Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wararka ay daabacayaan qaar kamid ah Warbaahinta Dalalka Carabta ayaa kusoo warramaya in xaaladda Caafimaad ee Boqorta Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Salmaan Bin Cabdicasiis Al-Sacuud ay aad u liitado saacadihii lasoo dhaafay. Warbaahinta sheekadaan ka qortay xaaladda Caafimaad ee Boqorka Sacuudiga ayaa soo xigatay ilo kala duwan oo aanay si toos ah carrabka ugu dhufan balse u xaqiijiyay in la dhigay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee boqortooyada u gaarka ah. Wararka ayaa intaas kusii daraya in 88 jirkaan dhaxaltooyada u helay hoggaaminta boqortooyada carbeed ee Sacuudiga waa Salmaan Bin Cabdicasiis ay ehelkiisa xubno kamid ah ay ka xog-warraysteen dhaqaatiirta…
Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxtooyada Hargeysa ku qaabiley Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu-duwaha Gargaarka bini’aadantinimada, Mr. George Conway oo ay wehelinayeen madaxda ugu sareeya toban Hay’addood oo Qaramada Midoobay ka tirsan. Kulankan oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaalmada ay hay’adaha qaramada midoobay ka taageeraan Somaliland iyo dardar-gelinta iskaashiga wada shaqayneed gaar ahaan dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee sannadkan qorshaysan, si waafaqsan shuruucda dalka Somaliland iyo ta caalamiga ahba. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ku booriyey madaxda Wasaaradaha kala duwan ee dalka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay inay kuwada shaqeeyaan isfahan iyo shuruucda…
Burcad badeed Soomaali ah ayaa gacanta ku dhigay markab lagu magacaabo Basilisk kaasoo ahaa kuwa xamuulka (General Cargo Ship, IMO 9539377) Markabkan oo ku gooshaya calanka dalka Liberia wuxuu ku jihaysnaa dakada Jabal Al ali ee Abu dhabi UAE wuxuuna kasoo shiraacday magaalada Rotterdam ee dalka Britain isagoo kusoo hakaday dekadda Porto Grandev ee jasiirada galbeedka afrika ku taalla ee Cape Verde. Xiliga la weerarayey wuxuu marayay meel 400 nautical miles (742km) uga beegan koonfur galbeed magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose. 17 shaqaale ah ayaa saaran sida la sheegay waxayna wali ku xaniban yihiin qolka badbaadada ee markabka iyadoo kooxdii…
xusan ayaa sheegaya, in aan la tabin hadallada keeni kara kicin dad weyne ama abuuri kara khalalaaso; sidoo kale in aan la baaahin wax lid ku ah ammaanka. Xeerka Warbaahinta qodobkiisa 3-aad oo ka hadlaya Xorriyadda Warbaahinta, faqraddiisa koowaad waxa uu dhigaya in, “Warbaahintu ay u madaxbannaan tahay fulinta hawlaheeda warbaahineed ee noocyada kala duwan, ayadoo dhawreysa shuruucda iyo anshaxa warbaahineed (code of conduct).” Sida ku xusan qodobka 4-aad ee xeerka warbaahinta, kaas oo lagu xusay waxyaabaha ka reeban warbaahinta, waxa uu dhigayaa in warbaahinta ay ka reeban tahay; baahin warar been abuur ah, hurinta colaadda, dhiirigalinta qabyaaladda, dacaayad aan…
Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Maalinta Sabtida ah ee soo socota go’aan ka gaari doonta Kiiska Dacwada Musuqa ah ee loo heysto Agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka. Xubnahan oo dhegeysiga dacwadoodu ka socotay mudooyinkan Maxkamada ayaa badankood waxay yihiin maqanayaal baxsad ah inkastoo ay qabsadeen qareeno u dooda intii bay socotay dacwadooda. Kiiskan, ayaa ah, kii maxkamadda Gobolka Banaadir ugu dheeraa ee ay abid ay qabato iyadoo ay socdeen dhageysigiisa muddo ka badan 8 bilood. HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADA Radiohalgan.com
Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay caawa wax yar ka hor salaadii maqribka magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Al-Naciim oo ku taalla degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa sheegaya in goob ay ku qayilayeen askar ka tirsan ciidamada dowlada iyo dad shacab ah uu isku qarxiyey qof watay mooto qaraxyo lagu soo xiray oo xawaare sare ku socotay. Ugu yaraan lix qof oo ka tirsanaa dadkii halkaas fadhiyey oo u badan askar ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen weerarkaas, halka…
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka kooban 70 askari. Askartan ayaa kamid noqonaysa qeybta hab-maamuuska gaar ahaan ee Baanda Musikada Booliska Soomaaliyeed, sida uu shaaciyay taliska booliska. Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidankaas ayaa waxaa goobjoog ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo saraakiil kale. Ciidankan cusub ayaa muddo ku qaadanayay tababarka dugsiga Tababarka ciidanka booliska ee S/Guuto Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasi oo ay maanta ka qabsoomtay munaasabadda loogu soo xirayay tababarka. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si…
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo So Jeediyay Hal Arin oo Muhiim ugu Ah Beelaha Xawaadle Hoos ka daawo Muqaal Ugaaska Beelaha Xawaadle https://youtu.be/gdhieYLDpR8?si=mFiMje-bK4PMxiRs
Odayaashii Ku so dhaweeyay Deegaanka Gasle ee Gobalka Hiiraan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan. HOOSE KA Daawo https://youtu.be/iBwWV3QQL3Y?si=KWoV22hdm75CHMNh
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, haatanna ah xildhibaan katirsan baarlamaanka aqalka hoose, Dr Cali Saciid Faqi ayaa sheegay inay jiraan, warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka dalbaneyso Fawzia H. Adam in ay ka tanaasusho musharaxnimadeeda gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika. Dr Cali Saciid Faqi ayaa sheegay, haddii uu warkaasi uu dhab noqdo uu ahaan doono mid aad looga xumaado maaddaama ay Soomaaliya ku noqon doonto khasaare weyn sida uu sheegay. “Doorka guddoomiyaha AUC wuxuu xambaarsan yahay saameyn aad u weyn, mana aha oo kaliya mid waxtar u leh dalka laakiin sidoo kale wuxuu kor u qaadayaa maqaamkeenna qaran,”…