What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta laga cafiyay deyntii Ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU) kadib wadahadalo ku dhexmaray magaalada Berne ee dalka Switzerland Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin Cali Soomaali iyo Agaasimaha guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) Mr. Masahiko Metoki. Ujeedka safarka wasiirka ee magaalada Berne ayaa la xariiray sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta Ururka UPU oo aheyd ku dhawaad 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah, taasoo isugu jirtay qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey oo ka soo billaawday Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii. Agaasimaha Guud ee Ururka UPU, Mr Masahiko Metoki ayaa…
Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay iney diyaariyeen ciidankii badali lahaa kuwa ATMIS ee la filayo in dhamaadka sanadkaan dalka isaga baxaan. Wasiir Fartaag ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay haatan ku filan yihiin la wareegida amniga guud ee dalka, islamarkaana aysan jirin wax shaki ah oo arintaasi laga qabo. “ATMIS hadii ay dalka ka baxdo Ciidamadii badali lahaa waa diyaar sanyihin, wax walaac ahna majiraan amnigeena inaan la wareegno waa u diyaarsanahay, ciidamada kala duwan ee qaranka iyo geesiyaasha macawiisleeyda ayaa u diyaar ah iney iska kaashadaan guud ahaan amniga dalka marka ay…
Marka ay noqoto qurbaha si gaar ah dalalka reer galbeedka waa wax inta badan bulshadu ay maqasho qof lagu tilmaamo cunsuri ayaa weerar qaaday oo dad dilay ama waxyeello kale geystay. Si gaar ah marka aynu dul istaagno waxaa jira weerarro dhowr ah oo lagu qaaday masaajid ay mas’uul ka yihiin culimo Soomaaliyeed kuwaas oo ku kala yaallay dalal kala duwan sida Yurub iyo Mareykanka. Mareykanka Masjid ku yaalla Minneapolis oo la yirhaado Al-xikma ayaa dhowr mar la wareeray iyada oo weerarka uu geystay hal nin oo nacayb lagu tuhmay. Ninka ayaa ilaa 2020-kii si isdaba jog ah u weerarayay…
Soomaaliya, tiro malaha dadka u waxyeelloobay hubka sida sharci darrada ah loo rido iyada oo mararka qaar ay guryaha ugu tagaan qoysas aan waxba ka ogeyn waxa socda ama sababta loosoo riday. Hodan Saalax waxa ay saygeedii, gabadheedii, iyo labadeedii lugoodba ku weyday madaafiic gurigooda ugu tagay iyaga oo hurda. Xaflada caleema saarka madaxweynaha 10-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda laba sano ay ka soo wareegtay ayaa xilligaas socotay. Madaxweyne Xasan Sheekh waa madaxweynaha kaliya ee mar labaad loo doortay Soomaaliya. Habeenkii caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya magaaladu waxa ay ahayd mid aad u sawaxan badnayd, waxaana…
Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa dalbatay in la soo xiro ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasiirka gaashaandhigga iyo sidoo kale madaxda Xamaas. Sida laga soo xigtay maxkamadeynta, hogaamiyayaashan ayaa loo heystaa dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Dacwad oogaha guud ee maxkamadda, Karim Asad Ahmed Khan, ayaa eegaya kiiskan. Karim Khan waa Pakistani asal ahaan. Dhegaysiga dacwadda, waxuu sheegay in jiraan “caddeymo la taaban karo” oo muujinaya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza Yahya Sinwar ay galeen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Ma aha oo kaliya labada shaqsi, laakiin…
Dalka Koonfur Afrika waxaa ka socota tirinta codadkii la dhiibtay doorashada Guddiga doorashada ee dalka ayaan ku adkeysanaya in xilligii loogu talogalay ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashada. Isagoo la hadlayay warbaahinta, Sy Mamabolo, oo ah madaxa Gudiga Doorashada, ayaa sheegay in la ogaan doono natiijada doorashada “waqti ka mid ah dhammaadka usbuuca”. Waxa uu hore u sheegay in Axadda ay tahay maalinta ay suurtogal tahay. Sharci ahaan, komishanku waxa uu haystaa todoba maalmood oo ka bilaabmaysa doorashada si ay hawsha u dhameeyaan. Taariikh ahaan, dadka reer Koonfur Afrika ayaa looga bartay inay ogaadaan natiijada maalinta Sabtida ka dib doorashada. Laakiin,…
Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xly ka qeybgalay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Matabaan taas oo ka dhacday xarunta degmada. Shacabka Matabaan ayaa ka mahadceliyay taariikhda uu u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). “Waxaad na tusteen heer aan qiyaas laheyn oo la xariirto Dowladnimada Hirshabeelle. Waxaan hambalyo leeyahay bulshada Geri-jir oo ay u ansixiyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle degmanimo.” Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guul iyo barwaaqo u rajeeyay shacabka uu caawa kula kulmay degmada Matabaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan. Dhambaalka qoraalka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya uu diray ayaa ahaa mid uu ku dalbanayey xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo dhambaalkaas loogu dhiibay dowladda Sacuudiga ayaa gaarsiiyey maanta. Ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee arrimaha siyaasadda ee Boqortooyada Sacuudiga Daljire Sacuud bin Maxamed Al-Sati ayaa maanta kusoo dhaweeyay Danjire Dahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh. Ergayga ayaa halkaas looga guddoomay dhambaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya…
Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo lagu helo dambi Khamiistii, markii xeerbeegtida New York ay ku heleen dhammaan dambiyadii lagu soo oogay. Trump ayaa waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu been abuur ku sameeyay dokumentiyo, si uu u qariyo lacag lagu aamusiyay haweeney sameysa filimada galmada, oo uu la seexday, ka hor doorashadii madaxweyne ee 2016-ka. Kadib markii ay ka doodeen muddo laba maalmood ah, 12 xubnood oo xeerbeegti ah ayaa ku dhawaaqay inay Trump ku heleen dhammaan 34-ka eedeymo ee uu wajahay madaxweynihii hore. Xukunkan ayaa Mareykanka ku riixaya xaalad hubanti la’aan…
Hay’adda qaabilsan amniga gudaha ee Sweden ayaa ku eedaysay Iran inay isticmaashay budhcad ku sugan gudaha Sweden, si ay u bartilmaameedsadaan danaha Israa’iil iyo Yuhuudda. Daniel Stenling oo ah madaxa qaabilsan ka hortagga sirdoonada dibedda ee hay’adda amniga Sweden ayaa eedaymahan u jeediyey Iran, xilli uu qabtay shir jaraa’id. Wuxuu sheegay inay arrintani ahayd isku day ay doonayeen inay ku bartilmaameedsadaan danaha Israa’iil iyo kuwa Yuhuudda ee ku yaalla gudaha Sweden. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro xiriir u dhaxeeya shabakado budhcad ah iyo shakhsiyaad ka hawl’gala hay’adaha amniga ee Iran. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa isku dayday inay arrintan…