Author: radiohalgan.com

Kulanka waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyadda Hirshabeelle waxaana looga hadlay geedi-socodka dowlad-dhiska, nabadeynta, ciribtirka khawaarijta, xasilinta degaanada laga xorreeyay argagixisada, arrimaha gargaarka, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo horumarinta geedi socodka dimuqoraadiyadaynta ay ugu horeeyaan dhismayaasha goleyaasha deegaanka si loo helo dowladdo hoose oo karti u leh u adeegista bulshada. “Dowladda Sweden waxa ay ka mid tahay Dowladdaha taageerada joogtada ah siiyo Soomaaliya waan uga mahadcelinayaa.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kaaga mahadceliyay Safiirka Sweden ee Soomaaliya booqashada shaqo ee uu maanta ugu tagay Madaxweynaha.

Read More

Macalimiin uu kamid yahay Cabdullaahi (Saneey) oo aqoon iyo waayo-aragnimo u leh howlaha Dab-damiska ayaa bixinaya casharada tababarkaasi lagu siinayo howl-wadeenada cusub ee kamid noqonaya Waaxda Dab-damiska ee Magaalada Beledweyne. Tabarkan ayaa socon doona muddo dhowr cisha ah waxaana durba Howl-wadeenada Waaxda Dab-damiska ee Magaalada Beledweyne sameeyeen tijaabooyin kala duwan si aay u maareeyaan hadii dab uu ka kaco Beledweyne. isku tashi bulsho iyo dadaal dheeraad ah oo uu sameeyay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayeey bulshada Beledweyne ku heleen Dab-damiskan. Tani ayaa qeyb ka ah horumaro badan oo hoggaamin iyo u-dub dhaxaad u noqon doono Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan waxaana…

Read More

Sannad walba 21-ka bisha May waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Dhaqamada kala duwan, taas oo looga golleeyahay in lagu hormariyo wadahadal dhex mara bulshooyinka adduunka ku dhaqan, si loo gaaro nabad, xasillooni iyo horumar waara. Bulshooyinkaas dhanqanku noloshooda ku lifaaqan yahay waxaa ka mid ah Soomaalida oo leh Hidde iyo Dhaqan soo jireen ah oo ahmiyad gaar ah siiya wada noolaansha bulshada. Waxaana jira xeerar iyo caadooyin lagu saleeyo calaqaadka ka dhexeeya bulshooyinka deriska ah, gaar ahaan marka ay noqoto xallinta khilaafaadka. Sida lagu sheegay warbxin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Dhaqanka, cilmiga iyo…

Read More

Dawladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay ilaa iyo 21 dhallinyaro ah oo ah kuwa saameynta ku leh baraha bulshada ee ay dad badani ku xiran yihiin bogagooda. Dhallinyaradaan oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa sawiradooda lagu baahiyay barta facebook ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyaga oo lagu eedeeyay in loo soo xiray “dhaqan xumo ay faafinayeen”. “[Dhallinyada ayaa] bulshada dhaxdeeda ka waday “anshax xumo iyo kala qoqob”, ayaa lagu yiri warka ay soo saareen Boosliska Gobolka Banaadir. Mid ka mid ah dhallinyarada saameynta ku leh barta TikTok oo saaxiib dhaw la ah kuwa la xiray, ayaa BBC da u sheegay…

Read More

Meelo ka mid ah xeebaha Soomaalida ayaa waxaa kusoo fool leh dabaylo xawaare sare ku socda kuwaas oo geysan kara dhibaatooyin kala duwan, sida ay ku warramayaa haayadaha ka shaqeeya saadaasha hawada. Dabaysan oo magaceeda lagu sheegay Laali ayaa ku soo beegan dhanka koonfurta Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Jubbaland. Duufaantan ayaa ahayd mid la rejaynayey in ay yaraan doonto, waxaad se mooddaa hadda sida ay sheegayaan madaxdu in ay weli socoto, taas oo xawaaraha ay jaraysaa la sheegay in uu yahay 100km saacadii. Guddoomiyaha Haayadda Maaraynta Masiibooyika Soomaaliya, Maxamuud Macallin Cabdille oo diginiin u diray shacabka ka ag dhaw meelaha…

Read More

Ka hor geeridii shalay ee madaxweynihii hore ee Iran Ibraahim Raiisi, dad badan waxay aaminsanaayen inuu ahaa ninka ugu cadcad ee badeli kara hoggaamiyaha ruuxiga Ayatollah Cali Khamenei oo 85 jir ah . Raisi waligiis ma dafirin wararka la isla dhex marayay ee ku saabsan hamiga uu u qabo inuu noqdo hogaamiyaha ugu sareeya ee soo socda, qaar badan oo ka mid ah talaabooyinkiisa ayaana tilmaan cad ka bixinayay halka uu u socdo. Intii aanu noqon madaxweynaha Iran wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo dhnak cadaaladda ah wuxuu soo noqday sidoo kale ku xigeenka golaha khuburada Iran. Inkastoo uu…

Read More

furi doonto, in lala xisaabtamo kuwii masuulka ka ahaa, dembiyada la geystay bilihii ugu dambeeyey, isla markaana in la soo taago maxkamad cadaalad ah. Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sidoo kale soo dhoweeyey go’aanta ICC. Dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa sheegay in xafiiskiisu uu aaminsan yahay in shanta qof ay masuul ka yihiin, dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada. Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa difaacuba “ay qaadayaan masuuliyadda dembiyada dagaalka iyo dembiyada kale ka dhanka ah bini’aadantinimada ee dhacay, oo ay ku jiraan, inay gaajaysiinta dadka rayidka ah u isticmaaleen hab dagaal…

Read More

Boqortooyada Sacuudi Carabiya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Xajka qaabilsan ayaa billowday hubinta kaararka ay haystaan Ajaanibta sanadkaan xajinaysa oo qayb ay ka yihiin Soomaali badan oo qaarkood kol hore sii gaaray Dalkaas. Waxaa jira awaamiir culus oo la xiriira arrintaan oo ah in la hubinayo kaarka aqoonsiga uu wato Xaajiga si looga hortago Dadka sida sharci-darrada ah ku galaya dalkaas ama aanay marin nidaamka saxda ah sida hadalka loo dhigay. Goobaha la geeyay xujayda ayaa laga hirgeliyay xafiisyo lagu hubiyo aqoonsiga boqortooyada Sacuudiga ugu talagashay in ay ku garato in qofkii wata ama haysta uu soo maray nidaamka saxda ah…

Read More

Suxufiga Caanka ah ee asal ahaan kasoo jeeda Falastiin balse haysta Dhalashada Dalka Ingiriiska waa Cabdil-Baari Cudwaan ayaa shaki culus dulsaaray sababta Dhalisay Shilka Diyaaradeed ee Madaxweynihii Iiraan, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda & Mas’uuliyiin kale ku geeriyoodeen. Cabdil-Baari ayaa shaki geliyay in labada Diyaarad ee la socday wafdiga Madaxweynaha Iiraan ee aanay waxba soo gaarin iyo ciladda ka dhalatay ceeryaamada ee ku goonida noqotay Diyaaradda uu la socday Ibraahim Ra’iisi. Waxa uu dalbaday in baaris dhammaystiran oo ay ku dheehan tahay aqoon & feejignaan lagu sameeyo shilkaan si loo ogaado waxyaabo badan oo haatan ku siman in ay yihiin Tuhun oo…

Read More