Author: radiohalgan.com

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalka Dab-damiska ka socda ee lagu sal-kicinayo Dadka degen Dhulkaas oo horay Dowladda Federaalka Digniin u siisay. Cabdifitaax ayaa sheegay in Dhulkaan sababta Dowladda ay ugu baahatay ay tahay in xal waara loo helo Dabka ka kaca Suuqyada & goobaha kale ee Caasimadda ku yaalla oo sanadihii lasoo kordhay waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu bogaadiyay Dadka Deegaanka oo uu ku sheegay in intooda badan ay qaateen soo jeedinta ka timid Dowladda Federaalka oo ay ugu muujisay baahida ay u qabto Dhulkaan kuwaas…

Read More

Ciidanka Israaiil ayaa weeraray xarunta Hay’adda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga & Gargaarka Falastiin ee loosoo gaabiyo UNRWA sida ay kusoo warrameen ilo kala duwan oo xogtaan la wadaagay Warbaahinta. Saraakiil Katirsan Ciidanka Israaiil ayaa ku dooday in Xarumaha Hay’adda UNRWA ay yihiin goobo ay gabbaadsadaan xubno katirsan Dhaqdhaqaaqa Iska caabbinta kala soo horjeeda ee Xamaas kuwaas oo dagaallo ay ku dhiig-bixiyeen Yuhuudda la galay. Qoysas badan oo halkaas u degay in ay ku helaan nolol uga wanaagsan tan guryihii ay degenaayeen oo intooda badan ay burburiyeen Ciidanka Israaiil ayaa la arkayay iyaga oo markale kasii baxsanaya goobtaasi. Sarkaal…

Read More

Qaybta baarista ee BBC Afrika ayaa daaha ka rogtay dhacdooyin naxdin leh oo dad da’ ah lagu eedeeyay sixir, markii dambese loo dilay dhul dartii, xeebta Kilifi ee dalka Kenya. BBC ayaa ogaatay sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilalkaas. Tambala Jefwa oo ah afar iyo todobaatan jir ayaa isha kaliya ee u hartay ku eegaya meel bannaan ah, xilli xaaskiisa Sidi ay si xushmad leh uga siibayso shaarkiisa. Waxay ku dhufteen mindi sidan oo kale ah weyna soo jiideen’’ ayay tiri iyadoo tilmaamaysa lafta dheer ee ka soo baxsan garabkiisa. Waxay kaloo soo qabatay madaxiisa, iyadoo gacanta ka saaraysa,…

Read More

Dalalka Xad-wadaagga ah ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ee kala ah Niger, Mali & Burkina Faso oo awooddooda maamulka awood kula wareegeen Militariga Dalalkaas ayaa ku dhawaaqay Isbaheysi cusub oo ay ku midoobeen. Ujeedka Ururkaan lagu magacaabo SAHEL waa in ay ku mideeyaan Madaxda Dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso si ay u gaaraan midnimo & horumarinta Danaha ka dhaxeeya maadaama Dalalka kale intooda badan ay diideen xukun-maroogsi ay sameeyeen. Saddexdaan Dal ayaa isaga baxay Isbahaysiga ECOWAS oo ay xubno ka yihiin Dalalka dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika, mar haddii ay tuke cambaar leh uu ka dhigay afgambiga ay xukunka ku…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Hirshabelle mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta gaaray deegaanka Waab-weyn oo kamid ah deegaanadii Argagaxisada laga saaray isla markaana horumaro badan durba aay ka jiraa. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socday waxaa deegaanka Waab-weyn sodhaweyn maqaam sare leh ugu sameeyay Guddoomiyaha Dhallinyarada Hirshabelle Cabdirisaaq Al-cadaala Odayaasha dhaqanka waxgaradka Aqoonyahada Haweenka iyo boqolaal kamid ah bulshada Waab-weyn. https://youtu.be/2qeyuHZPmMU?si=jDtocu4IgG7L4cG1 Deegaameyn balaaran ayaa socota halka isku tashi bulsho dadka ree Waab-weyn ku dhisteen xaruumo Caafimaad iyo Waxbarasho, Madaxweyne ku xigeenka dowladda Hirshabelle mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo masuuliyiin la socday ayaa kormeeray celbiyoodka dhawaan laga hirgeliyay Waab-weyn…

