Author: radiohalgan.com

Xildhibaan Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo qoraal kooban ku daabacday barteeda Twitter-ka ayaa jawaab ka bixisay buuq ka dhashay hadal ay dhowaan jeedisay, xilli ay ka hadleysay damaceeda ku aadan kursiga Midowgaa Afrika. Fowziya ayaa xilligaas ka dhawaajisay hadal aysan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin badan ku dhiiran, kaas oo ku saabsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Xildhibaanadda oo deegaan doorashadeedu tahay Gobollada Waqooyi, ayaa shaacisay in mas’uuliyiinta maamulka Somaliland aysan xaqiiqda ka hadlin marka ay ka hadlayaan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ifisay in mas’uuliyiinta Somaliland ay marin habaabiyaan shacabka oo xaqiiqda aysan ka hadlin marka soo hadal qaadayaan Soomaaliya, iyadoo kafishtay…

Read More

Shir gaar ah uu yeeshay Golaha Amniga & Nabadda ee Midowga Afrika ayaa looga arrinsaday codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qorshaha bixitaanka Ciidanka Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee ATMIS iyo la caawiyo kaddib bixitaankooda. Warmurtiyeed kasoo baxay Shirka ay yeesheen xubnaha Golahaan waxaa ugu horreyn lagu bogaadiyay Dedaallada Dowladda Federaalka ay samaysay sida dhinacyada dib u dhiska, Diyaarinta ciidamada la wareegaya mas’uuliyadda Amniga Dalkooda & Joogtaynta Shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka. Intaas kaddib Golaha Nabadda & Amniga Midowga Afrika ayaa taageero u muujiyay in soo jeedinta ka timid Soomaaliya ee ah kahor bixitaanka Ciidankaan ATMIS la sameeyo howlgal muddo kooban…

Read More

Khubarro katirsan Qaramada Midoobay oo xog-baaris ku samaysay xaaladda macluusha ah ee ka jirta Magaalada Gaza ayaa digniin xooggan kasoo saaray halistaas ay wajahayaan kumanaan ruux oo aan haysan wax ay uga hortagaan. Waxa ay intaas ku dareen haddii aan xal degdeg ah la helin ilaa bartamaha bisha soo socota ee Luuliyo (July) xaaladdu sii adkaan karto kana sii dari karto iyada oo dhimashada iyo halistu ay kasii badan karaan heerka maanta gaarsiisan yihiin. Saabir Axmed Saxawiil oo kamid ah Dadka deegaanka ee Magaalada Gaza ayaa ku qaylo-dhaamiyay in xaaladda sidaan ah wax laga baddelo ugu yaraan ciidanka Israaiil lagu…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada Falastiin ayaa Warbixin ay soosaartay waxa uu ku faah-faahiyay Ardayda iyo Macalliminta ku baxday Gacanta ciidanka Israaiil tan iyo bishii Oktoobar sanadkii hore 2023 kuwaas oo intooda badan ku naf waayay duqaynta arxan-darrada ah & toogasho. Warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Falastiin ayaa lagu sheegay in muddadaas colaaddu taagan tahay in gacanta ciidanka Israaiil ay ku baxeen 350 Macallin oo Waxbarashada heerarkeeda kala duwan ah. Arday gaaraysa 430 oo dhiganaysay Dugsiga Sare ayay ku geeriyootay weerarka Israaiil, waxaana dhaawac uu soo gaaray 12,500 oo kale halka ay burburiyeen ciidanka Yuhuudda Goobo Waxbarasho oo u gaaraya 286 Dugsi. Wasaaradda…

Read More

Dawladda Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtey warbixin,xaasxaasiya ooay shaley ay baahisey wakaalada wararka ee Reuters,Warbixinta ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya codsatey,in hawlgalka ciidamadda shisheeye ee ku sugan dalka bixi taankooda dib loo dhigo ilaa bisha September. Ciidamadda Atmis ayaa lagu waday in 4000 oo askari    ka baxaan dhammaadka bishan June dalka,Si kastaba La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa sheegay in wax-ka-bedelka jadwalka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta in ayna waxba iska badalinisagoo ku tilamaamey warbixinta in  ay  tahay ka badbadin. Waxa uu ku tilmaamay qorshaha in uu yahay mid looga fogaanayo faaruq farsamo xilliga kala-guurka.…

Read More

Diyaarad Wada Imtixaanka Shaadiga ah ee dugsiyada Sare ee Dalka ayaa ka soo degtay magaalada Caasimada ah ee Laascaanood ee Maamulka SSC khaatumo,Waa Markii ugu horaysay 34 Sano ka dib Gobolada Woqooyi ee dalka ardaydoodu nasiib u yeeshaa imtixaanka Shahaadiga ee Dawladooda gaar ahaan Deegaanada Maamulka SSC khaatumo. Iyada oo la filayo in Maalinta Berito ah guud ahaan dalka marka laga reebo degaannada Maamulada Puntland iyo Somaliland uu si isku mid ah uga billaawdo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada soomaaliya ayaa sanadkaan markii ugu horreysay waxaa ka qeyb galaya ardayda kunool degaannada Maamulka Khaatuma. Wasiiru…

Read More