Author: radiohalgan.com

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tacsi u diray qoyska, asxaabta iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka geeriyooday Ugaas Mowliid Ugaas Cabdullaahi Ugaas Axmed. Ugaas-ka ayaa ka mid ahaa dhaqanka waqtiga geliyay dhismaha Dowladda Hirshabeelle waxana uu ku lahaa door weyn. “Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa qoyska, asxaabta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaas Mowliid Ugaas Cabdullaahi. Kaalin muuqato ayuu ku lahaa Dowladda Hirshabeelle.” Gabogabadii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Rabbi ugu baryay inuu geeyo Janna Fardowsa.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimadii iyo Midnimadii dalka isaga oo kagala qeb galay shacabka Soomaaliyeed. Dr Xasan ayaa intii uu joogay shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirka ummadda iyo waxkasta oo keeni kara kala tag, sidoo kale in ay adkeystaan/xajistaana dhaxalka awooweyaashood. Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taalada Daljirka Daahsoon iyo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo gaardis ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo ubax dhigay Taalada Daljirka si loo maamuuso halyeeyadii…

Read More

Goolhayihii Kooxda Kubadda Cagta Ipswich Town Ninka lagu magacaabo Vaclav Hladky ayaa si rasmi ah isaga tagay Naadigaan Sanadkaan usoo dalacay heerka koowaad ee Horyaalka Dalka Ingiriiska ee loosoo gaabiyo EPL. Vaclav ayaa waayay heshiis kordhin uu ka sugayay Kooxdiisa sanadkaan dheeleysa heerka koowaad ee Horyaalka Enlgand waxaana uu sidaas ku noqday mid xor ah oo koox kale ka raadsado naadigaas sida ku xusan heshiiskii ka idlaaday. Goolhayaan jira 33da sano ee lagu magacaabo Vaclav Hladky una dhashay Dalka Czech ayaa ah waaya-arag Shabaqa u waardiyeeyay Naadigaan kulamo muhiim ah oo ay kusoo heshay dhibco ay ku timid heerka maanta…

Read More

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadad & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta u safray Dalka Turkiga si ay ugu qaybgalaan wadahadalka Ankara ay garwadeynka ka tahay ee Itoobiya ay la yeelanayaan. Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadad Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Turkiga ay wadahal dhex-dhigayso wufuudda kala metalaysa Xukuumadaha Muqdisho & Addis Ababa. “Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda…

Read More

Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36 Malyan oo ahayd deyntii Sanduuqa OPEC uu Soomaaliya ku lahaa, lacagtaan ay Dowladda Saudi Arabia ka bixisay Dowladda Soomaaliya waxaa loo yaqaanaa (Bridge Loan). Sida lagu daabacay bogga Al-Carabiya. Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa qeyb libaax leh ka qaadatay Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada xaajoodka deyn cafintaan xalka looga gaaray iyo habkii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Soomaaliya ku matalalay kulankaas oo ka dhacay magaalada Vienna ee magaalo madaxda dalka Austria.…

Read More