Author: radiohalgan.com

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagey Jaamacadda Ummadda faraceeda degmada Caabudwaaq iyo xarunta Agoonta oo dhowaan la dilay Weriye Cabdikariin Bulxan oo gacanta ku hayey xaruntaas. Wasiirka ayaa ugu horeyn markii uu tegay degmada la kulmay odayaasha dhaqanka ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, isagoo ka wareystay xaaladda deegaanka dagaal beeleedyada ka dhaca aagga Caabudwaaq iyo sidii nabad loogu wada noolaa lahaa deegaanka. Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo ardayda Jaamacadda Ummadda, dadaallkooda ku qotoma aqoonta iyo waxbaridda bulshada deegaanka, si jahliga looga baxo.…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan. Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, isaga oo ku sugnaa xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale kooxda dishay xildhibaanka oo mar qura rasaas ooda uga qaaday ayaa goobta isaga baxsatay, mana jiro tallaabo ay qaadeen ciidanka amniga, kadib dhacdadaasi. Dhinaca kale madaxweynaha Koonfur Galbeed oo war kasii saaray geerida marxuumka ayaa xaqiijiyay in uu xildhibaanka ku baxay gacanta Al-Shabaab, wuxuuna…

Read More

Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani oo ka hadlayay munaasabadda xidhitaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay “in cidna aanay uga carareynin Soomaalinamada.” Hadalkan ayaa imanaya muddo dhinacyadu isku diiddanayaan sida wax u socdaan, weedhaha hawada la isu marinayeyna ay ahaayeen kuwo sidan ka duwan. Waxaana u danbeeyey go’aankii Puntland ay ku dhawaaqday bishii March oo ay ku sheegeen in ay gaadheen go’aan siyaasi ah, kaas oo golahooda wasiirrada ay kalsoonidii kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, xilligaas oo baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel mariyeen wax ka baddelka dastuurka. Hadalka Deni ee maanta ayaa se u muuqday in markan uu…

Read More

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo uu ku jiro heshiis cusub oo dhawaan lala soo galay dowladda Imaaraadka Carabta. Heshiisyadan ayaa waxay kala yihiin; Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka, Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE). Shirka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa looga dhageystay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta warbixin ku…

Read More

Tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii ay dhawaan Villa Somalia ku gaareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada, waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo qodobada labada dhinac isku raaceen. War-murtiyeed kasoo baxay shir maalmo u socday Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada kala ah; Galmudug Axmed Qoor-Qoor, Jubbaland Axmed Madoobe, HirShabelle Cali Guudlaawe iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa lagu sheegay inay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; dhameystirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta. Heshiiskan ayaa muddo kororsi farsameysan siinaya madax goboleedyada, si meel-mar u noqdo qorshaha Xasan Sheekh ee teendhada Afisyoone lagu laaban maayo, xilli uu durba fashil…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul ayaa ka hadlay muranka ka dhashay aqoonsiga degmada Daarusalaam, saddexda degmo ee ku soo biirtay caasimadda iyo degmooyin kale oo hadda uu codsaday in lagu soo daro Muqdisho. Nabadoon Abaabul ayaa ugu horeyn bulshada caasimadda ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala qoqob bulsho, isagoo maamulka iyo hey’adaha amniga ku bogaadiyey sida ay uuga hortageen dadkii isku dayey inay xasaradda abuuraan. Nabadoonka oo aad u soo dhoweeyey aqoonsiga ay dowladdu siisay degmooyinka Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ku jirto xaalad ciriiri ah. Cabdulqaadir Abaabul…

Read More

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Kenya u joogo Soomaaliya Amb. Kubai Iringo. Shirka ayaa lagu gorfeeyay xiriirka Soomaliya iyo Kenya waxana diirada la saaray arrimaha kobaca dhaqaallaha iyo sidii labada dhinac ay iskaashi u sameeyn lahaayeen. Kulankan waxaa goobjoog ahaa Axmed Sheekh Nuur (Cirro) Wasiirka Wasaarrada Horumarinta Iyo Reer Miyiga Dowladda Hirshabeelle. “Kenya waxa ay ka mid tahay dalalka xiriirka fiican la leh Soomaaliya waana sababta ay ganacsato badan oo Soomaaliyeed ay maalgashadeen.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa u mahadceliyay Dowladda Kenya…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Saraakiil kale. Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii Khawaarijta looga sifeyn lahaa deegaanada yar ay kaga joogaan Dowaladda Hirshabeelle. Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa madaxweynaha la wadaagay sida loo soo af-jarayo iyo diyaar-garoowga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. “Ugu horreyn Wasiirka, Taliyaha iyo Saraakiisha kale waxaan uga mahadcelinayaa dhammeystirka dagaalka Khawaarijta iyo dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo soo af-jari lahaa iyagoo gacan ka helayo ciidamada…

Read More