Author: radiohalgan.com

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu xilligan marayo heshiiskii ay la gaareen dowladda Itoobiya. Waxa uu sheegay wasiirka in heshiiskii isfaham ay la galeen dowladda Itoobiya uu hadda marayo heer gabogabo ah, waxa uuna xusay in dhawaan uu ka soo bixi doono heshiiskaasi wax lagu farxo oo dan u ah labada dhinac. Wasiir Cali Mareyxaan ayaa sidoo kale sheegay in iskaashiga ganacsi ay la leeyihiin dalka Itoobiya iyo  adeegsiga dekedda Berbera uu kor u kacay muddooyinkii ugu dambeeyay, ayna rejo ka qabaan in uu sii kordho. Cali Mareyxaan…

Read More

Warar cusub ayaa waxay ka soo baxayaan Diyaaradii Helikobtarka ee la dhacday Madaxweynihii dalka Iiraan iyo wafdigii la socday, kuwaa oo dhammaantood ku geeriyooday shilkaasi diyaaradeed.. Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Asaasiga ee dalka Türkiye, Abdülkadir Uraloğlu oo Wareysi Khaas ah siiyey Telefishinka TRT Haber ayaa ka hadlay Shilkii Helikobtarka uu saarnaa Madaxweynihii Iiraan, Ibrahim Raisi iyo Koox Saraakiil ah. Waxa uu tilmaamay inay cillad ka jirtay Nidaamka Calaamad-bixinta Jiheynta ee lagula socdo Dhaqdhaqaaqa iyo Baadi-goobka Diyaaradaha, oo xilligii uu Shilkaasi dhacayey u muuqday mid dansanaa. “Iiraan waa dal ku jira Deegaanadeena aan mas’uulka ka nahay ee Badda ee Baadigoobka dhinaca…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shilkii diyaaradeed ee Axadii ka dhacay dalka Iran, kaa oo sababay geerida Madaxweynihii dalkaasi Ebrahim Raisi iyo masuuliyiin kale uu ku jiro wasiirkii Arrimaha Dibadda Iran. Madaxweynaha dalka Iran iyo dadkii kale ee la socday diyaarada helicobterka ah ee bur burtay ayaa la sheegay in ay gubteen , kuwaa oo qaarkood adkaatay in si fudud loo aqoonsado wajiyadooda. Madaxa Hay’adda Iiraan ugu qaabilsan maareynta musiibooyinka, Maxamed Xasan Nami ayaa sheegay in meydadka la helay intooda badan gubteen, waxa uuna xusay in hadda laga maarmay in meydadka la marsiiyo DNA lana aqoonsaday dadka geeriyooday. Waxa…

Read More

Dacwad oogaha maxkamadda Dembiyada Caalamiga (ICC) ayaa dalbaday in la soo xiro Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant iyo hoggaamiyaal katirsan kooxda Xamaas ee dagaalka kula jira Israa’iil. Go’aankan kasoo baxay maxkamadda ICC ee lagu soo xirayo Ra’isul Wasaaraha Israa’iil iyo hoggaanka Ururka Xamaas ayaa la kulmay soo dhaweyn iyo dhaleeceyn, waxaana jira hoggaamiyaal soo dhaweeyay go’aanka, halka kuwa kalana kahor yimaadeen. Dowladda Mareykanka ayaa si adag uga soo horjeesatay ammarka maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC kasoo baxy ee lagu soo xirayo Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa Gaashaandhigga. Madaweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhaleeceeyey go’aanka…

Read More

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa xaqiijiyey in madaxweyne ku xigeenka dalka Mohammad Mokhber uu noqonayo madaxweyne ku-meel gaar ah kadib markii madaxweyne Ebrahim Raisi uu ku geeriyooday shil diyaaradaha qumaatiga u kaca ah. Khamenei ayaa sidoo kale ku dhowaaqay shan maalmood oo baroor diiq ah. Iran ayaa waxa ay hadda haysataa ugu badnaan 50 maalmood oo ay tahay in lagu qabto doorasho madaxweyne si loo doorto qofkii beddeli lahaa Raisi. “Waxaan ku dhawaaqayaa shan maalmood oo baroor diiq dadweyne ah, waxaana tacsi u dirayaa shacabka qaaliga ah ee Iran,” ayuu Khamenei ku yiri hadal ay baahisay wakaaladda…

