ay kooxdu adeegsato xiddigaha Dani Carvajal iyo Lucas Vasquez. Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Spain, Real Madrid ayaa sii wadi doonta inay la socoto horumarka xiddiga. Qandaraaska Arnold ee Liverpool wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda. Hadii ayna kooxdu heshiis cusub ka Saxiixiisan xiddiga Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta Saxiixiisa xiddiga. Arnold ayaa muhiim ka ah Liverpool isaga Oo door weyn ka ciyaaray ku guulaysiga koobabka
Wararka ka imanaya degmada Eyl ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegaya in koox budhcad badeed ah ay halkaasi ku afduubteen doon Kalluumeysi. Sida laga soo xigtay hay’adda Maritime Executive, doontan kalluumeysi ayaa laga afduubtay meel qiyaastii 69 mayl bari ka xigta xeebta Soomaaliya ama qiyaastii 120 mayl-badeed Koonfur-bari degmada Eyl. Afduubka ayaa sida ay wararka sheegayaan waxaa geystay lix illaa toddoba budhcad badeed ah oo ku hubeysnaa qoryaha Kalashnikov. Doontan ayaa laga lahaa Iiraan sida ay ila wareedyo amni oo Puntland ah ay u xaqiijiyeen BBC. Waxaana la rumaysan yahay in qorshaha doontan budhcadda kaxaysatay ka lahayd uu yahay…
Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in uu joogsaday gargaarkii bani aadamnimo ee u gudbayay dhinaca Magaalada Gaza oo markii horay aad u yaraa marka la eego Dadka u baahan iyo sida loo kala gaarsiiyo. Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in ururrada samafalku ay ku dedaalayaan sidii ay u qaybin lahaayeen gargaarka bani aadamnimo balse culayska jira uu yahay in ay Israaiil jirtay marinnadii la marayay. Farxaan ayaa intaas ku daray in gargaarka bani aadamnimo la heli karo laakiin aanay fududeyn in la helo marinkii laga gudbin lahaa maadaama Ciidanka Israaiil ay joojiyeen in gargaarkaas loo…
Kooxaha ku badda Cagta ee Tottenham Hotspur F.C. & Manchester City ayaa caawa 10:00 PM waqtiga geeska Afrika is wajahaya iyada oo labada dhinac ay kala beegsanayaan qabashada hoggaanka horyaalka iyo raadinta Booska Horyaalka Qaaradda Yurub ee Uefa Champions League 2024/25. Tottenham ayaa qasaarisay dhibcihii muhiimka u ahaa iyada oo ay mar isugu xigsadeen guuldarooyin balse kulankoodii ugu dambeeyay todobaadkaan gacmaha ka meertay waxaana ay kahortagayaan naadiga ku diimay guuldarrada ee Manchester City ee rabta in markii 4aad oo xiriir ah koobkaan gacanta ku dhigto. Hotspur ayaa damacsan in ay ka faaiidaysato barbaraha ay xalay gashay naadiga dhibcaha kooban ka…
Hoggaamiyaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Somaliland Muuse Biixi ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharaxa xisbiga Kulmiye ee doorashada dhici doonta bisha Novermber ee sanadkaan. Biixi oo ka yara siyaasad adag xubnaha la tartamaaya ee Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa raadinaya shan sano oo cusub kadib markii uu 7-dii sano ee lasoo dhaaf dib u riixay dhamaan rejooyinkii Somaliland ee dowlad wanaaga iyo ictiraafka. Inkasta oo ay Somaliland culeys ugu filan tahay nuuca faham iyo hoggaamineed ee ragga la kala dooran doono bisha Novermber ee sanadkaan, haddana siyaasadda gacan ka hadalka iyo mintidnimada ayaa laga yaaba inay hesho taageero…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta ka dhacday agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taas oo loo gaystay gabar ardayad ahayd oo mareysay waddadaas, sida ay xaqiijiyeen ehellada. Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey ayaa waxa ay ku dhimatay rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xill ay marayeen Warshadda Caanaha. Gabadhan oo 22 sano jir ahayd ayaa goobta ku geeriyootay, waxaana baxsaday askartii ka dmabeysay falkaasi, sida ay sheegeen ehellada iyo dadka deegaanka. Nabadoon u hadlay ehellada ayaa ka warbxiyay sida ay uga dhaceen dilka gabadhooda, wuxuuna sheegay in lagu dilay meel ay Kaamirooyin ku…