What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Warbixin uu qoray Brian Bloom oo lagu daabacay wargeyska ka soo baxa Israel ee “The Jerusalem Post” ayaa cinwanaan looga dhigay “Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga”. Qoraalka waxaa uu ku bilowday guul buuxda oo Israel ka gaarto Gaza waa wax aan sahal lagu gaari karin Qoraaga waxa uu sheegay Israel waa in ay sameysaa wax ay “Wajiga ku ilaalsan karto”. Dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday 8-da bilood laga soo bilaabo Oktoobar 7, waxaa la dhihi karaa Israel kuma guuleysan maadama guutooyinka Xamaas ah ay weli dhulka joogaan, ayna awood u leeyihiin in ay Tel Aviv duqeeyaan iyo sidoo…
Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ku dhiiratay inay si shaacsan u sheegto inay aqoonsaneyso Somaliland, xilli uu socdo qorshe lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii Addis Ababa. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland. “Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya. Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in…
Ugu yaraan 14-qof oo u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleyl xooggan oo ka dhacay dalka Sacuudiga, xilli ay ku guda jireen gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa sheegtay in 14 ka mid ah muwaadiniinteeda ay dhinteen “kadib markii ay la soo darseen xanuunno ka dhashay kulaylka ba’an” waxaana la sheegay in 17 kale la la’yahay. Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP, hay’adda bisha cas ee Iran ayaa xaqiijisay in 5 xujey Iraniyiin ah ay sidoo kale naftooda ku waayeen, balse ma aysan cadeyn sida ay u dhinteen. Saraakiisha…
Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inay jiraan dad fiirsanaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo dacaayad la dabajooga dowladda iyo maauuliyiinta dalka. Sidaan oo kale xalay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa uga jawaabay weerarrada loo mariyo baraha bulshada, isagoo codsaday in la iska dhaafo been abuurka iyo hadallada damqinaya boogaha. “Dadka faafinaya beenta raqiiska ah ee raba in danahooda kaliya loo fuliyo waa qaldan yihiin ee dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Guddoomiyaha oo hadda dalka ka ah kusime madaxweyne ayaa hadalkaan maanta ka sheegay Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka oo boqolaal…
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo ku siman 25 sano ah kaddib, waxay 15-kii jun 2015-kii billawday qaadista Imtixaanka shahaadiga ah dugsi sare (12-aad) ee dalka, taasi oo meesha ka saartay si toos ah dowrkii ay dalladaha ay ku lahaayeen ee qaadista imtixaankas, iyaga oo ku sababeeyey in xiligaas aysan ahayn wakhtigii ay ku habooneed, balse waxaa go’aankaas soo afjaray dowladda oo markaas ay Wasaaradda Waxbarashada ku dhiiratay in ay qaaddo Imtaxaanka Qaranka. Guud ahaan tirada ardayda fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka 2014-2015, ayaa lagu sheegay tiradooda in ay gaaraysay 287,000 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho; kuwaas…
Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, ayaa howlgal ay iska kaashadeen waxa ay la fuliyeen meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey oo ah deegaan u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud. War ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Ku dhawaad 30-kamid ah Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, howlgalkaas ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.” Sidoo kale warka dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Hawlgalka intii uu socday halkaas lagu…
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo shalay furay kalfadhiga 54-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimaha ay isku hayaan ee sababay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe. Sidoo kale Saciid Deni ayaa si cad baarlamaanka maamulkiisa uga hor sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wadahadal rasmi ah ay arrimaha masiiriga ah kala yeelato dowladda federaalka Soomaaliya. “Puntland waxay diyaar u tahay inay dowladda federaalka wadaxaajood toos ah kala gasho arrimaha masiiriga ah ee hortebinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Deni ayaa hoosta ka xariiqay in aysan waxaba iska bedelin…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la filayaa inuu booqdo Kuuriyada Waqooyi horraanta toddobaadka soo socda. Bartamaha Bishan, Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa kula kulmay Wariyeyaasha goobtii uu Madaxweyne Yoon Seok-yool ka joogay Kazakhstan, wuxuuna si rasmi ah u sheegay qorshaha Madaxweyne Putin uu ku tagayo Waqooyiga Kuuriya. Waxaa sidoo kale jira xog sheegeysa in Pyongyang ay durba bilowday isu diyaarinta booqashada Madaxweyne Putin ee Kuuriyada Waqooyi. Haddii booqashadan Kuuriyada Waqooyi ay dhab ahaantii dhacdo, Madaxweyne Putin waxa uu booqan doonaa Pyongyang markii ugu horreysay muddo 24 sano ah tan iyo 2000, markaasoo uu xukunka hayay hogaamiyaha Difaaca…
Maalmahan waxa taagnaa hadal haynta ku saabsan qubuuro ku yaala Avazione Muqdisho oo la hadal hayey in la doonayo in laga saaro halkii ay ku aasnaayeen (duugnaayeen). Arrintaasi waxay I xasuusisay khudbad uu 1972 kii ka jeediyey Mudisho Ismaaciil Cali Abokor, oo wakhtigaas ahaa https://youtu.be/9tUDJcPoS3g?feature=shared Madaxweyne ku-xigeen iyo Xoghayaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta, isagoo waxqabkii kacaanka ku faanaya in waxyaabaha ay qabteen ay ka mid ahayd in deyr 2400 mitir ah ay ku wareejiyeen qubuuraha Wardhiigley. Wuxuu kaloo xusay in sharafta dadka waxyaabaha lagu qiimeeyo ay ka mid tahay sida ay u qiimeeyaan kuwooda dhintay ee qubuuraha ku jira. Khudbada oo…
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici oo la hadlay Dad isugu soo baxay in ay oogaan Salaadda Ciidul-Adxaa ayaa soo hadal qaaday arrimaha Doorashooyinka & xaaladaha kale ee uu wajahayo Maamulkaas. Cabdiraxmaan Saylici ayaa tilmaamay in uu dhexdhexaad u yahay xubnaha Xildoonka isaga oo Shacabka Codaynaya ugu baaqay in ay codkooda ku aaminaan qofka ay u arkaan in uu awood u leeyahay xoojinta isku duubnidooda. Saylici ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kala fogeeyo Doorashada & Qabyaaladda taasine aanay ahayn dhabbaha lagu gaari karo guul ama horumar sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland…