Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Taliska booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saaray xaaladda guud ee dalka, iyadoo warbixintaan lagu dul-istaagay shaqaaqooyinkii dhacay toddobaadkaan, halka uu marayo murankii dhulka dabdemiska ee dadka lagu dilay iyo arrimo kale. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo galabta shir jaraaโid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dadka degan dhulka Dabdemiska ee Isbitaalka Banaadir u dhow loo qabtay labo toddobaad, isla markaana uu hadda dhamaaday kala bar waqtigaas. Maalmo ka hor dadka degan dhulkaas waxaa loo diray ciidamada Haramcad, si ay u barakiciyaan, balse waxay xaaladu xumaatay markii ay ciidamadu dileen nin askari ah oo waardiye ka ahaa…
Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ee ka howlgala magaalada Hargeysa ayaa baadigoob ugu jira saddex dumar ah oo ku eedeysan in jirdil iyo sumcad dil u geesteen nin dhallinyaro ah oo ay guri ku ballamiyeen. Afar haween ah oo Hargeysa degan ayaa lagu eedeeyay in ay jirdil u geesteen nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Cayduruus Cali, waxaana ninkan guri ku ballamisay gabar la sheegay in xiriir wada sheekeysi kala dhaxeysay. Booliiska ayaa howlgal ay sameeyeen horey ugu soo qabtay Hoodo Cabdi Cali oo 28jir ah, gabadhan ayaana la sheegay in ay aheyd qofkii ninka la jir dilay lagana duubay muuqaalka…
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay dagaalyahan katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaa oo kasoo goostay kooxdii uu katirsanaa iskuna dhiibay ciidanka dowladda. Maxamed Ibraahim oo Magaca afgarashada Al Shabaab loo yaqaano (Najiib ) ayaa isku soo dhiibey taliska Guutada 8-aad ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Qeybta 60aad. Maxamed Najiib oo Muddo 3-Sanno ah Al Shabaab u qaabilsanaa Jabhada , ayaa ka qayb qaatey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Laamu iyo Mandheera ee dalka Kenya . Maxamed Ibraahim ayaa Saraakisha ciidamada u sheegay In tababar uu ku soo qaatey degmada Saakow ee gobalka Jubadda Dhaxe ee Somalia, isaga oo…
Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyno kusoo rogtay saddex shirkadood oo laga leeyahay dalka Sudan, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin colaada muddo sanadka ku dhaw ka socota dalkaasi. Shirkadaha Mareykanka cunaqabateynta kusoo rogtay waxaa kamid ah Bankiga Alkhaleej iyo Al-Fakher Advanced Works, waxaana labadan shirkad lagu eedeeyay in ay gacanta ku hayaan ayna taageerayaan ciidamada Gargaarka Degdegga ah (RSF). Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn saartay shirkadda kale ee Zadna International oo kamid ah shirkadaha waa weyn ee Sudan ka howlgala, shirkadan ayaa iyana lagu eedeeyay in ay taageerto ciidanka milatariga Sudan. War-saxaafadeed kasoo baxay waaxda maaliyadda ee Maraykanka…
Heyada Gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin (UNRWA) oo ah hayโadda gargaarka ugu weyn ee Gaza ayaa sheegtay iney joojineyso howlaheeda bariga dhexe wixii ka dambeeya bishan Febraabyo Talaabadan ayaa timid ka dib markii ku dhawaad โโ20 dowladood ay hakiyeen $440 milyan oo ay ku bixinayeen maalgelinta Hayโaddaas โHaddii maalgelinta la hakiyo, waxay u badan tahay in nalagu qasbi doono in aan xirno hawlaheenna dhammaadka Febraayo ma aha oo kaliya Gaza laakiin sidoo kale gobolka oo dhan.โ ayuu yiri Guddoomiyaha UNRWA Philippe Lazzarini. Heyadda UNRWA marka laga yimaado Gaza waxay sidoo kale caawisaa qaxootiga Falastiiniyiinta ee qaybaha kale…
Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa xiray Dr. Dessalen Chane, oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka baarlamanka dalkaas sida ay sheegeen qoyskiisa. Afar ka mid ah ciidamada nabadsugidda hubeysan ayaa ku lug lahaa xariga, kuwaasoo labo ka mid ah ay xirnaayeen dareska ciidamada booliska dowladda federaalka. Dr. Dessalen Chane ayaa caan ku ah dhaleecayn xooggan iyo fikrado oo ka dhan ah xukuumadda Raโiisul Wasaare Abiy Ahmed xilliyada uu socdo shirarka Aqalka Hoose. Waxaa xusid mudan in uu ka maqnaa kulamadii u dambeeyay ee baarlamaanka. Xidhibaankan ayaa ka soo jeeda qowmiyada axmaarada oo dagaal baโan kula jirta dowlada Itoobiya, kuwaasoo doonaya iney meesha…
Wareegto ka soo baxday wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay Bacaha halka mar la isticmaalo kuwaas halis ku ah deegaanka. Wareegtada ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka kooban laba bogg ayaa lagu sheegay in guud ahaan dalka laga mamnuucay soo dajinta iyo ka gacansiga bacaha fudud ee halka mar laโisticmaalo. Wasaaradda Deegaanka ayaa soo saartay goโaannadaan:- Haddaba waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ay quseyso warqadan in ay u hogaansamaan awaamiirta kor ku xusan. Sida lagu yiri wareegtada ka soo baxday Wasaaradda. Ugu dambeen Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo…
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Shub) ayaa ka warbixiyay xaaladda xabsiga dhexe oo ay ku jiraan maxaabiis fara badan oo Soomaaliyeed. Taliye Shub oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto xabsiga, isla-markaana halis ku ah nolosha maxaabiista halkaasi ku xiran. Taliyaha ayaa sheegay in qaar kamid ah maxaabiista โay qabaan xanuunka HIV AIDS, kuwa kalena ay qabaan Tiibisho iyo Cagaarshowโ oo kamid ah cudurada faafa. โMeeshaan dad badan ayaa ku xiran oo Soomaaliyeed ninba waxbaa lagu keenay cid og malaha nin kasta waaran ayaa loo soo gooyay kadib xabsiga…
Hayโadda caalamiga ah ee daahfurnaanta adduunkaย ayaa waxay soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ay ku qiimayso heerka musuqmaasuqa adduunka (CPI). Hayโaddu waxay baartay 180 waddan oo mid walba lagu qiimeeyay 100-dhibcood. Qorayaasha warbixintan waxay tilmaameen in dhibaatada musuqmaasuqu aanay wax badan iska beddelin adduunka oo dhan. Hayโaddu waxay sheegtay in Soomaaliya ay kaalinta 1-aad kaga jirto liiska waddmada ugu musuq-maasuqa badan dalalka adduunka, iyadoo heshay 11 dhibcood oo kaliya. โSoomaaliya aad ayay ugu hoosaysaa inta badan tilmaamayaasha bini’aadantinimada, iyadoo ay haysato maamul xumo, colaado gudaha ah, horumar la’aan, dhaqaale xumo, faqri, sinnaan la’aan bulsho iyo jinsi, iyo xaalufka deegaan.” Ayaa…
War kasoo baxay Hayโadda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faah-faahiyay howlgal lagu fuliyay duqayn diyaaradaha nooca duulliye laโaanta Drones-ka ah ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan gaar ahaan Buq-aqable. Hayโadda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay magacyada iyo shaqooyinkii ay โASโ u hayeen 6da ruux ee duqaynta lagu beegsaday ayay Hayโaddu soo bandhigtay. Halkaan Hoose ka aqriso qoraalka NISA: Diyaaradaha duulliye laโaanta Maraykanka ee Drones-ka loo yaqaan ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay duqaynta ay ka fulinayaan qaybo kala duwan oo Gobollada Dalka gaar ahaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland & Koofur Galbeeda.
