Author: radiohalgan.com

Mudane Cosoble Celadhaan Waxaa ii muuqata siyaasadda Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud ee ku wajahan Gobolka Hiiraan iney fashil tahay, waxaana caddeyn u ah dadka uu soo dirsaday ee uu rabo iney ka fuliyaan Gobolka Hiiraan siyaasadda dowladdiisa. Mudane Madaxweyne uma heysan in sidaa sahalka ah laguu indha sarcaadin karo oo aad aamineyso qorshaha iyo talada dad aad si fiican u taqaan oo iney wax ku cayaaraan mooyee aan weligood waxba hagaajin. Mudane Madaxweyne waxaan kugula talinayaa inaad u soo dirsato Gobolka Hiiraan dad isku wadi kara iskuna xiri kara Xawaadle iyo dowladda dhexe, inta eysan xeero iyo fandhaal kala dhicin…

Read More

Xuseen Macalin Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda oo kaashanaysa Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah iyo Shacabka ay sii kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’. Xuseen ayaa sheegay in kacdoonka ka dhanka ah ‘AS’ uu kasoo dhex billowday Dadka rayidka ah oo uu ku sifeeyay in ay fahmeen dhibaatooyinka ay u gaysanayaan sida xoolahooda, nasabnimadooda & naftooda beegsanayaan waa sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka faaiidaysatay kacdoonka Shacabka iyada oo u gurmatay isla markaana xoojisay sidaasina uu ku billowday kacdoonka haatan ka socda deegaanno kala duwan oo…

Read More

Waddamada Carabta ee ka qaybgalay shirkii ka dhacay Dalka Baxrayn waxa uu soo jeediyeen in la helo ciidamo nabad ilaalin ah oo la kala dhex dhigo Falastiin iyo Israaiil si loosoo afjaro dagaalka daba-dheeraaday. Siyaasiyiin badan ayaa ka falcelisay arrintaan waxaana ay ku sifeeyeen in howshaan uu Maraykanka ka muumayo Daaha gadaashiis isla markaana horay ay u diiday ciidamadaan dhaqdhaqaaqa Xamaas. Carabtii shirtay ayaa qodobkaan diiradda saartay waxaana ay doonayaan in ciidamo kala dhalasho duwan oo safka hore ka noqon karaan kuwa intooda badan la safan Maraykanka kuna qanacsan tahay Israaiil halkaas la geeyo. Dowladaha xoogga saaraya ololahaan waa kuwa…

Read More

Dawladda Maraykanka ayaa hirgelinaysa nidaam cusub oo ay doonayso in si degdeg ah go’aan looga gaadho, kiisaska magangelyo doonka ah ee horyaalla maxkamadaha kala duwan ee Maraykanka, kuwaas oo haatan qaata muddo sannado ah, hase ahaatee waxaa hindisahan cusubi dhigayaa, in kiisaska magangelyo doonka ah lagaga go’aan gaadho qiyaastii muddo lix bilood ah. Tallaabadan ayaa maamulka Biden wuxuu doonayaa inuu wax kaga qabto, walaaca kala duwan ee ay qabaan, codbixiyayaasha Maraykanku. Hindisahan cusub oo lagu dhawaaqay Khamiistii shalay, ayaa sheegaya in qofka muhaajirka ah ee qaangaadhka ah ee soo galay dalka Maraykanka isla markaana u socda shan magaalo oo gaar…

Read More

Madaxweynahii Koowaad Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Barta Facebook iyo Twitter ku leeyahay ayoow ku qoray qoraal hoos ka Muuqdo. Mudane Cosoble ayaa yiri Shirka looga soo horjeedo Ugaska Xawaadle ee hadda la caleemo saaray ee la rabo in lagu qabto degmada Maxaas waxaa wada koox danley ah oo rabta iney kala qeybiyaan beesha Xawaadle, ujeedkoodana waa iney masabidaan Cali Madaxweyne kuna sheegaan inuu ka baxay Xawaadle. Waa shir xaaraan ah. Waxgaradka aqoonyahannada iyo dhaqanka beesha Cali Madaxweyne raali kama aha, weligoodna raali kama noqon doonaan, shir Cali Madaxweyne looga saarayo beesha Xawaadle. Cid walba ee u dhalatay beesha…

Read More

Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la horgeeyay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab iyo heshiis difaac oo dhawaan ay Soomaaliya lasoo gashay dowladda Kenya. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Salah Jama ayaa ugu horrayn warbixinta amniga looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo gaashaandhigga. Wasiirada labada wasaaradood ayaa waxay golaha la wadaageen abaabulka iyo diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii dambe uu ku yimid gaabis, kaasi oo maalmahan dhiig cusub lagu shubayo Sidoo…

Read More

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka Goalaha Wadatashiga Qaran, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoominaya shirka. Kulankaan ayaa baaqday bishii hore kadib markii ay cudur daarteen Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe. Sida aan horey u baahinay kulankaan waxaa diirada lagu saaraya doorashooyinka maamul goboleedyada, dastuurkii talo la’aanta uu madaxweynaha beddelay iyo dhismaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka. Laakiin Villa Somalia waxay ku darsatay la-dagaalanka argagixisada, xilli siddeedii bilood ee lasoo dhaafay aan la qaadin wax dagaal ah, tii oo madaxweynaha ku mashquulsanaa arrimaha dastuurka iyo colaadinta mucaaradkiisa Madaxda afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegayaa in…

Read More

Israel ayaa maanta sheegtay in shan kamid ah askarteeda ay ku dhinteen rasaas ay fureen taankiyada ciidanka ka dagaalamaya Gaza. Militariga Israel ayaa sheegay in shanta askari ay dhinteen Arbacadii kadib markii laba taanki ay si khalad ah u duqeeyeen dhisme ay askarta ku sugnaayeen, intii lagu guda jiray isku dhac ka socday xerada qaxootiga Jabaliya ee waqooyi. “Shan askari oo ka tirsan guutada 202-aad ayaa xalay lagu dilay dhacdo khasaare xoogan gaystay oo ka dhalatay rasaas ay fureen ciidamadeenna,” ayuu yiri milateriga oo intaas ku daray inay kaga dhaawacmeen toddoba askari oo kale. Dagaal culus ayaa mar kale dib…

Read More

Magaalada Manama ee dalka Bahrain waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo meertada 33-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta kaas oo ay isugu imaanayaa dhammaan hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah ururkaan kuwaas oo wada gaaray halkaas. Soomaaliya shirkaan waxaa ku matali doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray xalay dalka Bahrain, iyada oo halkaas ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo madax loogu talagay in ay soo dhaweyso wufuuda. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Axmed Macallin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan ay Soomaaliya ku soo bandhigi doonanta guulaha…

Read More