Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ku sugan Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Dileita Mohamed Dileita. Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa iska xog-waraysan doonna xiriirka ku qotoma wadashaqaynta labada dhinac iyo is dhaafsiga aqoon kororsiga sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan. Guddiga loo xilsaaray xoojinta xiriirka iyo walaaltinimada ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya & Jabuuti ayaa kulamo ay wada qaateen uga arrinsadeen sidii loo kordhin lahaa fadhiyada dhexdooda iyo kan guddoonkooda. Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u magacaabay Guddiyo ka shaqeeya xoojinta xiriirka…
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Salaasadii u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM. James Swan ayaa si ku meel gaadh ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag. James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah…
Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa berri go’aan kama dambeys ah ka gaareysa kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo heysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, waxaana aad loo sugayaa go’aanka maxkamadda. Shalay ayaa la soo gabagabeeyey dhageysiga kiiska Sayid-cali oo markii 3-aad la hor geeyey maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir, kadib markii la dhageystay eedeymaha xeer ilaalinta, difaaca qareenada iyo marqaatiyaasha. Maxkamadda ayaa shalay weydiisay su’aalo kama dambeys ah, si ay go’aan uga gaarto kiiskiisa, Sayid-Cali ayaa bixiyey jawaabo lamid ah kuwii horay uu uga sheegay maxkamadda gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay. Sayid-Cali oo ka faa’iideystay fursadii ugu dambeysay…
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaase ka maqan Puntland. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka, sida ay shaacisay Villa Somalia. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga doodi doonaa dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardar-geliyo howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid. Guul ka gaarista…
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanboloolshe) oo maanta booqasho ugu tagay Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa Hambalyo kadib kala hadlay Ugaaska muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hawlaha nabadeynta, dib u heshiisiinta bulshada iyo dagaalka Khawaarijta. Taliyaha oo dul istaagay sida ay shacabku ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka ayaa Ugaaska ka codsaday in uu dowladda ku garab siiyo dardar-gelinta dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee galabkeedu dhacay.
Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, Wabarka Guud Beesha Baadacadde, ayaa Salaan ugu tagay ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khalif hoygiisa u ka deganyahay Magaalada baladweyne https://youtu.be/eenD1W3qO9s?si=uVSG1v4phvEG1Olz Waxaan Maanta Hambalya iyo Salaan ugu Tagnay Aniga iyo Wafdigii ila socday Walaalkeey Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo shalay Lagu soo Caana shubay Waxaan Leeyahay Xilka Allaha kugu Asturo .
Xiddiga kooxda chelsea ee Cole Palmer ayaa ku jira qaab ciyaareed heer sare ah isaga oo dhaliyay saddexley kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ka badisay Man United. Ma ahan markii ugu horaysay ee uu wacdaro dhigo xilli ciyaareedkan maadama uu Palmer yahay xiddiga riixaya kooxda chelsea xilli ciyaareedkan oo dhan. Xiddiga 21 jirka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo muujiyay in uu u qalmo lacagtii laga soo bixiyay. Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 sabab oo uu u yahay saxiixa ugu fiican xilli ciyaareedka. Jabinta Rikoodhada: Qaab ciyaareedka…
Manchester United ayaa ku dhawaaqday in Raphael Varane uu ka tagi doono kooxda dhamaadka xili ciyaareedkan xilli la filayo in xagaaga is badal eyn ka dhoco Old Trafford. Varane ayaa United kaga soo biiray Real Madrid xagaagii 2021, wuxuuna ka tagi doonaa Old Trafford marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka June. Mid ka mid ah daafacyada ugu fiican kubada agta ayaa ka caawiyay United inay ku guuleysato Carabao Cup xilli ciyaareedkii hore. Xiddiga ayaa la dhibaatoonaya haawacyo xilli ciyaareedkan waxana uu tartan kula jiraa wakhtiga si uu taam ugu noqdo kulanka Final-ka FA Cup-ka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Man City.…
Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa soo saaray shaxdiisa ugu fiican ee horyaalka Premier League. Waxa la galay todobaadkii ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League iyada oo xiddigo badan qaab ciyaareed cajiib ah. Halyeeyga Jamie Carragher Ayaa soo doortay xiddigaha sida fiican u ciyaaray premier League xilli ciyaareedkan. Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo shaxda ku leh 4 xiddig. Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City ayaa dhinaceeda shaxda ku leh 3 xiddig. Kooxaha Chelsea, Aston Villa, Liverpool Iyo Everton ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.
Kooxda Real Madrid ayaa si dhaw ula socota xiddiga kooxda Liverpool ee Trent Alexander Arnold ka Hor inta ayna u dhaqaaqin Saxiixiisa. Arintan ayaa imanaysa inkasta Oo ay kooxdu adeegsato xiddigaha Dani Carvajal iyo Lucas Vasquez. Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Spain, Real Madrid ayaa sii wadi doonta inay la socoto horumarka xiddiga. Qandaraaska Arnold ee Liverpool wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda. Hadii ayna kooxdu heshiis cusub ka Saxiixiisan xiddiga Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta Saxiixiisa xiddiga. Arnold ayaa muhiim ka ah Liverpool isaga Oo door weyn ka ciyaaray ku guulaysiga koobabka