Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowlad Goboleedka Galmudug oo war ka soo saaray hubkii sida sharcirada ah dalka looga soo geliyey waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa ku guda jira sidii sharciga loo hor keeni lahaa dadkii falkaas ka dambeeyey, waxaana qoraalkaan hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee dowladda federaalka looga dalbaday in ay arrinkaas gacan ka gaystaan. Sidaan oo kale Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maanta war ka soo saartay arrinta hubka, waxaana loogu goodiyey maleeshiyaadkii hubka dhacay, iyadoo dowladda federaalka ay cadeysay inay ka go’antahay in hubkaas uu soo galo gacanta dowladda. Galmudug ayaa u muuqata inay ku mowqif tahay dowladda federaalka, waxaana la mideysan yahay in…
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal lagula dagaalamayo Alshabaab ka fuliyey deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobolada Baay iyo Bakool, si looga hortagoWeerarada shabaabka ay halkaas ka geystaan . Howlgalka waxay Ciidanku ku burburiyeen sida la sheegay goobo ay Alshabaab ah ku qora jireen dhalinyarada u dagaalanta iyo deegaano ay dadka shacabka ah ee mara wadooyinka isku xira gobolada Baay, Bakool iyo Gedo. Taliyaha Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Dhamme Axmed Sheekh Cabdiraxmaan oo hogaaminayay howlgalka ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu burburiyay degaanno ay Alshabaab…
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa Alshabaab kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan Ragga la tooktay ayaa kala ahaa Maxamed Cabdullaahi Abukar Deerow, Cismaan Maxamed Mursal oo horay u dilay marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Gacan ku dhiigle Maxamed Ibraahim Cali iyo gacan ku dhiigle Ilyaas Maxamed Xassan oo iyaguna si wadajira u fuliyay dilkii Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab saaka la tooktay gacan ku dhiiglaha shanaad ayaa ahaa Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo haray Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ay dil toogasho ah ugu xukuntay…
Israa’iil ayaa duulaan aad u darran 24 saac ee la soo dhaafay ku qaaday Qasa, iyadoo diyaaradaha dagaalka ay bambooyin u qeybiyeen guud ahaan marinka Qasa. Mid ka mid ah weerarrada naxdinta leh wuxuu shalay ka dhacay aagga Khan Yonis ee koonfurta Qasa, in ka badan 100 qof ayaa ku geeriyootay 300 oo kalana waa ay ku dhaawacmeen, halka weerar arxan-darrada ah ay maanta diyaaradaha Israa’iil ka geysteen iskuul ay Qaramada Midoobay maamusho oo ay dad rayid ah ku barakaceen, 15 qof ayaa lagu dilay 86 kalana waa lagu dhaawacay, weerar kale oo maanta ka dhacay waqooyiga Qasa, waxaa lagu…
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxyaan Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah oo gudaha dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, sidoo kalena boobay Goobo Ganacsi. Kooxaha Burcadda ah ayaa weeraray Goobo Ganacsi oo kuyaalla Xaafadda New Brighton Ee hoostagta magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaaabi jiray Guuleed, halka ay boobeen Goobtii Ganacsi oo uu ka Shaqeeynayay. Wariye Cumar Khabiir oo kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah uu si dirqi ah kaga badbaaday Milkiilaha Goobta Ganacsi, isla markaana Gaadiid ay xoog…
Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarax ismiidaamin ahaa oo xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay dad badan oo ku sugnaa maqaayad ku taalla gudaha degmada Boondheere. Cumar Xuseen oo kamid ah dadkii ku sugnaa maqaayadaas oo lagu magacaabo Top Coffee ayaa bixiyay xog ku aadan sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in isaga iyo asaxaabtiisa ay goobta ku sugnaayeen xilliga uu dhacaya qaraxa oo gaari loo adeegsaday. “Xalay meeshaan waxaa ka dhacay musiibo aad u wayn qaraxa wuxuu dhacay abaare 10:00 haeenimo runtii meesha waa ku shaaxeyneynay sida idin muuqato qarax…
Xildhibaan Cabdi Maalik”Ayadaha Qur’aanka ee Baarlamaanka lagu furo kuma dhaqno,dastuurka aan ku balanayna kuma dhaqano” Hoos ka Daawo Muuqaalka https://youtu.be/J-nzM5k_dKw?si=eSpVJVUF5XguAkAH
Cabdirsaaaq Ciid oo ku hadlayay afka Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu xubin ka yahay ayaa si kulul uga hadlay weeraradii ugu dambeeyay 72 saac ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay khasaare xoogan. Xildhibaanka oo ka hadlayay qaraxii xalay ka dhacay Maqaayadda Top Coffee iyo weerarkii ka horreeyay ee xabsiga dhexe ayaa sheegay in ay yihiin wax aan loo dulqaadan karin, wuxuuna tilmaamay inay muujinayaan inuu faraha kasii baxay amniga caasimada dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka baarlamaan ahaan ay dalbanayaan isla xisaabtan dhab ah, si ay cid u qaadato mas’uuliyiinta dhibaatooyinkaasi dhacay. Runtii wax mar walba…
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah soo gabagabeyneysa qabashada araajida ama codsiyada Macallimiinta cusub ee dhawaan ay shaacisay in ay qaadaneyso. Qorshaha xiga ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa in ay Imtixaan ka qaaddaa Macallimiinta codsiyada gudbistay si looga soo dhex xulo 3,000 oo Macallim oo ay u baahan tahay sida ay horay u sheegtay. War kooban oo lagu daabacay Barta Facebook ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusuusiyay macallimiinta daneeneysa in ay Imtixaankaan galaan. “Xusuusin, Maanta ayay ku egtahay codsashada kamid noqoshada 3000…
Qaraxii xalay ka dhacay Goob lagu Daawanayay Ciyaartii Fiinaalka ee Yuuro 2024 ayaa Dadka dib usoo xusuusiyay kulan ciyaareed sidaan oo kale Isla Xulkii xalay kasoo horjeeday Ingiriiska uu sanadkii 2010 iyada oo la Daawanayay uu qarax xooggan ka dhacay Dalka Uganda gaar ahaan Magaalada Kampala. Xulka Spain ayaa xiligaas waxa uu Ciyaarta kama dambeysta Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Dalka Koofur Afrika uga adkaaday dhiggiisa Netherlands balse Dad ku daawanayay Goob kamid ah meelaha Ciyaaraha lagu Daawado ee Kampala waxa ay dhibaato kala kulmeen Qarax marqura gilgilay Qaraxii ka dhacay Kampala sanadkii 2010 waxaa ku dhintay 74 ruux halka…