Author: radiohalgan.com

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab maanta ka kacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo ay kuu guuleysteen inay damiyaan ciidanka dab-damiska Somaliland oo faah-faahiyay sida ay wax u dhaceen. Dabka ayaa ka kacay suuqa hoose ee degmada 26 June, wuxuuna ka kacay mehrad ganacsi oo ku taalla halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka Dab-damiska. “Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Dab ka kacay meherad ku taala suuqa hoose  ee degmada 26 june oo lagu magacaabo ZamZam Solar Tech” ayaa lagu yiri qoraalka. Ciidamada Dab-damiska oo qaaday howlgal deg-deg ah ayaa isla markiiba damiyay dabkaas, kahor…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa maanta dalab culus u gudbisay Qaramada Midoobay, kaas oo ay ku dalbatay joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM). Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaalia u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay haatan horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay  door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka. Sidoo kale waxa ay wasaaraddu sheegtay inay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta qaran ee gurmadka degdega ah ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SoDMA. Waxaa Wasiir Cali Xoosh soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SoDMA oo warbixin ka siiyay digniinta dhowaan Hay’addu kasoo saartay daadadka roobka guga iyo fatahaadda webiyada Dalka mara ee lasii saadaalinayo. Wasiir Cali ayaa ku dheeraaday howlaha muhiimka ah ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA ay u hayso Bulshada si looga hortago halis weliba oo Dalka ku wajahan isla markaana loo yareeyo waxyeellada ka dhalan karta. Waa booqashadii ugu horreysay uu…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee maanta kaga qeyb galay Xarunta Midoowga Yurub ee magaalada Muqdisho xuska Maalinta Midoowga Yurub oo ku beegan berri. 9-May sannad walba dunida waxaa looga dabaal-degaa maalinta Midoowga Yurub taas oo ka tarjumeyso Nabad iyo Midnimo. Ka hor kulanka Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-doceed la yeeshay Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Karin Johansson waxana uu la wadaagay farriintan: “Waxaan halkan u imid inaan farxada maalintooda kala qeyb galo shacabka iyo Dowladdaha ku mideysan Midoowga Yurub oo maalintan u tahay maalin weyn.”…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda gobolka Xasan Carabeey Isku-duwaha Wasaaradda Tamart Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda gobolka Xasan Carabeey Isku-duwaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Hirshabelle Mudane Cawil Maxamed Jabriil iyo xubno kale oo maamulka kamid ah ayaa kormeeray qoysaskii ka barakacay fatahaad horu-dhac ah oo Wabiga Shabeelle uu kasameeyay qeybo kamid ah magaalada Beledweyne, dadkaasi oo deegaansaday qeybo kamid ah daafaha Beledweyne. Guddoomiyaha gobolka ayaa qoysaskii u ballanqaaday in aay heli doonaan gurmad kala duwan.

Read More

Haweeyney Ingiriis ah ayaa qiratay dambi ah in ay qayb ka ahayd koox caalami ah oo ku lug leh jirdil iyo xadgudubyo kale oo lagula kacay Daanyeerro yicis ah. Holly LeGresley oo ah 37 jir ka timid degmada Kidderminster ayaa qayb ka ah koox gaara oo internet-ka isticmaasha, kuwaas oo lacag ku siiya shakhsiyaad ku sugan dalka Indonesia dilka iyo xadgudubyada loo geysto Daanyeerrada yaryar. Eedeymahan ayaa imaanaya kaddib baaris ay muddo sanad ah sameynayeen koox ka tirsan BBC-da. Digniin-sheekadan waxa ku jira dhacdooyin murugo leh. Qoraalka sawirka,Holly LeGresley oo ka sii baxaysa maxkamadda Salaasadii LeGresley ayaa maxkamadda horteeda ka…

Read More