Author: radiohalgan.com

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad la sheegay in macaamil la sameeyeen kooxda Al-shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in hay’adda soo qabatay xubno ganacsato ah oo si dhuumaaleysi ah lacago baad ah usoo weydiisay kooxda Al-shabaab, islamarkaana wali ciidanka ay ku raad joogaan xubno kale oo ganacsato ah. Hay’adda NISA ma shaacin magacyada iyo tirada ganacsatada macaamilka la sameysay kooxda Al-shabaab oo ay gacanta kusoo dhigtay. Qoraalka NISA ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka feejignaadaan qorshaha kooxdu ay ku dooneyso iney ku boobto hantidooda. Hoos ka…

Read More

Hadda oo inta badan la tiriyay codadka doorashada Koonfur Afrika, ayaa xisbiga muddada dheer talada dalkaasi hayay ee African National Congress (ANC), waxa uu u bahanaan doonaan isbahaysi si uu dawlad u soo dhiso, kaddib doorashadii taariikhiga ahayd ee uu markii ugu horreysay ku lumiyay in uu helo aqlabiyadda kuraasta barlamaanka. Illaa hadda 91% ayaa la tiriyay codadka degmooyinka, waxana xisbiga ANC codadka uu illaa hadda helay gaarayaan 40.25%. Xisbiga ku xiga ee Isbahaysiga Dimoqaraadiga (DA) ayaa isna helay 21,7%, halka xisbiga MK ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Jacob Zuma uu helay 14.7%, xisbiga EFF ayaa isna ka helay codadka…

Read More

Xujey reer Nigeria ah oo ka safray magaalada Abuja isla markaana tagay dhulka barakeysan ee Xaramka, ayaa dhigay bannaanbax ay ku muujinayaan sida ay uga walaacsanyihiin lacago gunno ah oo ay xaq u lahaayeen sida ay sheegeen hase-yeeshee aan la siinin. Dadkaan ayaa sheegay in ay sugayeen in la siiyo lacag dhan 500 oo doollar oo markii hore ay u ballan qaadeen guddiga daryeelka xujeyda ee Nigeria, balse hadda la siiyay oo kaliya 200 boqol oo doollar, taas oo ay ka xumaadeen. Xujeyda ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in qalad uu ka jiro habka wax loo mamaulay. Waxay sheegeen…

Read More

Arintan ayaa dabo joogta khilaafka aan wali xalka loo helin ee u dhaxeeya dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaddib is afgarad kii bilowgii sanad kan ku dhex maray Addis Ababa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abii Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ee idaacadda maxaliga ah ee Goobjoog ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya. Dhammaadka 2024 oo qorshuhu ahaa in la soo…

Read More

Howlgal la qaaday maalinkii shalay ahayd ayay Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika ay ku shaaciyeen in ay ku laayeen saraakiil ka tirsan ururka Daacish. Warka laga soo saaray howlgalkan ayaa lagu sheegay, in ay qayb kala ahayd dawladda federaalka ee Soomaaliya “Annagoo kaashanaya dawladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Soomaaliya ka fuliyay weerar dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Daacish ka tirsan, May 31, 2024. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhaardaar oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliy” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay…

Read More

Xilli ay ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqaymaha ay ka geysanayaan gudaha magaalada Rafax ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu ku dhowaaqay heshiis cusub oo Israel ay aqbashay. Heshiiskan oo Biden uu gadaal ka riixayo ayaa ah mid xabbad-joojineed oo saddex weji leh, kaasi oo ay aqbashay Israa’iil, waxaana heshiiskaas ku jira in marka hore la joojiyo dagaalka muddo lix toddobaad ah, taasi oo looga gudbi doono wejiyo kale oo sahli doona in la gaadho heshiis xabbad-joojineed oo rasmi ah. Wajiga koowaad waxaa ku jiri doona “xabad joojin buuxda oo dhameystiran,” ayuu sheegay Biden, xilli uu hadal ka jeedinayey…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka qarxay degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyo ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad beeleed hubeysan. Dagaalka ayaa hadda ka socda gudaha magaalada, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka Koonfur Galbeed. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, kaas oo leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay…

Read More

Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa si rasmi ah u sheegay inuu fuliyay weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya. Weerarkan ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka Dhaardaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulka Puntland. “Qiimaynta hordhaca ah ee duqeynta ayaa ah in saddex ka tirsan Daacish lagu dilay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Africom oo la soo dhigay baraha internetka. AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntan ay iska…

Read More

Ciidamada Itoobiya kama sii mid ahaan doonaan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya, waxaana dhamaantood laga saari doonaa dalka, si ka duwan wadamada kale ee ciidamada ATMIS ay ka socdaan. Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ciidanka ATMIS ee dalka ka baxaya lagu daro gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka jooga gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud. La-taliyaha amniga qaranka ayaa sheegay in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ee dalka jooga ayaa aad u badan lagamana hayo tiro rasmi ah,…

Read More