Author: radiohalgan.com

Supercomputer ayaa saadaaliyay in seddex tababare oo ku guuleystay Champions League ay u dagaalami doonaan si ay u bedelaan Jurgen Klopp oo ah tababaraha Liverpool. Bishii hore Klopp ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo shaqada tababaranimo ee Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan. Tababaraha reer Jarmal ayaa la wareegay shaqada Anfield 2015, sagaalkii sano ee ugu dambeysay wuxuu kooxda ku hogaamiyay hanashada Premier League, Champions League iyo FA Cup. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu xiriir dhow la sameeyay taageerayaasha Liverpool iyo magaalada, 56-sano jirkaan ayaa qirtay inuu daalan yahay uuna u baahan yahay waqti uu ka maqnaado…

Read More

Real Madrid ayaa sii wadatay isku diyaarinta kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Girona kulan ka tirsan horyaalka La Liga. Los Blancos waxa ka maqan dhamaan daafacyada kooxda ka hor tababarka xilli ay kooxdu la daalaa dhacayso dhaawacyo. Nacho Fernandez ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ka dhaawacma kooxda maadama uu tababarka ku seegay dhaawac muruqa ah. Wargayska AS ayaa sheegay in ka qayb galka Nacho ee kulanka Girona uu wali shaki ku jiro, waxaana ku biiray Vinicius Junior kaas oo si deg deg ah uga baxay tababarka kadib markii uu seegay kulankii Atletico Madrid. Weli waxaa jira rajo…

Read More

Madaxdii Maamulkii Hiiraan State ee Ali Jeyte ka hooseysay ayaa dareemay innuu Jeyte waddo siyaasadda Qalaacuudis-ka ah ee boor isku qaris ka ah go’aan ayeeyna gaarreen uggu dambeyn. Ali Jeyte ayaa Mogadishu iskagga raxeysanaaya Hotel laggu magacaabbo HP 5 Star marka wax lagga weydiiyayna arinkaan waxa uu ku jawaabay, Hiiraan State waxa ay ii aheyd Bridge amam bundo Maamul jirraa guud ahaantiis haddii lagga qabsado Madaxtooyaddii uu ku shaqeyn lahaa soo kabasho marnabba ma yeellan doonno soo rogaal celinna laggama suggaayo oo wax waliba waa qalaas. Hadda iriidda horre waxaa taaggan shaqsiyaad ka mid ahaa Hiran State iskuna dayayo soo…

Read More

Fadhigga Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota ka doodista ajandaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga, kaasoo uu qeyb ka yahay dib u eegista iyo dhameytirka dastuurka KMG. Dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka KMG ayaa ah qodob abuuray xiisad siyaasadeed, ayada oo madax hore iyo qaar ka mid ah xildhibaanada ay kasoo horjeedaan isbeddel lagu sameeyo dastuurka. Warbixintan waxaa diyaariyey Cabdulqaadir Samakaab.

Read More

Waxaa aad sare ugu kacay qiimaha xoolaha nool ee sayladaha xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya iyo nawaaxigooda. Qaar badan oo ka mid ah bulshada qaxootiga ah oo siyaabo kala duwan ay noloshooda ugu tiirsan tahay iibka xoolaha ayaa dareemaya saamayn ka dhalatey sicirka-bararka xoolaha. Culeyska ugu badan ayaa waxaa daremaya kawaanleyda iyo maqaayadleyasha oo ganacsigooda uu si weyn ugu tiirsanaa xoolaha. Faahfaahinta warkaan waxaa Dhadhaab kasoo diray Axmed Cabdullaahi Jaamac.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hoos u dhigay cabsida laga qabo dagaal ay la galaan Soomaaliya sababo la xiriira baadi-goobka ay Itoobiya ugu jirto bad, isaga oo maanta sheegay in Itoobiya ay dooneyso kaliya inay nabad la wadaagto deriskeeda. Itoobiya ayaa 1-dii Janaayo heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland. Dokumentigaas ayaan weli la shaacin balse Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay ogolaatay inay aqoonsato madax-banaanideeda ayada oo ku beddelanaysa dekad iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiska ayaa ka caraysiiyey Soomaaliya oo ku adkeysata in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyey inuu diyaar u…

Read More