Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada dalkeenna, waxa uuna tilmaamay qosheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaas oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga. “Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaanti kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo…

Read More

4-tii bisha April ee sanadkaan Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe u magacaabay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA. Waxay aheyd markii saddexaad ee halkaasi la geeyo, laakiin markaan marxaladdu waa ka duwaneyd siddii hore oo wuxuu kusoo aaday hay’ad aad u kortay, sharci leh, kuna guuleysatay inay wax weyn ka qabato amniga magaalada caasimadda ee Muqdisho. Lixdan cisho ayaa laga jooga magacaabistii Sanbaloolshe. Wuxuu ku bilowday hab shaqo oo degan, wuxuu sameeyay isbeddelo kooban, wuxuuna u muuqda inuu joogteeyay dhaxalkii taliyihii hore. Inkasta oo uusan hadda socon dagaal toos ah oo lagula jiro kooxaha…

Read More

Xildhibaanno badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxay sugayaan ballan ay la gashay Villa Somalia, oo saddex shaqo la qabteen, iyaga oo aan eegin danta qaranka, sidoo kalena aan aqrin waxa ku qoran waraaqaha laga dalbaday inay ansixiyaan. Saddexdaas shaqo waa habraacii dastuurka ee xeer-jebinta ahaa, afartii cutub ee dastuurka ee ay Soomaalida si weyn iskugu khilaaftay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran. Markii la qabanaayay saddexdaasi shaqo Xildhibaannada qaar waxaa loo ballan-qaaday xilal wasaaradeed, qaar lacago, qaarna dhulal. Inta ballankoodii la fuliyay waa tiro aad u yar. Xildhibaannada waxaa badankood ka muuqda gadood xooggan.…

Read More

Madaxweynihii iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa war ka soo saaray guusha ay Soomaaliya ka gaartay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika. Farmaajo iyo Kheyre oo mid walba soo saaray qoraal gaar ah ayaa sheegay in guushaan ay ka soo shaqeeyeen, kadib markii ay codsi ay ku dalbanayaan kursigaan ay u direen Qaramada Midoobey. Ugu horeyn Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan ku faraxsanahay in uu guuleystay hayaankii iyo himilladii aan soo billownay markii Oktoobar 2018kii ay codsiga xubinnimadan gudbisay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa hambalyo la xiriirta guusha taariikhiga ee ku aadan xubinta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee UN-ka u diray Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. 1972-kii ayaa ugu dambeysay in Soomaaliya ay hesho booskan waxana ay uga dhigan tahay guul weyn oo noo soo hoyatay. “Tani waxa ay ku timid dadaal wadajir ah. Soomaaliya oo dunida wax la qeybsaneyso waa guusha ugu weyn oo dhammaanteena noo abuureyso rajo weyn.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa arrintan ku boogaadiyay hoggaanka Dowladda Soomaaliya.

Read More

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa dil toogasho ah ku fulisay Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax , iyo Bile Cabdullahi Xasan, kuwaas oo hore u dilay Dr Axmed Xasan Cusmaan iyo Macallin Liibaan Xasan Cusmaan oo ahaa walaalo. Saddexdaan xubnood ayaa Demcember 9, 2023-ka waxa ay Dr Axmad Xasan Cismaan iyo Macallin Liibaan Xasan Cismaan oo ahaa labo walaalo ah waxa ay aano qabiil ugu dileen duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee dowlad gobaleedka Galmudug. Dilka labadaan marxuum oo walaala ah ayaa hadal hayn waxa ay ka dhalisay baraha Bulshada, iyada oo qaar ka mid ah Xildhibaannada ay deegaan doorashoodu tahay Galmudug…

Read More

Dowladda Fedderaalka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleysatay kursi aan joogto ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib doorasho ka dhacday xarunta Qaramada Midoobay. Soomaaliya ayaa heshay codod gaaraya illaa 179 cod, waxaana laga rabay 124 cod si ay uga mid noqotay xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Wasiirka oo bartiisa Twitter ee hadda loo yaqaan X soo dhigay qoraal ayaa yiri, “179 cod ayay Soomaaliya ku gudubtey waxaana laga rabay 124. Waxa ay Soomaaliya ka mid noqotay golaha ammaanka 2025 -2026. Guul iyo dabaaldeg weyn ayaa inoo sugnaatey.” Guusha…

Read More

Cabsi iyo doodo badan ayaa ka jira xaaladda amniga ee Soomaaliya, xilli dawladdu mar kale ku celisay inay fulanayso qorshaha ay dalka uga baxayaan ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo lasoo af-jarayo dhamaadka sannadkan 2024. Taliyiyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo wareysi dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay arrintaas, isagoo sheegay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ka maarmaan ciidanka ATMIS hadii ay isku kalsoonaadaan oo kartidii lagu yaqiinay ay adeegsadaan. “Hadda 5 bilood ayaa ka dhiman waqtiga ay baxayaan ciidanka ATMIS, waa ku filan tahay madaxweynayaasha gobollada ee dhahaya waxaa…

Read More

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xukuumadda Muuse Biixi uga digay fara-gelin sharci darro ah oo ay ku hayaan shaqooyinka Komishanka doorashooyinka Somaliland. Digniintan oo sidoo kale si toos ah ugu socotay xisbiga tallada haya ee Kulmiye ayaa waxaa masuuliyiinta xukuumadda iyo siyaasiyiinta xisbiga looga digay inay arrimaha doorashooyinka uga hadlaan si siyaasadaysan. Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf oo ay hareero fadhiyaan xubnaha kale ee guddiga ayaa digniinta u diray xukuumadda Muuse Biixi, wuxuuna yiri “Komishanka waxa uu digniin u dirayaa xukuumada iyo xisbiga Kulmiye oo caadaystay in ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka si siyaasadaysan oo baal-marsan qawaaniinta iyo shuruucda doorashooyinka.”…

Read More