What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waxay ahayd dhacdo farxad iyo naxdinba wadata, markii hooyo Faadumo Maxamuud Axmed laga tusay mobile, muuqaalka wiilasheeda oo ay la’ayd muddo ku siman shan iyo toban sano. 2009-kii ayay labadeeda wiil oo lagu kala magacaabo Cabdi Muxiyadiin Axmed iyo Saleemaan Muxiyadiin Axmed, da’ahaana isku xiga (mid waxa uu jiray 15 sano, midka kalena 16) ka tageen magaalada Nairobi oo qoysku wada joogeen, iyagoo ka soo qaxay Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne, xiligaas oo dagaalo ba’ani socdeen. Socdaalkooda liibiya waxa uu ku saabsanaa in ay ka sii tahriibaan si ay nolol cusub uga bilaabaan qaarada Yurub, una caawiyaan qoyska intiisa…
Magaalada Agde ee Faransiiska ayaa laga yaabaa inay caan ku tahay xeebaha qorraxda-qoyan ee sanadka oo dhan, laakiin sidoo kale waxay caan ku tahay xafladaha galmada. Magaalada Agde waxay martigelisaa kulanka Yurub ee ugu weyn ee lamaanaha ee xafladaha galmada; Tobanaan kun oo lamaane ah ayaa magaalada yimaada sanad walba. Balse fadeexad cusub ayaa magaalada Agde iyo guud ahaan dalka Faransiiska ka dhigtay fajac iyo amakaag. Fadeexadan cusub waxay khusaysaa haweeneey faalka dhigta, duqa magaalada Gilles Detour, sarkaal hore oo sirdoon iyo sarkaal boolis ah. Maayerka iyo haweeneyda ayaa hadda xabsiga ku jira ilaa iyo inta natiijada baaritaanka ka soo…
Afku, waa meesha ay ku kulman xubno badan oo uu leeyahay jirka aadanahu. Waxaa ku dhex nool in ka badan 700 oo nuuc oo bakteeriyo ah oo la yaqaano, iyo sidoo kale dheecaano, fayrusyo iyo sidoo kale noolaha loo yaqaano protozoa. Noolayaashaan oo dhan ayaa waxay yiiin kuwo lagu arko oo kaliya shaybaar, waxayna kaalin muhiim ah ka ciyaaraan caafimaadkaaga. Xanuunada ugu badan ee ka dhasha isbadalada ku dhaca bakteeriyadaan ayaa waxay yihiin suuska iyo cudurada cirridka. Cadeymo isi soo taraya ayaa waxay sheegayaan in noolayaashaan ay sidoo kale ku lug leeyihiin xaalado kale oo caafimaad oo halis ah,…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay reer galbeedka Talaadadii in xubnaha NATO ee Yurub ay ku ciyaarayaan dab, haddii ay Ukraine u oggolaadaan inay isticmaasho hubka reer galbeedka si ay u weerarto Ruushka, taas oo uu sheegay inay horseedi karto isku dhac caalami ah. In ka badan laba sano oo uu socday dagaalkii ugu dhiig daadinta badnaa Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, Putin waxa uu si isa soo taraysa uga hadlay halista isku dhac caalami ah oo aad u balaaran, iyadoo reer galbeedku ay la tacaalayaan waxa ay ka yeelayaan guulaha ciidamada Ruushka ee Ukraine. Xoghayaha guud…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 21-aad ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika. Shirka oo kan heer madaxweyne maanta furmay ayaa diiradda waxaa lagu saarayaa dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan. Sidoo kale madaxda ayaa inta uu shirka u socda waxa ay ka wada doodi doonaan nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaysanayo quburo loo xilsaaray, xilli horay loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay…
Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in aysan ku lug lahayn hawlgal la sheegay inuu ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag. Taliska AFRICOM ayaa jawaabtaan siiyey VOA oo su’aal ka weydiisay waxa ay kala socdaan duqeymaha is qabqabsiga abuuray ee ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegatay labo maalin ka hor. Dowladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishaan soo tebisay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow lagu dilay in ka badan 20 maleeshiyaadka Al-Shabaab ka tirsan iyo seddax horjooge. Maalintii xigtayna, mas’uul ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay inaan la caddayn karin in waxa dhacay ay…
Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Talaaladadii ka dhacday gudaha magaalada Wajeer ee dalka Kenya, kadib markii wiil Soomaali ah uu si arxan darro gudaha magaaladaas ugu dilay hooyadiis. Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Macow oo ka tirsan degmada Wajeer, waxaana eedeysanaha magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Maxamed, kaas oo lasoo xiray. Eedeysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad uu qoorta kaga jaray hooyadiis, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo si aad uga naxay falkaasi argagaxa leh. Guddoomiyaha xaafadda uu falkan ka dhacay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa ka sheekeeyay sida…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya inuu sii xoogeysanayo dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo mar kale dib u billaabay inay weeraraan ciidamadaasi. Dagaal labaad ayaa muddo 24 saacad gudahood labada dhinac ku dhex-maray degmooyin ka tirsan gobolka Bakool oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadan oo qayb ka ah ATMIS. Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay xalay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana xigay dagaal toos ah oo la’isku adeegsaday hub culus. War kasoo baxay kooxda ayaa lagu sheegay inay dagaalka Diinsoor ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, ayna ku…
Daawo:- Muqaal Waxaa maant faska koowaad laga bilaabay dagmada halgan adeegga solar system. https://youtu.be/faCF7w267TQ?si=YtvIGEHsYxn8bEVd Waa biloow Ficaan iyo Midowga Shacabka Dagamaas Waa Guul iyo Gomanimo reer Halgan https://youtu.be/LcKndlfEPqs?si=oTsgnHYXd7XcLmoM
Madaxweyne ku xigeenka D/G/Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar `Dabageed’ ayaa bulshada Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ku amaanay dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabab, waxuuna ugu baaqay inay halkooda ka sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Alshabab. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA https://youtu.be/Gcu26gP9vmM?si=O4H_0tMPVHCIYNm1