Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Si kasta oo aan isugu dayno aniga iyo adiga iyo dhammaan dadka nagu xeeran, misna hadii wadku na daayo waxaa na deyneyn gaboow. Waa geedi socod qofkasta uu marayo, balse dhammaan isku si uma wada gaboowno, taasina waxaa caddeyn u ah bani’aadanka iyagoo isku da’ ah ayey haddana siyaabo kala duwan da’ada uga muuqataa. Seynisyahanada ayaa aaminsan sababta inay tahay kala duwanaashaha bayooloji kaas oo go’aamiya sida degdegta ah ee qof walba u duqoobayo, waxaana loo yaqaan Noocyada da’da. Noocyada da’da Michael Snyder waa khabiir bayooloji waxa uuna hurmuud ka yahay cilmibaarista. Snyder sidoo kale waa madaxa qeybta hiddo-sidaha ee…
Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan mudane Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa maanta Magalada Beledweyne ka daah-furay tababar loo qabtay xubnaha bulshada rayidka ee hoos-taga Mashruuca nabadda iyo u hiilinta haweenka Somaaliyeed. Tababarkan waxaa soo qaban-qaabisay guddoomiyaha Haweenka gobolka Hiiraan Farxiya Cabdirashiid Cabdi waxaana daah furka tababarka ka qeybgalay madax kala duwan oo dowladda Hirshabelle kamid ah. Gudoomiyaha uruka haweenka gobolka Farxiya Cabdirashiid Cabdi iyo xubno kale oo ka caawiyay tababarkan ayaa ugu horeyn madashada ka hadlay ayaa bulshada tababarka ka qeybgshay ugu baaqay in cilmiga aay barteen bulshada kale u faaideeyaan.…
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay dhowr qodob oo ay ku dhaliilayaan Dowladda ay ka yihiin xubnaha xeer dajinta iyaga oo sheegay in ay u baahan yihiin Isla xisaabtan dhab ah. Xubnahaan katirsan Baarlamaanka ayaa ku dooday in waxyaabo badan ay qaldameen loona baahan yahay in dib u eegis iyo xakamayn lagu sameeyo si Dalka looga badbaadiyo kala durug Siyaasadeed & muran daba-dheeraada waa sida ay hadalka u dhigeen. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa shaaciyay in la gaaray waqtigii lala xisaabtami lahaa Xukuumadda isaga oo Guddoonkiisa ku dhaliilay in uu gabay kaalintii uu ku jihayn…
Lamaane ku nool magaalada Kano oo loo yaqaanno “caasimadda furiinka” ee dalka Nigeria, ayaa lagu ammaanay guurkooda dheer kadib markii ay dhawaan u dabaaldegeen sannad-guuradii 50-aad ee guurkooda. Maxmuud Kabir Yuusuf iyo Rabiatu Tahir, ayaa BBC-da uga warramay sirta farxaddooda iyo sababta guurka badan ee uu u fashilmo magaalada waqooyiga Nigeria ku taalla ee Kano, muuqaalka ay arrintan ku sharaxeen ayaa falcelin badan dhaliyey. Maxamuud Yuusuf, oo 76 sano jir ah ayaa arrintan ku macneeyey xaaskiisa oo leh sifooyin deeqsinimo iyo naxariis, isagoo BBC-da u sheegay “Iyadu waa qof nafta uu hurtay , wax badanna ka qayb qaadatay guusha guurkeena.”…
Wasiirka Beeraha & Waraabka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka Wasiirrada labada heer ee Wasaaraddaas ay ku tagayaan Dowlad-Goboleedka Galmudug. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedka Socdaalkooda kusoo koobay mid ay ugu kuurgalayaan tacbashada Beeraha ee Dowlad-Goboleedka Galmudug. “Socdaalkan aan Galmudug ku tegayno waa mid aanu ugu kuur gelayno xoojinta tacbashada beeraha Dalka, Galmudug Ayaan ka billownay qorshaha Istaraatiijiyadda ee Wasaaradaha labada Heer, Dalka meel weliba Beero ayaa lagu beeray, Galmudug Beeraley ayay noqotay” Ayuu yiri Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wasaaradaha Beeraha & Waraabka…
Wararka aynu ka heleyno degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dib usii laba qarxay dagaal labadii maalmood lasoo dhaafay ka socday gudaha degmadaas, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed. Dagaalka oo galay maalintiisii saddexaad ayaa haatan ka socda bartamaha magaalada oo ay isku hayaan labada dhinac, waxaana lasoo wariyay in xaaladdu ay faraha kasii baxeyso. Ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaas ayaa lasoo wariyay in dagaalka ay ku biireen, taas oo waji cusub u yeeshay xiisadda ka taagan halkaasi. Sidoo kale waxaa guul darreystay dadaallo nabadeed oo la doonayay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo…
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ashraf Cali Nuur, kaas oo isticmaala baraha bulshada. Booliska oo soo bandhigay ninkan ayaa ku eedeeyay anshax darro liddi ku ah dhaqanka iyo diinteenna Islaamka, waxaana boolisku sheegay in la horgeyn doono sharciga. “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir kuna eedeysan Anshax-daro. Ciidanaka Boliiska Soomaaliyeed waxa ay u taaganyihiin fal-kasta oo wax u dhibaya dhaqankeena suuban iyo diinteena sharafta leh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Xarigga wiilkan dhalinyarada ah oo caan…
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo ay guullo ka sheegteen saraakiisha milatariga. Ciidamada ayaa howlgalkan ku gaaray deegaano ay horay u joogeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana la wareegay Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad ee fadhigoodu yahay degmada Xudur. Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda oo dhaca galbeedka magaaladaasi ayaa kala ah deegaanada Eedanow iyo Ceelahaley oo ay horay fariisin ugu lahaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaasi ayaa sheegay in deegaanada ay wareegeen laga soo abaabuli jiraan…
Xulka France ayaa markiisa helay fursado fiican laakiin kama faa’iidaysan fursadihihii ay heleen. Waxa ay labada xul ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah 90-kii daqiiqo ee ciyaarta. Waxa ay labada xul isla aadeen wakhtigii dheeriga ahaa iyaga oo wada ciyaaray 30 daqiiqo oo dheeri ah. Laakiin labada xul ayaan waxba kala dhalin iyada oo xul walba doonayay in rikoodhayaal la isla gaadho Labada xul ayaa isla gaadhay rikoodhayaal waxana ay 4/5 guushu ku raacday xulka France kuwaas oo iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka Euro 2024.
Xulka Spain ayaa reebay xulka Marti galiyay Tartanka Euro 2024 ee Germany. Kulanka ayaa ahaa mid ay isku haleeleen xulalka ugu fiican tartanka ilaa haatan. Kulanka ayaa ku bilowday mid uu xulka Spain ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo weeraro ku qaadayay xulka Germany. Xulka Germany ayaa dhinacooda helay fursado ay ku halis galiyeen xulka Spain. Xulka Spain ayaa daqiiqadii 51-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dani Olmo. Xulka Germany ayaa raadinayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn. Daqiiqadii 119-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 2-aad ee…