Author: radiohalgan.com

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 20 Mareegood ama Website-yo ay sheegtay in ay ka xidhay kooxda Al-shabaab. Website-yada NISA ay soo bandhigtay ayaa ahaa kuwii ugu waa weynaa oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda. Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook ku soo qaray, β€œin gabi ahaanba uusan jirin maanta bog ay leeyihiin Al-shabaab oo shaqaynaya”. Balse saacado uun ka dib markii ay dawladdu ku dhawaaqday xirista mareegahaas, ayaa waxa ay al Shabaab isticmaalayaan webiste-yo cusub oo wata isla magacyadii ay dawladdu sheegtay…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoog leh oo ka dhashay qarax uu sababay gaaska cunnada lagu karsado oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, ayada oo illaa hadda la xaqiijiyay dhaawaca ilaa 300 oo qof, sida Bisha Cas ee Kenya ay ku soo warrameyso. Sidoo kale waxaa jirta dhimasho ka dhalatay qaraxaan, waxaana la xaqiijiyay illaa hadda dhimashada laba ruux. Afhayeenka xukuumadda ayaa wuxuu sheegay in gaas la saarayey gaari kuwa xamuulka ah uu ka dhashay qaraxa, ayada oo dab xoog leh uu cirka isku shareeray. Goobjoogayaal ayaa sidoo…

Read More

1-da Janaayo 2024 ma noqon bilow Soomaalida xusuus wanaagsan u leh, meel walba oo ay joogaan, oo waxey qado tageen maalinkaas iyaga oo u wada careysan Abiy Axmed iyo Itoobiya. Halka Itoobiyaanka laga soo wariyay in ay dabaaldag qiireysan iyo is-marxabeyn isla dhexmarayeen maalinkaas oo idil. Wax walba waxa ay isbaddaleen dhowr iyo todobaatan saacaadood ka dib markii ay maamulka Soomaali-land oo mudo soddon sanadood u careysnaa xukuumadihii Xamar ay Djabuuti wada hadal dad badan ka yaabiyay, kula galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, si xal waara loogu helo kala-duriqii waqtig fog soo taagnaa. Inkastoo aad loo soo dhoweeyay, waxa kaliya…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba mamnuucday Bacaha halka mar la isticmaalo, kuwaasi oo gudaha dalka aad looga isticmaalo. Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Bacaha halka mar la isticmaalo ay halis weyn ku yihiin deegaanka, taasi oo keentay in la mamnuuco. Wareegtada Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka kooban laba bogg ayaa lagu sheegay in guud ahaan dalka laga mamnuucay soo dajinta iyo ka gacansiga bacaha fudud ee halka mar la’isticmaalo. Go’aannada kasoo baxay wasaaradda ayaa u dhigna sidaan hoose:- Sidoo kale wareegtada ka soo baxday Wasaaradda ayaa…

Read More

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Maxamed Deeyoow ayaa shalay u qubeeyey Taallada Xaawo-Taako, taasi oo fal-celin xooggan ay ka dhalatay. Dhawaan ayaa lasoo gaba-gabeeyey tartankii ciyaaraha gobollada oo Galmudug ayaa qaaday koobkii, waxaana sidaas looga badiyey xulkii uu taageersanaa Deeyoow ee HirShabeelle, taasi oo sababtay in uu sharadkii ka soo baxo oo u qubeeyo Taallada Xaawo-Taako. Muuqaal uu baahiyay Telefishanka Somali Cable ayaa waxaa kasoo muuqday Guddoomiye Deeyoow oo u qubeynaya Xaawo-Taako, wuxuuna sheegay sababta ku kaliftay inuu dhaqo oo nadiifiyo Taallada oo ku taalla afaafka hore ee madaxtooyada qaranka. β€œMarkii hore waxaan taageerayey xulka gobolka Banaadir, markii laga…

