Author: radiohalgan.com

Kaddib shir goordhow ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan aayna ka qeyb galeen Nabadoonada Odayaasha dhaqanka Waxgaradka Aqoonyahanada iyo Dhallinyarada beesha Cali Madaxweyne ayaa loogu doortay Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed in uu noqdo nabadoonka guud ee beelweynta Cali Madaxweyne ee Xawaadlle. https://youtu.be/EWulFu7V9LI?si=TOyIUqJG_9CqoZr2 Nabadoonka cusub ee beesha Cali Madaxweyne Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed ayaa dadka ku tilmaamaan shaqsi leh hoggaan dhaqan aqoon iyo waaya-aragnimo jecel midnimada beesha. Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed ayaa badalay UN- Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo 29, Sebtembar 2022 ku shahiiday dagaalka Argagaxisada looga saaray qeybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan. Nabadoonka cusub beesha Cali Madaxweyne…

Read More

Ciidanka Israaiil ayaa kordhiyay duqaynta arxan-darrada ah ay ka gaysanayaan Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, saacadihii ugu horreeyay ee Jimcaha maanta ah ayay duqayn ay ka fuliyeen bartamaha Magaaladaas ay ku dileen ugu yaraan 15 ruux oo carruur ay ku jirto. Teleefishanka Aljazeera ayaa baahiyay xogta duqayntaan isaga oo soo xigtay ilo kala duwan oo ay kamid yihiin dhinacyada caafimaadka waxaana dhaawac uu soo gaaray tiro kale oo lagu baxnaaninayo goobaha isbitaallada macmalka ah laga dhigay. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay Magaalada Gaza ayaa soosaaray warbixinno ay walaac uga muujinayaan duqaynta aan loo meel dayin ee ciidamada…

Read More

Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay maalmaha Xajka iyo Ciidul Adxa ee sanadkan kadib markii la arkay bisha fiidnimadii Khamiista, taasi oo xaqiijisay bilowga bisha Dul-Xaj. Wakaalada wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Maxkamadda Sare ay go’aamisay in bisha Dul Xaj, oo ah bisha 12-aad ee ugu danbeysa ee taariikhda Islaamka ay billaabatay maanta oo Jimce ah. Xajku waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waxaana waajib ah in ugu yaraan hal mar ay gutaan dhammaan Muslimiinta, haddii ay awoodaan Xajka ayaa ka kooban dhowr cibaado oo lagu guto muddo afar maalmood ah, magaalada Maka iyo nawaaxigeeda ee galbeedka…

Read More

Muqdisho waddooyin badan ayaa u xiran dad madax ah, kuwana si guud ayay dowladda u xirtay si aanay uga soo gudbin baabuurta qaraxyada sida. Laakiin hadda madaxda laamaha amniga maadaama ay ku faanayaan inay farsamo ku xaliyeen qaraxyadii, waxay dadka magaalada isweydiinayaan oo baahina u qabaan furitaanka waddooyinka xiran, kuwaas oo xal u noqon kara saxmadda ka jirta magaalada, sahlina doona isku socodka, dhinaca kalena abuuri doona fursaddo dhaqaale. Boqolkii cisho ee lasoo dhaafay dalka waxa uu yeeshay wasiir amni oo cusub iyo taliye nabad-sugid oo cusub waa Sanbaloolshe iyo Fartaag. Waxaa la xasuusta in horey wasaaradda amniga gudaha, hoggaanka…

Read More

Sharon Barak oo ahaa wakiilka Israa’iil u joogay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) waxa uu Qoraal u diray Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Guddoomiyaha Maxkamadda ICC, isagoo u shaaciyey Go’aankiisa ku aadan dhamaadka Xilli- Hawleedkii u joogay Xarunta Dhexe ee Maxkamadda ICJ ee magaalladda Hague ee dalka The Netherlands. Wargeyska Maalinlaha ee Yedioth Ahronoth Daily waxa uu shalay oo Arbaco ahayd qoray in Ergaygii Israel u matalayey Maxkamadda ICC uu isku casilay sababo khaas u ah  isaga iyo Qoyskiiisa. Is-casilaadayda waa sababo Shaqsiyan iyo mid  Qoys ahaaneed” ayuu yiri  Ergaygii Israel u joogay Maxkamadda ICC. Aharon Barak oo 87 jir…

Read More

Dowladda Spain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ku biirtay Dalalka Dacwadda ka dhanka ah Israel u gudbiyay Maxkamadda ugu sarreysay Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arrimaha Dambiyada ee ICC loosoo gaabiyo isla markaana uu ka furan yahay kiiska ay soo aasaastay Dowladda Koofur Afrika. Spain ayaa sheegtay in Israel ay dhegaha ka furaysatay dhammaan baaqyada caalamiga ah taas baddelkeedana ay qaadday tallaab ka dhan ah bani aadamnimada loona baahan yahay in lagula xisaabtamo Xukuumadda Talada haysa si caddaalad loogu helo Dadkii lagu dhibaataayay Magaalada Gaza. Xukuumadda Madrid ayaa sheegtay in aanay marnaba ka gamban doonin ka dhiidhinta…

Read More

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumada Somaliland iyo koomiishanka doorashooyinka uga digay waxkasta oo doorashooyinka hargardaamayn kara. Guddoomiyaha oo ka hadlay qalab cusub oo dhawaan la sheegay in ay suuragaltahay in lagu galo doorashooyinka, ayaa sheegay in qalabkaasi uu doorashada dib u dhigi karo, isaga oo digniin u diray madaxwaynaha. “13 November haday doorasho qabsoomiwaydo 13 December kursigaasi wuu banaanaanayaa oo shirkii Boorama 2 ayaanu qabanaynaa, ama doorasho ayaad ku bixi doontaa ama codka shacabka ayaad ku bixi doontaa” ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe. Waxa uu sheegay in Somaliland anay doorasho ku gali karin qalab cusub sida uu Wasiir…

Read More

Goob-jooge kale ayaa ka warbixiyay hawsha argagaxa leh ee tirinta dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay. “Ilaa hadda, waxaan in ka badan 120 qof ku aasnay ​​xabaal wadareed ku yaalla bartamaha tuulada,” ayuu yiri. Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad badan oo ku sugan tuulada Wad Al-Noura oo ku hareeraysan tobanaan meydad ah oo loo diyaarinayo in la aaso. Muuqaal kale ayaa la sheegay in uu muujinayo Maleeshiyada RSF oo hubka culculus tuulada la dhexmaraya Ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF labaduba waxay la kulmeen eedeymo hagar la’aan ah oo ku saabsan xasuuqa rayidka tan iyo markii uu dagaalka sokeeye…

Read More