Author: radiohalgan.com

Dalka Kenya ayaa galay khalalaase, kaddib markii Talaadadii dalkaasi qeybo badan oo kamid ah uu ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay, kaa oo sababay khasaaro  isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ,ayaa meesha si deg deg ah uga saaray hindisihii canshuur kordhinta ee dhaliyay carada shacabka Kenya , waxa uuna sheegay in go’aankan qaatay isaga oo u turaya shacabkiisa. Dowladda Mareykanka iyo dowlado kale ayaa soo dhaweeyay go’aanka xalka ah uu qaatay Madaxweynaha dalka Kenya, waxa ayna tilmaameen in go’aankan meesha ka saari doono in ay sii socdaan dibadbaxyada dhaliyay rabshadaha iyo khasaaraha. Xoghayaha arrimaha dibadda ee…

Read More

Beel-weynta Xaamuud ee Baadicade Ayaa Deeq iskugu jirtay Laba Neef Geel ah iyo Deeq Raashiin Nuucyadiisa kale duwan ka kooban Ku wareejiyay Maanta Guddiga Soo dhaweynta Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, ee Degmada Jalalqasi ee Gobolka Hiiraan, Odayaasha dhaqanka dhalinyarada iyo qeybaha ka duwan ee Beel weynta Xaamuud oo geelna iyo Deeqadan ku wareejiyay Guddiga Soo dhaweeynta Wabarka ayaa sheegay inay ku faraxsayhiin imaashada Wabarka islamarkaan ay garabtaganyhiin, Guddiga Soo dhaweynta Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, ayaa ugu mahadceliyay odayaasha dhaqanka, dhalinyada iyo Guud ahaan Beel-weynta Xaamuud dadaalkood kaqeyb qaadashada Soo dhaweynta iyo marti qaadka Wabarka. Odayaasha, Dhalinyarada…

Read More

Dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay labo beel oo kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saakay mar kale ka qarxay deegaanno hoostaga gobolka Mudug oo ay ood wadaag ka yihiin labada beel. War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa loogu baaqay labada beel ee ku dagaallamaya galbeed gobolka Mudug in ay  si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka. Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in wafdi ka kooban golayaasha maamulkaasi u direen deegaannada dagaalka uu ka socdo, waxa ayna rejo ka muujiyeen in ay guuleestaan dedaalada nabadeed ee socda. Dhinaca kale madaxtooyada Galmudug ayaa…

Read More

Afgambigii la isku dayey ee  ka socday Bolivia ayaa la soo afjaray, waxaana laga saaray xarunta madaxtooyadda iyo goobihii ay joogeen ciidankii uu hoggaaminayay Jeneraalkii afgambiga isku dayay ee Juan José Zúñiga, iyadoo Muuqaal la baahiyay laga arkay isagoo sii galaya gaari gaashaaman si deg deg ahna uga baxaya aagga uu degan yahay madaxweynaha ee bartamaha caasimadda La Paz. Arrintan ayaa muujinaysa inuusan jirin wax qorshe ah oo Jeneraalkan uga diyaarsanaa afgambiga uu isku dayay. Boolis iyo dibadbaxayaasha afgambiga ka soo horjeeda ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta madaxtooyadda Madaxweynaha dalka Bolivia, Luis Arce ayaa magacaabay taliyaha cusub ee…

Read More