Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday sababtii ay Reds guusha wayn uga gaadhay kooxda Chelsea. Reds ayaa 4-1 kaga badisay kooxda chelsea kulan ka tirsanaa premier Legaue kana dhacay garoonka Anfield. Klopp oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhiββBilawga waxa uu ahaa mid aad u fiican, waxa aanu dhalin karaynay goolal badan waxana ay ahayd in aanu dhalino goolal badanβ. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: βMa dhalin kartid shan ama lix gool oo aad ka dhaliso Chelsea hadii aanad heer sare ahaynβ. Kooxda Liverpool ayaa dib u soo celisay dhibcaha ay ku hogaaminaysay horyaalka ka…
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Darwin NΓΊΓ±ez ayaa loo diwaan galiyay rikoodh xun kulankii ay kooxdiisu ka badisay chelsea. Darwin NΓΊΓ±ez ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulanka inkasta oo uuna wax gool ah dhalin. Xiddiga ayaa dhigay rikoodh xun intii ay socotay ciyaartu kadib markii uu dhawr mar garaacay birta goolka. Darwin NΓΊΓ±ez ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay tan ilaa 2003/2004 ee 4 jeer birta ku dhufta kubad kulan kaliya horyaalka premier League. Sidoo kale Nunez ayaa 7 jeer birta kubada ku dhuftay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu 2 jeer ka badan yahay xiddigaha…
Kooxda Liverpool ayaa xasuuqday Chelsea kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Anfield. Reds aya ahayd kooxda fiican guud ahaan ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa chelsea. Daqiiqadii 23-aad ayay Liverpoold dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo si cajiib ah u dhaliyay goolka. Waxa goolka 2-aad u dhaliyay Liverpool xiddiga daβyarka ah ee Conor Bradley kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa. Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ahayd kooxda ku fiican dhinac kasta. Qaybta dambe ayay Liverpool ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga doonayay in ay dhaliyaan goolal kale. Daqiiqadii…
Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay in shir weyne qaran oo ay isugu yimaadaan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kaasoo diiradda lagu saari doono xaaladaha horu-tebinta leh ee dalka ka jira. Intaas ka dib qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo ay ka mid yihiin kuwa mucaaradka ah ayaa soo saaray faallooyin ay kaga hadlayaan shirka uu Deni ku baaqay iyaga oo soo dhaweynaya. Waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo isagu ay ka wada hadleen hogaaminta madaxweynaha ee shir qaran. βKulankii u danbeeyey ee…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa sababta keentay mayd laga celiyay isaga oo aan lagu tukan masjid ku yaalla deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedkaMuqdisho, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan. Sheekh Nuur Cali Jaamac oo kamid ah culimada masjidkaas oo lagu magacaabo Waalidayn ayaa ka hadlay sababta loogu dukan waayay marxuumka ee dib looga celiyay masaajidka. Ugu horreyn Sheekha ayaa sheegay in masjidka Waalidayn uu yahay masjid weyn, isla markaana ay aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad wada islaam ah, sidaas daraadeedna aysan iyagu dadka weydiin in qofka la keenay uu yahay islaam ama gaal, sida…
Waxaa shalay iyo xalay sii xoogeystay dadaallada caalamiga ah ee loogu jiro sidi loo heli lahaa xabad-joojin kale oo ka hirgasha Marinka Gaza, xilli ay wali ciidamada Israβil sii wadaan duqeymaha iyo dagaalka culus ee ay ka waddaan Gaza. Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, in Xamaas ay dib u eegis ku sameyneyso qorshe loo soo bandhigay oo Gaza looga hirgelinayo xabbad-joojin lix todobaad ah. Soo jeedintaasi ayaa ka soo baxday wadahadallo maalmahan ka socday magaalada Paris oo xal loogu raadinayo qaboojinta dagaalka Israβil iyo Xamaas. Dhanka kale, waxaa kasii dareysa xaaladda baniβaadannimo eek a jirta Marinka…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweeyey shirka uu gogoshiisa dhigay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo dhawaan dib loo doortay, shirkaas waxaa muuqata in siyaasiyiinta mucaaradka ah ay aad u daneynayaan. Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirkaan uu ku soo aaday waqtigii loogu baahida badnaa, isagoo soo tiriyey caqabadaha Soomaaliya heysta ee mudan in looga tashado shirka Garowe gogoshiisa la dhigay. βWaxaan soo dhawaynayaa gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni xilligaan uu dalku waajahaayo xaalado culus oo ay ugu muhiimsanyihiin; amniga, arrimaha dastuurka, qaab dhismeedka doowladnimada, midnimada…
Dowladda Mareykanka ayaa markale taageero u muujisay dowladda Soomaaliya, oo xilligaan ay is-hayaan Itoobiya oo ayadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya. Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee ayaa shaaciyya in dalkiisu uu Midowga Afrika, IGAD, iyo ururrada kale ee caalamiga ah la wadaagayo aragtida ah in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in Mareykanka uu walaac ka qabo heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku gaareen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Raβiisul Wasaare Abiy Axmed, inuu wax weyn u dhimi karo dagaalka Al-Shabaab. βWaxaan walaac ka qabnaa in heshiiska…
Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii shalay ku eedeysay malleeshiyo ku sugan Ciraq oo ay taageerto Iran, in ay ka danbeeyaan weerar loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah, oo ku sugnaa saldhig Mareykanka uu ku leeyahay xadka Urdun iyo Suuriya. Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby, ayaa sheegay in Mareykanku rumeysanyahay, in weerarkaasi ay qorsheysay, fududeysay isla markaana gacan ku laheyd qalabka lagu fuliyay Kooxda Iska-caabinta Islaamiga ee ku sugan Ciraq. Kooxahan oo ku mideysan hal dallad ayaa waxaa ku jira garabka Kataib Xizbullah, sida ay sheegtay Dowladda Mareykanka. Afhayeenka Guddiga Amniga Qaranka,…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga. Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka argagixisada, taas oo imaanaysaa haddii aan…