Read More

Soomaaliya waxay ku jirtaa dagaal diblumaasiyadeedkii ugu adkaa muddo rubuc qarni ah. Waxay wajaheysa Ethiopia, oo ayadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Nasiib darro’se Soomaaliya ayaa muddo ku siman laba bil aan laheyn wasiir arrimo dibadeed, xilli dowladda Soomaaliya ay iclaamisay dagaal diblumaasiyadeed ka dhan ah Ethiopia oo ay ka dhex tafantay tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed. In dalka uusan laheyn muddo intaas le’eg wasiir arrimo dibadeed ayaa shaki galineysa in dowladda federaalka Soomaaliya uu dhab ka yahay dagaalka Ethiopia, sida uu ka dhawaajiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.…

Read More

Taliyaha qaybta guud ee Nabadgalyada Waddooyinka (Taraafiko) Booliiska Soomaaliya Gen. Bishaar Axmed Geedi ayaa muddo kooban u qabtay Dadka dhistay hareeraha laamiga ee ah marinka loogu talagalay in ay ku kala badbaadaan Gaadiidka & Dadka socda. Gen Bishaar ayaa sheegay in aanay la aqbali doonin in la dhisto marshabiyeediga ama lagu dhaqo Gawaarida halka Dadka qaarna ay dhigtaan Gaadiidka ay wataan taasina ay keentay saxmad & dhibaatooyin kale. Bishaar ayaa ku dhawaaqay in berri oo Sabti ah kuna beegan 3da Febaraayo 2024 in ay billaabayaan howlgallo ay iska kaashanayaan Dowladda Hoose ee Xamar si loo burburiyo dhismaha β€˜Sharci-darrada ah’ ee…

Read More

Bulshada carabta ah ee ku sugan Dalka oo ay dhalashada labaad ka haystaan ayaa sameeyay dibadbax xooggan oo ka dhan ah Maamulka Madaxweynaha Dalkaas Joe Biden & Israaiil oo si wadajir ah isaga kaashanaya Xasuuqa ka dhacaya Dhulka Falastiin. Waxa ay soo qaateen boorar ay kusoo xardheen ereyo duraya Joe Biden iyo Israaiil si ay u muujiyaan xadgudubka xooggan ay ka gaysanayaan Dhulka Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza oo tan & horraantii Oktoobar 2023 si joogta ah dhiig ugu daadinaya. Dadkaan dibadbaxa dhigay ayaa dalbaday in maxkamad lasoo taago Mas’uuliyiinta Maamulka Madaxweyne Biden & kuwa Israaiil si loogu ciqaabo xasuuqa…

Read More

Ciidamada Maraykanka ayaa isu diyaarinaya inay ka jawaabaan weerarada joogtada ah ee lagu qaaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan bariga dhexe, kuwaas oo ay geysteen kooxaha gacan-saarka la leh dalka Iran. Kooxahan ayaa weerarkii ugu dambeeyey ka geystay saldhig ay leeyihiin ciidamada Maraykanka oo ku yaalla dalka Urdun, waxaana weerarkaas ku dhintay saddex askari oo Maraykanka ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 askari oo kale. Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin, ayaa Khamiistii sheegay in aanu Maraykanku u dulqaadan doonin, tallaabooyinka noocaas ah. Waa markii ugu horraysay ee xoghayaha difaaca ee Maraykanku uu warbaahinta la hadlo, tan…

Read More

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Maxamed Deeyoo ayaa galabta u qubeeyey Taallada Xaawo-Taako oo sharad uu ku galay hadii ciyaaraha gobollada laga badiyo HirShabeelle inuu dhaqi doono. Dhawaan ayaa lasoo gabagabeeyey ciyaartii oo Galmudug ayaa qaaday koobkii, waxaana sidaas looga badiyey xulkii uu taageersanaa Deeyoo ee HirShabeelle, taas sababtay in galabta sharadii ka soo baxo. Guddoomiye Maxamed Deeyoo ayaa u yeertay TV-ga Somali Cable, wuxuu tegay Taallada, waxaana muuqaalkiisa la baahiyey isaga oo u qubeynaya Xaawo-taako, arrinkaan ayaa hadalheyn badan ka abuuray baraha bulshada. Ninkaan oo ka mid ah dhalinyarada sida weyn u isticmaasha baraha bulshada ayaa sheegay sababta…

Read More