Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Baladweyne Magaalo kuma ahaan karto wax tuugsi lagu keeno waa in dadkeedu kacaan”Duqa Baladweyne” https://youtu.be/3J3JsVu6i_g?si=2eDDEEs8qfX3MDRT
Agaasime Sanbaloolshe iyo Xildhibaano ka tirsan BFS oo hal arin u soo gaaray Baladweyne. https://youtu.be/d1vttGTod9o?si=qdEDBIiRbYMA8xDN
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay awaamiir cusub ayaa sheegtay in sanadkaan Ardayda galeysa Imtaxaanka Qaranka ee ku yimaada xaaladaha degdeg ah in aysan gali doonin Imtaxaanka. Agaasimaha guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta ahna Guddoomiyaha guddiga imtixaanka Qaranka Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa Seddex farriimood oo muhiim ah u diray ardayda sannadkaan imtixaanka galeysa iyo waaliddiintooda Agaasimaha ayaa fariinta koowaad uu ardayda la wadaagay ku sheegay in sanadkaan imtaxaanka lagu soo kordhiyey maadada ICT oo markii ugu horreysay ay la qaadayo, ka dib markii afar sanno ka hor…
Waxaa falanqayn badan laga sameeyay hadalka kasoo yeeray Maraykanka ee la xiriira in Israaiil ay ka diiday in ay ka joogsato ama ka baaqsato howlgalka Militari ay doonayso in ay ka fuliso Rarax oo gabbaad u ah Dad badan oo halkaas ku nool. Warbaahinta Gudaha Maraykanka iyo Tan Israaiil ka howlgasha ayaa si cad u sheegay in Xukuumadda Benjamin Netanyahu gaar ahaan Wasiirrada katirsan Yuhuudda Madaxa adag ay diideen joojinta duullaankaas. Waxa ay intaas ku sii dareen in diidmadaas ay tahay mid ay isku wada ogyihiin labada dhinac isla markaana Xukuumadda Washington ay doonayso haddii khalad uu ka yimaado howlgalkaas…
Taliyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay Ciidanka Cirka Kenya Major General Faadumo Axmed ayaa si rasmi ah ula wareegtay xilkaas waxaana ay noqotay Haweeneydii ugu horreysay ee Dalkaas ka qabata Xilkaan. Faadumo waxa ay in muddo katirsanayd ciidanka Militariga Kenya gaar ahaan kuwa Cirka ee ilaaliya Hawada Dalkaas waxaana ay xilka kala wareegtay John Omenda oo laga dhigay ku xigeenka taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Kenya (KDF). Taliyaha xilka wareegay ayaa xafladda uu xilkaan ku wareejinayay ka hadlay ayaa sheegay in Major General Faadumo Axmed ay tahay sarkaalad u heelan shaqada loo igmaday waxaana uu ciidamada ka dalbaday in ay…
War kooban oo kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ku sugan Saldhigga Degmada Dharkaynlay ay gacanta ku dhigeen Nin ku eedeysay in Degmadaas ku dilay balse baxsad lagu daba-joogo uu ahaa. Booliiska ayaa soo bandhigay Ninkaan ku eedeysan in uu dhaawac u gaystay Ismaaciil Yuusuf Axmed Iana Muumino Maxamed Cumar oo 40 jir ah oo markii dambe u geeriyooday dhaawacaas sida lagu sheegay qoraalka Booliiska. Lama shaacin Magaca eedeysanaha uu Booliisku soo bandhigay Sawirkiisa waxaana loo gudbinayaa Hay’adaha Baarista si loo diyaariyo galdacwadeedkiisa loo gudbinayo Maxkamadda awoodda u leh kiiskaan. “Howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar…
Kooxda kubadda Cagta ee Bayer 04 Leverkusen kana dhisan Dalka Jarmalka ayaa sii kordhisay muujinta awooddeeda ah in aanay weli dhadhamin guuldarro waxaana la waayay 49 kulan oo xiriir ah guud ahaan tartama cid dhinaceeda dhulka dhigta. Leverkusen ayaa xalay xaqiijisay in ay gaartay ciyaarta kama dambaysta ah ee horyaalka labaad ee Qaaradda Yurub ee Europa League iyada oo kulanka kama dambaysta ah wajihi doonto Kooxda reer Talyaani ee Atalanta. Naadiga sanadkaan mucjisada Jarmalka iyo Yurub ku noqday ee Bayer Leverkusen ayaa dhowr kulan is furatay waqti dambe waxa ay xitaa kasoo laabatay goolal ka badan labo, marar kala duwan…
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo shaqo joojin ku sameeyay 4 Wasiir oo qeyb ka ah Gollaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle. Xubnaha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa kala ah:- Mudane Maxamed Faarax Cali, Wasiirka Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka. Mudane Sakariye Khaalid Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha. Marwo Raxma Maxamed Guulle, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha. Mudane Aadan Maxamed Muuse, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska. Masuuliyiinta shaqo joojinta lagu sameeyay ayuu Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka u cuksaday xil-guddasho la’aan shaqo oo la xiriirta masuuliyadda loo idmaday. Shaqadda Wasaarradahaan waxaa sii wadi doono Wasiiru-Dowlayaasha…
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay, in ay wada hadalo kula jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii Soomaaliya ay dalbatay in meesha laga saaro jiritaanka xafiiska (UNSOM). Afhayeenka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Ari Gaitanis, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay raacaan tilmaamaha Golaha Ammaanka, wuxuuna xusay inay mar walba ka go’an tahay inay iskaashi la yeeshaan oo ay taageeraan dowladda Soomaaliya. Ari Gaitanis wuxuu sheegay, in labo sano ka hor uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya sameeyay dib u eegis ku talinaysay in la sameeyo marxalad kala guur ah oo laga guurayo UNSOM, loona…
Dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in la baabi’iyo xafiiska UNSOM ku tilmaamtay, go’aan aan laga fiirsan oo Qar iska xoornimo ah. Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlayay BBC Soomaali, ayaa u sheegay, xafiiska xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya ee UNSOM, in uu kaalin muuqata ku leeyahay amniga iyo siyaasadda Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay, xilligan, in aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo dalka oo dhan maamusha, sidaas darteed wuxuu sheegay xafiiska UNSOM inuu door wanaaagsan ku leeyahay u qareemidda iyo difaaca qaddiyadda dowladnimada Soomaaliya. “Xasan isagaa maalin kaste…