Read More

Lamaane ku nool magaalada Kano oo loo yaqaanno “caasimadda furiinka” ee dalka Nigeria, ayaa lagu ammaanay guurkooda dheer kadib markii ay dhawaan u dabaaldegeen sannad-guuradii 50-aad ee guurkooda. Maxmuud Kabir Yuusuf iyo Rabiatu Tahir, ayaa BBC-da uga warramay sirta farxaddooda iyo sababta guurka badan ee uu u fashilmo magaalada waqooyiga Nigeria ku taalla ee Kano, muuqaalka ay arrintan ku sharaxeen ayaa falcelin badan dhaliyey. Maxamuud Yuusuf, oo 76 sano jir ah ayaa arrintan ku macneeyey xaaskiisa oo leh sifooyin deeqsinimo iyo naxariis, isagoo BBC-da u sheegay “Iyadu waa qof nafta uu hurtay , wax badanna ka qayb qaadatay guusha guurkeena.”…

Read More

Kororka socdaalka ee dabayaaqadii 1990-meeyadii iyo horraantii 2000-meeyadii ayaa koobka Yurub u beddelay dhacdo dhaqan ahaan ka duwan sidii hore. Tartanka hadda socda 2024 ee gaaray afar dhammaaadka, tiro ka mida kooxaha ku jira tartanka , waxaa u ciyaara ciyaaryahano asal ahaan ka soo jeeda Afrika, kuwaas oo xulalkooda ku soo bandhigay guulo iyo bandhigyo cajiib ah. Kevin Danso, ayaa tusaale u ah kuwa badan oo ka mid ah. Waa difaac dhexe oo 25sano jir ah oo u ciyaarayey dalkiii uu ku dhashay ee Austria, oo ku haray wareega 16 ee koobkan. Wuxuu Danso, ku koray Ingiriiska isagoo lix sano…

Read More

Si kasta oo aan isugu dayno aniga iyo adiga iyo dhammaan dadka nagu xeeran, misna hadii wadku na daayo waxaa na deyneyn gaboow. Waa geedi socod qofkasta uu marayo, balse dhammaan isku si uma wada gaboowno, taasina waxaa caddeyn u ah bani’aadanka iyagoo isku da’ ah ayey haddana siyaabo kala duwan da’ada uga muuqataa. Seynisyahanada ayaa aaminsan sababta inay tahay kala duwanaashaha bayooloji kaas oo go’aamiya sida degdegta ah ee qof walba u duqoobayo, waxaana loo yaqaan Noocyada da’da. Noocyada da’da Michael Snyder waa khabiir bayooloji waxa uuna hurmuud ka yahay cilmibaarista. Snyder sidoo kale waa madaxa qeybta hiddo-sidaha ee…

Read More

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan mudane Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa maanta Magalada Beledweyne ka daah-furay tababar loo qabtay xubnaha bulshada rayidka ee hoos-taga Mashruuca nabadda iyo u hiilinta haweenka Somaaliyeed. Tababarkan waxaa soo qaban-qaabisay guddoomiyaha Haweenka gobolka Hiiraan Farxiya Cabdirashiid Cabdi waxaana daah furka tababarka ka qeybgalay madax kala duwan oo dowladda Hirshabelle kamid ah. Gudoomiyaha uruka haweenka gobolka Farxiya Cabdirashiid Cabdi iyo xubno kale oo ka caawiyay tababarkan ayaa ugu horeyn madashada ka hadlay ayaa bulshada tababarka ka qeybgshay ugu baaqay in cilmiga aay barteen bulshada kale u faaideeyaan.…

Read More