Read More

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni ayaa lagu soo waramayaa in uu Seegi Doono final champion league. Los Blancos ayaa Soo qaadatay xilli ciyaareedka Iyaga Oo ku guulaystay champions league. Waxa ay fursad u haystaan in ay wali koob kale ku guulaystaan champion league Marka ay la Ciyaari doonaan kooxda Dortmund. Sida laga soo xigtay Marca, Tchouameni ayaa luminaya tartanka uu ugu Jiro in uu taam u noqdo kulanka Final-ka Champions League. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu ku dhaawacmay kulankii semi-finalka ee 2-1 ay kaga badiyeen Bayern Munich horaantii…

Read More

Xiddiga ugu muhiimsan kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa si maldan u Xaqiijiyay in uu sii joogi doono kooxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe. Salah ayaa mar kale ahaa xiddiga ugu muhiimsan kooxda Liverpool xilli ciyaareedkii dhamaaday. Salah ayaa ku lug lahaa wax Ka Badan 20 gool tartamda oo dhan xilli ciyaareedka. Waxa uu shaki ku jiray Mustaqbalkiisa maadama is badal ka dhacayo Liverpool isla markaas uu xiiso ka helay kooxaha sucuudiga. Laakiin Salah ayaa sheegay In uu Sii Joogi doono kooxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe. Fariin uu u diray taageerayaasha Kooxdiisa ayuu ku Xaqiijiyay arintaas inkasta Oo uuna si cad…

Read More

dhamaaday xilli ciyaareedka premier League 2023/2024 waxa durba la shaaciyay wakhtiga la soo saari doona jadwalka xilli ciyaareedka dambe. Man City ayaa difaacan doonta horyaalka kadib markii ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii 4-aad o xidhiidh ah. Waxa ay kooxaha ka qayb galaya tartanka xilli ciyaareedka dambe ayaa si fiican isku diyaarin doona suuqa xagaaga. Leicster city Iyo Ipswich ayaa si Rasmi ah ugu soo dalacay premier League xilli ciyaareedka dambe. Kooxaha Southampton Iyo Leeds ayaa ku dagaalami doona booska dheeraadka ah ee 3-aad. Jadwalka Premier League xilli ciyaareedka 2024/2025 ayaa la soo saari doonaa 18 Bisha June maalin Salaasa ah.…

Read More

Tababaraha kooxda Man City pep Guarriola ayaa Sheegay in ay Arsenal tahay kooxda horyaalka premier league kula tartami doonta Kooxdiisa Xilli ciyaareedka dambe. Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii 2-aad Oo xidhiidh ah kula tartantay Man City horyaalka premier league. Guardiola ayaa sheegay in ay Arsenal noqoto sidii Liverpool sanadihii hore kulana tartanto ma city premier league. “Markii hore Liverpool ayaa ahayd kooxda nala tartamaysay, haatanba Waxa ay noqon doontaa Arsenal”ayuu Guardiola yidhi. Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo qalbigayga Mikel, shaqaalihiisa Tababarka iyo ciyaartoyda iyo taageerayaasha. Waxay soo mareen xilli cajiib ah”

Read More

Goolhayaha Manchester City Ederson ayaa laga saaray xulka Brazil ee ka qeyb galaya xagaagan Copa America Kadib dhaawac Isha ah Oo Soo gaadhay. 30-sano jirkaan ayaa lagu qasbay inuu baxo qeybtii labaad ee guushii 2-0 ee ay City ka gaartay Tottenham Premier League horaantii bishaan ka dib markii ay isku dhaceen Cristian Romero. Goolhayaha ayaa markii dambe laga saaray inta ka dhiman xilli ciyaareedka kooxda Pep Guardiola. Goolhayaha ayaa ka mid ah Goolhayaasha ugu Fiican xilli ciyaareedkan waxana uu Kooxdiisa kula guulaystay horyaalka premier league. Ederson ayaa markii hore lagu daray 23-ka ciyaaryahan ee ku meel gaarka ah ee uu…

Read More