Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa shir guddoominayay kulanka golaha wasiirada Talaadadii, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, taasoo noqoneysa markii ugu horreysay oo boqorka Sacuudiga lagu soo warramo inuu qabtay howlo rasmi ah tan iyo markii la daweeyay in ka badan toddobaad. Boqorka oo 88 jir ah, oo ah ilaaliyaha labada masaajid ee barakeysan, ayaa noqday hoggaamiyaha dalka ugu weyn ee dhoofinta shidaalka adduunka sannadkii 2015. Waxa uu hore u ahaa dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka boqortooyda. Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa laga dhex arkay sawirada, isagoo guddoominaya shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaasoo ahaa muuqaal laga soo…
Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo soo gebagebeeyey dib-u-eegistii ugu horreysay ee hannaanka deyn cafinta ee Soomaaliya, ayaa soo saaray go’aan awood u siinaya kaas oo dhigaya in si degdeg ah loo bixiyo lacag gaareysa $10 Millyan oo dollar, taas oo loogu talagay dowladda Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa lagu sheegay in taageeradaan loo marin doona miisaaniyadda dowladda, taas oo ka dhigaysa wadarta guud lacagta Soomaaliya lagu taageeray qiyaastii $50 Milyan oo dollar. “Barnaamijku wuxuu taageerayaa istaraatiijiyadda dib-u-habaynta maamulka, ka dib markii la gaaro heerka dhammaystirka ee hoos yimaada hindisaha wadamada deymaha…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa kormeer ku tagey degmada Balcad si loo dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah. Isla markaana ay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku…
Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha ciidamada deegaanka Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa kormeeray Madashada loo asteeyay in lagu qabto shirka beesha Cali Madaxweyne oo lagu wado in saacadaha soo aadan uu ka furmo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiinta la socday ayaa warbixin dhanka amniga ah ka dhageestay saraakiisha amniga ee gacanta ku haaya goobta shirka lagu qaban doono. Shirweynaha beesha Cali Madaxweyne ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aaday uu ka furmo degmada Maxaas waxaana socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ew shirka.
Magaalada ayaa waxaa ka soconaya qabanqaabadii ugu dambeysay shirka – iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka goobta uu ka furmayo shirkan oo beesha Cali Madaxweyne oo kamida beelaha Xawaadle qabsaneyso. Kulamo hordhac u ah shirka ayaana ka soconaya gudaha magaalada kuwaa oo u dhaxeeya madaxda iyo dhaqanka beesha. Shirkan ayaa si weyn loogu lafa-guri doonaa masiirka beesha Cali Madaxweyne iyo arrimo kale oo muhiim u ah. Waxaana lafilayaa inuu guul iyo natiijo wanaagsan kusoo dhammaado.
Jowhar /29/May /2024/ Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle: Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo Mas’uuliyeen katirsa Maamulka Dagmadda Jowhar: Ayaa kurmeer kutagay kanaalka Xaan shooleey oo dhabaan lagu Sameeyay Dayactir balaaran: kanaal Kanaalkaan ayaa kabiiyo Cabo Beeraaleey aad ufarbadan: https://youtu.be/t5N3qEPBKlI?si=pB287lu0uqBvj_Gw Gudoomiyaha Dagmadda Jowhar ahna Duqa Magaalada Ayaa kahadlay Faa idad kanaalka https://youtu.be/l2HJB5e26XM?si=JUkxFbF4OgqrtreT
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaalya Saadaam Maxamuud Cabdi oo goordhaw shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday khataro kusoo fool leh xeebaha badweynta Hindiya. Wasiir Saadaam ayaa sheegay in la gaaray waqtiga bad xiranka, islamarkaana maanta wixii ka dambeeya ay xiran tahay galista bada ilaa laga gaaro bisha sagaalaad ee sanadkaan. Waxaa la gaaray xiliga bad xiranka waxaa loo baahan yahay in laga digtoonaado galista badda, ganacsatada, kaluumeysata waxaan uga digeyna galista badda oo khataro ay ka imaan karaan ,sida mowjado culus oo dabeylo ah oo halistooda leh, ganacsatada waa in ganacsigooda aysan…
Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Hiiraan mudane Hassan Axmed Barkhadle Ayaa soo dhaweeyey Madax ka kala socotay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Dowladda Hirshabeelle iyo mida Dowladda Federaalka Saraakiil ka socotay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu Hogaaminayo mareeyaha mashruuca damal cafimaad ee dowlada Hirshabeelle Mudane ahmed Sheikh Ali oo safar shaqo ku joogaan Magaaladda Baladweyne ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayaa Kormeeray Cisbitaalka guud ee gobolka Hiiraan oo kamid ah goobaha laga hirgaliyay Mashruuca Damal Caafimaad. Mashruuca Damal Caafimaad ee Gobolka Hiiraan wuxuu ka shaqeeya 5-ta degmo ee Gobolka hiiraan, iyo dhamaan tuulooyinka Gobolka, bisha April kaliya waxaa mashruuca…
Matabaan, 29-May-2024: In ka badan 20-mashruuc oo kala duwan ayuu galabta xariga ka jaray Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Mashaariicdan ayaa isugu jirtay xarunta maamulka ee degmada Matabaan, Saldhigga Booliska, Suuqa Xoolaha, Suuqa Ganacsiga, Garoonka Kubbadda cagta, Xarumo Caafimaad, Ceelal iyo Leyrarka Cadceeda ku shaqeeyo. Dadka deegaanka iyo Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Sheekeeye ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle taariikhda uu ka sameeyay degmada Matabaan. https://youtu.be/tevdjRFRZ4E?si=KnaAUg8aerRhm3Tl “Waad mudan tihiin intaan iyo ka badan waana hiilka aad ku leedihiin Dowladiinna.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xusay inay ka go’an tahay horumarinta deegaanada Dowladda Hirshabeelle. DHAMMAAD
Kooxda Barcelona ayaa Hansi Flick ka dhigtay tababareheeda cusub iyada oo ku badashay Xavi. Flick ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda ku hogaaminayo sanadaha soo socda. Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa waxyaabo laga yaabo aad uga baahantahay in aad ka ogaato Flick Iyo Barce. 1.Flick waa tababarihii 3-aad ee Germany u dhashay ee tababare u noqda Barcelona. Waxa ka horeeyay tababarayaasha Wiesweiler oo kooxda hogaamiyay 1975/1976 Iyo Udo Lattek oo kooxda hogaamiyay intii u dhexaysay 1981 ilaa 1983. 2.Flick waxa uu wakhtiga hore ka fadhiistay ciyaaraha markii uu ciyaartoyga ahaa. Sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay…