Author: radiohalgan.com

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Bambaanooyin ah oo Xalay lagu weeraray guryo ku yaala xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.. Qaraxyada oo ahaa laba bambo oo nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray midka koowaad guri uu ka degan yahay magaalada Baydhabo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Kuuroow Amxaar oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed. Qaraxaas bambo kadib ayaa ilaalada guriga waxay fureen rasaas xoogan oo argagax kusii beertay dadka deganaa xaafadaas, hayeeshee lama soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa bambo iyo rasaastaba. Qaraxa labaad ayaa sidoo kale Xalay lagu weeraray…

Read More

Ciidamada badda Yurub ayaa lix qof oo burcad-badeednimo looga shakisan yahay xiray shalay kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal siday oo kasoo shiraacday Gacanka Cadmeed, sida ay saraakiishu sheegeen, tan oo laga yaabo inay qeyb ka tahay weerarrada burcad-badeednimo ee sii kordheysa ee ka imaanaya Soomaaliya. Weerarkan oo lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo uu ka babbanayay calanka Jasiiradaha Marshall ayaa kusoo aadaya iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerarayeen maraakiibta maraya Badda Cas iyo Marinka Bab el-Mandeb. Weerarrada ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiyada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka. Burcad-badeedda…

Read More

Dowladda Sacuudiga ayaa amartay in ciidamadu dili karaan dadka ka dhaga adayga inay ka guuraan goob loogu talagaay in la dhiso magaalada mustaqalka taas oo ay maalgalinta dhismaheeda fulinayaan shirkado reer galbeedka sida uu BBC u sheegay sarkaal hore oo wardoonka dalkaasi ka tirsanaa. Kornayl Rabix Alenesi, ayaa sheegay in lagu armay dadka deeganas inay ka baxaan xariiqaa inta loo qorsheeyey mashruuca Neom. Mid ka mida dadkii degganaa ayaa la toogtay k adib markii uu ka soo horjeensaday in gurigiisa laga saaro. Dowladda Sacuudiga iyo maamulka mashruuca Neom ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan. Mashruuca Neom, oo ah mida y…

Read More

Wadnuhu waa mid ka mida xubnaha ugu muhiimsan jirka bini’aadanka ee qabta shaqo la’aanteed uusan qofku noolaan karin. Si la mida xubnaha kale ee jirka waxaa jira xanuuno ku dhaca wadnaha. Xanuunada ku dhaca waxay u qaybsamaan kuwa lagu dhasho iyo kuwa ku dhaca qofka isaga oo weyn hase yeeshee sida ay muujisay cilmi baaris ay sameeyeen dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Erdogan sanadkii 2021-kii ayaa muujisay in bukaanada carurta ah ee booqday qaybta wadnaha ee Isbitaalka kuwaasoo qabay cabasho la xariirta wadnaha boqolkiiba lixdan qabeen xanuunada wadna furanka ama wadne daloolka. Markii ugu horeyeysay taariikhda Soomaaliya ayaa dhowaan yeelatay xarun…

Read More

Warbixin dhawaan la soo saaray, ayaa sheegeysa in iibinta alaabta Apple ee ay kamid yihiin taleefannada casriga ah ee Iphone-ka ay hoos u dhacday adduunka oo dhan. Iibka ayaa hoos u dhacay dhammaan waddamada marka laga reebo Yurub. Shirkadda ayaa sheegtay in dalabka taleefannadeeda casriga ah uu hoos u dhacay boqolkiiba 10 saddexdii bilood ee ugu dambeeyay sanadkan. Shirkadda Apple ayaa sidoo kale shaacisay in dakhliga guud ee shirkaddu uu hoos u dhacay boqolkiiba afar taas oo u dhiganta ilaa 90.8 bilyan oo doolar. Tani waa hoos u dhac weyn marka loo eego in ka badan hal sano. Laakiin natiijadu…

Read More

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa ku guulaysatay taageerada iyo doorashada xisbiga dimoqoraadiga ah ee DFL ee gobolka Minnesota kaas oo ah tartankeedii dib-u-doorashada ee degmada 5-aad ee Koongareeska Minnesota wareeggii koowaad ee codbixinta. Taageerada ayaa daah furaysa ujeedada xisbiga ee gobolka ka hor tartanka hordhaca ah ee bisha Agoosto. Xildhibaan Ilhaan ayaa ku guulaystey taageerada xubintii hore ee golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo ay kaga adkaatay Don Samuels oo ah ninka la tarmaya, kaasoo ay kaga guuleysatay boqolkiiba laba kaliya 2022-kii. Intii lagu guda jiray qayb su’aalo iyo jawaabo ah oo ka mid ah…

Read More

Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Taliyaha ayaa gudaha magaalada Baledweyne kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxgaradka gobolkaas iyo qeybaha kala duwan ee dadka reer Baledweyne. Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlay xaalada guud ee amniga gobolka Hiiraan iyo waliba sidii dib loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab, waxaana taliyaha uu adkeeyay muhiimada ay dowladda Fedaraalka u leedahay in dalka oo dhan laga ciribtiro Ururka…

Read More